Sign in to follow this  
MoonLight1

Desperation.

Recommended Posts

Cabdullaahi Suudi "Dhaqaalaha Puntland soo gala marka 2 loo dhigo QEYB waxaa lagula bixiyaa xasilooni darrida Muqdisho"

 

Cabdullaahi Suudi Faarax oo ka howgala mid ka mid ah shirkadaha xawaaladaha ee magaalada Muqdisho ayaa xaqiijiyey in xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka, kana soo jeeda Puntland in lacago aad u fara badan looga soo xawilo Puntland lagu bixiyo sidii qalqal loo geli lahaa ammaanka, wuxuuna Cabdullaahi ugu baaqay laamaha sirdoonka ee dowladda Soomaaliya in ay baaritaan ku sameeyey raadka ay maamulka Puntland ku leeyihin dilalka & qaska magaalada Muqdisho & in caasimadu aysan dagin.

 

 

"Puntland oo danteedu tahay in aysan magaalada Muqdisho xasillin, waxey qeyb weyn ku leedahay dilalka & qaska ka soconaya Muqdisho, waxaana dhaqaalaha lagu furdaaminayo si joogta ah uga qaata xawaaladaha xildhibaanno ka soo jeeda Puntland" ayuu yiri Cabdullaahi Suudi wuxuuna intaa ku daray in dhowaan uu soo bandhigi doono magacyada & dhaqaalaha sida joogtada ah ay madaxda Puntland Muqdisho ugu soo diraan cidda soo dirta & kuwa loo soo diro.

 

Cabdullaahi Suudi oo arrintaasi maanta saxaafadda kaga hadlay wuxuu u soo jeediyey dowladda Soomaaliya in iyada oo adeegsaneysa laamaheeda sirdoonka ah in arrintaasi ay dabagal ku sameyso, ayna tillaabo degdeg ah ka qaado.

 

"Dowladdu & Maamulka Gobolka Banaadir waa in ay ka qabtaan gobolka Banaadir qaska & fowdada ay ka wadaan reer Puntland, kuwa uu Faroole soo guneeyeyna la soo bandhigo" ayuu yiri Cabdullaahi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this