Sign in to follow this  
malistar2012

Madaxweyne Xasan Shiikh iyo wafdi la socday oo Markab Dagaal kulan kula yeeshay Mas'uuliyiin ka tirs

Recommended Posts

Khamiis, September 05, 2013 (HOL) — Madaxweynaha dowladda Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay meel ka baxsan xeebta Muqdisho wuxuu markab dagaal oo ay leedahay dowlada Nederland kana mid ah kuwa howlgalka la-dagaalanka burcad-badeedda u jooga Soomaaliya kula kulmay ergayga gaarka ah ee Midowga Yurub u jooga Soomaaliya, Michele Cervone d’Urso, taliyaha sare ee ciidmada badda Midowga Yurub, Admiral Bob Tarrant, madaxa hawlgalka dhismaha iyo tayeynta Midowga Yurub (EUCAP), Nestor, Etienne de Poncins iyo xubno kale.

 

Kulankan ayaa waxaa looga wada hadlay sida noocyada kala duwan ee isugu jira qalabka iyo farsamada ay leeyihiin dalalka Yurub loogu taageeri lahaa horumarinta ciidmada badda Soomaaliya.

 

Arrintan oo lagu asaasay fadhigii u horreeyay oo la qabtay 24-kii bishii Juun ee sannadkan, fadhigaasoo ka dhacay markab fadhiisin u ahaa ciidammada badda ee Midowga Yurub EU NAVAL FORCE. Ujeeddada shirkan ayaa ahayd abuurista xiriir wax wada-qabsi oo dhexmara Soomaaliya iyo Midowga Yurub, waxaa kaloo fadhiga gacan buuxda siinayay shirka caalamiga ah ee salka ku haya ka-hortagga burcad-badeedda oo lagu qabanayo Dubai inta u dhexeysa 11-ka illaa 12-ka bishan Sebtember iyo waliba shir kale oo loogu magac daray (Heshiiska cusub ee Soomaaliya) oo ka dhici doona Brussels. Kaas oo furmi doona 16 Sebtember 2013.

 

Shirkan wuxuu meel marinayaa heshiis dhexmara Soomaaliya iyo beesha caalamka kaasoo qeexaya siyaasadda hoggaanka, habka mudnaanshaha la siinayo ee la xiriira amniga iyo habka dhaqan-dhaqaale ee Soomaaliya ay higsanayso sannadaha soo socda.

 

“Soomaaliya aad bay u soo dhaweyneysaa wax wada-qabsi dhex mara isbahaysiga Yurub iyo Soomaaliya si loo hagaajiyo amniga badaha Soomaaliya, taasoo qayb ka ah hawlgalka ballaaran ee is-bahaysiga Midowga Yurub uu ka wado Soomaaliya. Wax wada qabsi dhinaca ammaanka baduhu wuxuu saameyn xooggan ku yeelanayaa horumarinta deegaannada xeebaha dalkeenna. Waxaa iga go’an inaan soo bandhigo hoostana ka xariiqo qorshe dhamaystiran oo dhinaca badaha ah inta uu socdo shirka ka dhacaya Brussels,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay kulanka ka dhacay markabka dushiisa.

 

 

 

Ergayga Midowga Yurub ee Soomaaliya, Michele Cervone d’Urso oo isaguna hadlay ayaa yiri: “Arrintani waxay mar labaad caddeyn u tahay sida ay uga go’an tahay Midowga Yurub inay garab istaagaan Soomaaliya sidii ay u gaari lahayd deggenaasho iyo nabadgelyo buuxda. Inta uu socdo shirka bishan loo ballansan yahay ee (Heshiiska cusub ee Soomaaliya) ee magaalada Brussels. Taageeridda hay’adaha ammaanka ee Soomaaliya oo ammaanka baduhu ku jiraan waxay xagga sare ka galaysaa ajandaha shirka.”

 

Sidoo kale markabkan laga leeyahay Nederland ee wuxuu marti geliyay siminnaarka ay bixinaysay EUCAP Nestor oo ah falal dambiyeedka dhinaca badaha, waxaa kaloo qayb ka ahaa dhoola-tus ay goob joog ka ahaayeen wafdiga Soomaalida. Wafdigan wuxuu ka koobnaa garyaaqanada dowladda, xaakimmo iyo saraakiil ka tirsan ciidanka badda, iyagoo daawaday dhoola-tus la xiriira sida looga hortago doomaha loo adeegsado burcad-badeednimada, qaabka ciidamadu u fuulaan doonta looga shakiyay inay wataan burcad-badeed iyo habka burcadda loo xir-xiro, qaabka caddeymaha loola wareego iyo baarista la xirrirta dambigooda.

