Sign in to follow this  
Mooge

Puntland returns beans (cambuulo) cargo sent by Qoslaye

Recommended Posts

Who wants a Poisonous Bean,this man must be nuts to want kill Citizens of Puntland. He must be arrested and Puntland Gov need to send their elite to arrest him.Let the chip fall where they may be.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Khatumo reaction to sending back the food aid intended for Taleex and 2 other places.

 

 

Khatumo Oo ku Toosay Cadaawada Faroole Kadib, Markuu Celiyey Markab

 

Aug 10, 2013 - 25 Jawaabood

Hogaamiyaha Maamulka Puntland C/raxmaan Faroole ayaa maanta celiyey markabkii deeqda u sidey shacabka Maamulka Khaatumo State iyo Qayb kamida deeganada Puntland.

 

Deeqda Ayaa labada maamul waxaa si isku mid ah ugu Deeqday Dawlada Turkey. Waxaana arintaas Siwayn Uga Cadhooday Faroole, Markabkan ayaa looo magacaabay sadex wasiir oo faroole la shaqeeya, kuwaasoo kala Wasiirka Maaliyada, kan dekedaha Siciid Maxamed Raagge iyo Ahmed Jaamac Ilkajiir oo arimaha gudaha ah.

 

Waxayna wada xaajood 3 maalmood kala lahaayeen dawladda Turkey inay ku qanciyaan in deeqda ku socota Khaatumo State PL lagu wareejiyo si ay u gaadhsiiso waxii ay u qoondayso ama ugu yaraan boqolkiiba shan iyo labaatan la siiyo, taasoo dawladda Turkey ay ganafkua ku dhufatay una sheegtay inaysan Deeqdan ay madaxda iyo siyaasiyiinta reer Khaatumo u cayintay aysan ka laaban doonin.

 

Faroole ayaa aad marba walba ka shaqeeya dibin daabyada iyo Lugooyada shacabka Reer Khaatumo, waxayna markale arintani ka makhraati kacaysaa heerka cadaawaded ee uu u qabo shacabka Khaatumo State, oo xataa dekkedaha uu ka celinayo deeqdaas maxaa loo siiyey ee Turkey ugu gartay.

 

Waxaa Haatan Gabal Cidla Ugu Baryey Kooxaha Kasoo Jeeda Deeganada SSC amaa Khaautumo ee Moodayey In Faroole uu Dan Uwado.

Faroole oo Markabkii Turkeyga u celiyey sidee buu deeq toos ah u siiyaa Khaatumo State
.

 

C/raxmaan Faroole ayaa maanta celiyey markabkii deeqda u sidey shacabka Khaatumo State iyo kan deeganada Puntland, sidii horey shabakada Horufadhi u baahisay markabkan ayaa deeq wada jir ah u sidey labada maamul, kaasoo dawladda Turkey si isku mid ah ugu qaybisay. Waxaana arintaas ka cadhooday faroole, Markabkan ayaa looo magacaabay sadex wasiir oo faroole la shaqeeya, kuwaasoo kala Wasiirka Maaliyada, kan dekedaha Siciid Maxamed Raagge iyo Ahmed Jaamac Ilkajiir oo arimaha gudaha ah.

 

Waxayna wada xaajood 3 maalmood kala lahaayeen dawladda Turkey inay ku qanciyaan in deeqda ku socota Khaatumo State PL lagu wareejiyo si ay u gaadhsiiso waxii ay u qoondayso ama ugu yaraan boqolkiiba shan iyo labaatan la siiyo, taasoo dawladda Turkey ay ganafkua ku dhufatay una sheegtay inaysan Deeqdan ay madaxda iyo siyaasiyiinta reer Khaatumo u cayintay aysan ka laaban doonin.

 

Deeqdan ayaa ahayd Bariis, Saliid, Bur , Dawooyin iyo alaabo kale oo muhiim u ah umada Soomaaliyeed ee labada maamul ee deriska ah , Faroole ayaa aad marba walba ka shaqeeya dibin daabyada iyo Lugooyada shacabka Reer Khaatumo, waxayna markale arintani ka makhraati kacaysaa heerka cadaawaded ee uu u qabo shacabka Khaatumo State, oo xataa dekkedaha uu ka celinayo deeqdaas maxaa loo siiyey ee Turkey ugu gartay.

Faroole oo u Tafaxaytay inuu dhaco Deeq dawladda Turkey siisay Khaatumo State,{Xog}.

 

Wararka shabakada caalamiga ah ee horufadhi ka helayso magaalada Boossaaso ayaa sheegaya in halkaas uu taagan yahay Markab deeq u siday maamulada Khaatumo State iyo Puntland State, kaasoo ay ugu deeqday dawladda Turkey, deeqdan oo ah Raashin noocyadiisa kala duduwan ayaa ahaa midka dawladda Turkey ay u qoondaysay inay siiso shacabka Soomaaliyeed ee ay garab taagan yihiin.

 

Hadaba deeqdan ayaa shan boqol oo Ton waxaa loogu talo galay in la siiyo Khaatumo State halka intaas in le’egna loo qoondeeyey deeganada Puntland, taasoo Faroole si weyn uga cadhooday, asagoo ku andacoonaya in aysan u qalmin reer Khaatumo in deeqdaas wallaha Turkey ku deeqaan ay gaadho deeganada Khaatumo State.

Wuxuuna u magacaabay sidii arintaas ay uga hortegi lahaayeen sadex nin oo laba ********** yihiin iyo nin ********** ah kuwaasoo kala ah wasiirka Maaliyada ugu magacaaban faroole, kan dekedaha ugu magacaaban iyo Ilkajiir oo asaguna arimaha gudaha u masala Faroole.

 

Waxaa la sheegay in Faroole uu kooxdan ku maray inay si deg deg ah deeqdan Garoow eu keenana isla markaana aan waxba la gaadhisiin taleex iyo Buuhoodle oo maamulka Khaatumo u qoondeeyeen inay deeqda ugu qaybshaan shacabka Khaatumo State.

 

Deeqdan ayaa waxaa aad uga soo shaqeeyey Dr. Abdulkareem Hassan Jaamac oo ku qancxiyey dawladda Turkey in deeqda loogu talo galay deeganada Khaatumo ay noqoto mid toos u abaarta deeganada maamulku maamulo ee Taleex, Buuhoodle iyo kuwa kale si loogu qaybsho si xaq ah oo sinaan ah.
Waxaana jirey ururo aan dawli ahayn oo arintan loo igmaday inay si hufan u maamulaan, kuwaasoo dawladda Turkey ka caawinayso gadiidkii ay ku gaadhsiin lahaayeen, balse waxaa caqabad noqotay in Faroole Isbaaro u dhigtay deeqdan dawladdaasi ku taageertay, asagoo horey u dhuran jirey waxii taageero ah dadka Khaatumo lahaayeen.

 

Sanadkii hore ayey ahady markii deeq waxbarasho oo toos ah dawladda Turkey uu sidan uga soo dhameeyey Dr. Abdulkareem Hassan Jaamac , taasoo in ka badan 15 ardey ay haatan wax ka bartaan Jamaacadaha waa weyn ee dalkaas,
ayadoo lagu xasuusto Dr. Jaamac waxqabadyo kala duduwan iyo dedaal socodsiinta maamulka Khaatumo ah oo uu si madax banaan isugu xilqaamay tan iyo sanadkii 2009kii markuu uu ka soo dhexmuuqday siyaasada dalka Soomaaliya.

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this