 

Etienne de Poncins oo ahaa madaxa wafdiga EUCAP nestor oo halkaas hadal ka jeediyay ayaa isaguna yiri:”Dhacdadan ay ku jirto dhoolla tuskeeda ee uu markabku soo bandhigay waxay muhiim u tahay macnana u sameynaysaa sidii nidaamka maxkamadaha ee dalka Soomaaliya iyo booliiskuba ay uga hortagi lahaayeen burcad-badeednimada iyo qaababka kale ee sharci darrada ah si loo hormariyo amniga badaha Soomaaliya iyo kuwa Geeska Afrika.”

 

Waa markii ugu horreysay oo madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi la socda ay kulan kaga qayb galaan markab dagaal oo Midowga Yurub laga leeyahay korkiis, iyadoo tani ay macno weyn u sameynayso dowladda Soomaaliya sida kulanka lagu qabtay markabka dushiisa laga sheegay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha_Markab_Dagaal_1.jpg

 

President Hassan working hard to revive Somali Naval force

 

Madaxweynaha_Markab_Dagaal_2.jpg

 

 

Madaxweynaha_Markab_Dagaal_2.jpg

 

 

Kulankan ayaa waxaa looga wada hadlay sida noocyada kala duwan ee isugu jira qalabka iyo farsamada ay leeyihiin dalalka Yurub loogu taageeri lahaa horumarinta ciidmada badda Soomaaliya

 

 

 

Madaxweynaha_Markab_Dagaal_3.jpg

 

 

Madaxweynaha_Markab_Dagaal_6.jpg

 

 

Etienne de Poncins oo ahaa madaxa wafdiga EUCAP nestor oo halkaas hadal ka jeediyay ayaa isaguna yiri:”Dhacdadan ay ku jirto dhoolla tuskeeda ee uu markabku soo bandhigay waxay muhiim u tahay macnana u sameynaysaa sidii nidaamka maxkamadaha ee dalka Soomaaliya iyo booliiskuba ay uga hortagi lahaayeen burcad-badeednimada iyo qaababka kale ee sharci darrada ah si loo hormariyo amniga badaha Soomaaliya iyo kuwa Geeska Afrika.”

Share this post


Link to post
Share on other sites

Thursday, September 05, 2013

 

 

The European Union and Somalia join hands in maritime security partnership

 

 

On 4 September 2013, off the coast of Mogadishu, the EU Naval Force (EU NAVFOR) Atalanta hosted the President of Somalia, Hassan Sheikh Mohamud, on board the Dutch EU NAVFOR flagship, HNLMS Johan de Witt. The President, his Ministers and security commanders met with EU Special Envoy to Somalia, Michele Cervone d'Urso, the EU Naval Force Operation Commander, Rear Admiral Bob Tarrant and Head of Mission of EU Capacity Building Mission (EUCAP) Nestor, Etienne de Poncins. It was discussed how the different EU instruments can support the development of a comprehensive Somali Maritime Strategy.

 

The event built on the first meeting held on June 24 on a EU Naval Force flagship and aimed to further foster the partnership between Somalia and the European Union and constitutes a stepping stone towards the third international counter-piracy conference in Dubai on 11-12 September 2013 and the “New Deal for Somalia” Conference in Brussels on 16 September 2013. The New Deal Conference will endorse a 'Compact' between Somalia and the international community that identifies the key political, security and socio-economic priorities for the coming years.

 

President Hassan Sheikh Mohamud: "Somalia welcomes cooperation with the EU to improve maritime security as part of the broader engagement of the EU in Somalia. Maritime cooperation will have important effect on the stabilization and development of coastal areas in my country. I intend to present the outline of a comprehensive maritime strategy during the Brussels Conference".

 

EU Special Envoy to Somalia, Michele Cervone d'Urso said: "This event was yet another occasion to reiterate the EU's strong commitment to help Somalia on its path towards stability and security. During the upcoming "New deal for Somalia" Conference in Brussels, support to the Somali security sector will be high on the agenda, including maritime security".

In order to support the Somali authorities to increase their capabilities to fight piracy and other illegal activities off their coastline, the EU NAVFOR Dutch flagship also provided the platform for a EUCAP Nestor maritime crime seminar, including a practical exercise with delegates from Somalia. The delegates, comprising Somali prosecutors, judges and maritime police officers, observed a demonstration of how a suspect pirate vessel is intercepted, including boarding the vessel, detaining suspects, seizing evidence and investigation.

 

Speaking about the seminar Etienne de Poncins, Head of Mission of EUCAP Nestor, said “events which include practical exercises such as the one organised on board the Dutch flagship are an important means to demonstrate the broad engagement required from the Somali judiciary and police in order to effectively tackle counter piracy and other illegal activities as to improve maritime security in the Horn of Africa.”

Share this post


Link to post
Share on other sites

peasant;976233 wrote:
shouldnt this sort of work befitting for a prime minster or even a minster? these people are joke

Since the Prime Minister is almost non existent, let the president do his work.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Soomaaliya oo Dublamaasiyiin iyo Mas’uuliyiin kale Maanta kula kulmay Madaxtooyada Soomaaliya

 

Khamiis, September 05, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay guddoomiyaha Machadka Nabadda ee Mareykanka (US Institute for Peace), ergeyga gaarka ah ee geeska Afrika ee dalka Norway iyo danjiraha Soomaaliya u jooga dalka Britain.

 

Xasan Sheekh ayaa kulankii uu la qaatay guddoomiyaha Machadka Nabadda Mareykanka, Jim Marshall waxay kaga wadahaleen sida machadkaasi uu Soomaaliya ugala shaqeyn karo arrimaha ammaanka iyo nabadgalyada. Madaxweynaha ayaa guddoomiyaha uga mahadceliyay booqashada uu ku yimid Soomaaliya iyo sida ay Soomaaliya ugu baahan tahay amni iyo nabad.

 

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa kulankii uu la qaatay ergeyga gaarka ah ee geeska Afrika ee dalka Norway, Jens **uagedal waxay kaga wada hadleen arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin horumarka dalka Soomaaliya, xiriirka Norway iyo Soomaaliya, shirka Brussels iyo kaalmada uu dalka Norway siiyo Soomaaliya.

 

Madaxweynuhu waxuu sidoo kale maanta xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dalka Ingiriiska, Neil Wiggan kaasoo ay kawada hadleen xiriirka labada dal, daba-galka howlaha muhiimka ah ee UK ay kawaddo Soomaaliya oo ay ku saacidayso shacabka, shirka Brussels iyo arrimo kale.

 

Safarrada ay dublumaasiyiinta shisheeye ku imanayaan Muqdisho ayaa waxay tusaale u yihiin horumarka uu dalku ku tallaabsaday iyo sida ay dowladda federaalka Soomaaliya u adkeysay islamarkaana u horumarisay xiriirka kala dhexeeya caalamka intiisa kale.

 

Mas’uuliyiintan oo iyaguna hadlay ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin booqashadooda Soomaaliya iyo inay warbixino ku saabsan xaaladda dalka Soomaaliya ay ka dhageystaan madaxda dalka oo uu ugu horreeyo madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud.

 

Bartamaha bishan September ayaa lagu wadaa in magaalada Brussels ee xarunta dalka Belgium uu ka dhaco shir looga hadlayo dib u dhiska dalka Soomaaliya, kaasoo ay kasoo qaybgeli doonaan madax ka socota dalalka caalamka ee daneeya arrimaha Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Quote Originally Posted by peasant View Post

shouldnt this sort of work befitting for a prime minster or even a minster? these people are joke

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamud is working hard none stop to restore the Somali Nation back ........ There is no time to waist President has taken it upon himself to capitalize on the Opportunity that IC has offered His Government .

 

 

Madaxweyne_iyo_kulan_Villada_1.jpg

 

Madaxweyne_iyo_kulan_Villada_4.jpg

 

 

Madaxweyne_iyo_kulan_Villada_5.jpg

 

 

Madaxweyne_iyo_kulan_Villada_3.jpg

 

Safarrada ay dublumaasiyiinta shisheeye ku imanayaan Muqdisho ayaa waxay tusaale u yihiin horumarka uu dalku ku tallaabsaday iyo sida ay dowladda federaalka Soomaaliya u adkeysay islamarkaana u horumarisay xiriirka kala dhexeeya caalamka intiisa kale.

 

Mas’uuliyiintan oo iyaguna hadlay ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin booqashadooda Soomaaliya iyo inay warbixino ku saabsan xaaladda dalka Soomaaliya ay ka dhageystaan madaxda dalka oo uu ugu horreeyo madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud.

 

Bartamaha bishan September ayaa lagu wadaa in magaalada Brussels ee xarunta dalka Belgium uu ka dhaco shir looga hadlayo dib u dhiska dalka Soomaaliya, kaasoo ay kasoo qaybgeli doonaan madax ka socota dalalka caalamka ee daneeya arrimaha Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Madaxweynaha_Markab_Dagaal_1.jpg

 

It may look like markab dagaal, but part of it, or half of it is factorized-fishing-vessel, which means fishing happens on the spot, and they are canned on the spot, and cargo vessels export them to Europe.

 

 

I am sad that our President, who is working hard to revive Somali Navy, could not notice the fish he was eating on board, he thought it was from Europe, while in fact, it was killed on the spot, on Somali Sea, and they fed it to our president, telling him how delicious European fish is.

 

An epic failure, indeed.

 

Why is he not telling them to get out, that piracy is no longer an obstacle.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this