Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

New Political Party in Muqdisho excludes Somaliland from Somalia.

Recommended Posts

Xisbiga Dadka oo Xaqiray Puntland halka Soomaaliland na uu ka Saaray Dalka Soomaaliya (Akhriso Warbix uu Xisbiga Soo Saaray)

 

Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

 

 

Warbixin uu soo saaray Xisbiga Dadka Soomaaliyeed ayaa lagu dhaliilay dowlada iney dalka gelisay xaalad nolol xumo oo la soo gudboonaatey shacabka Soomaaliyeed.

 

xisbiga dadka soomaaliyeed logoWuxuu Xisbiga Dadka ku soo gudbiyey warbixinta in dowlada Soomaaliya ay ku dhaliilayaan qodobo muhiim ah oo quseeya arrimaha dibedda iyo gudaha soomaaliya sida: siyaasada xariirka caalamka, siyaasada arimaha gudaha gaar ahaan: kobcinta dhaqaalaha, cadaalada bulshada, abuurista adeegyada aasasiga ee bulshada, shaqo abuurista iyo musuqmaasuqa sii baahaya ee cuuryaamiyey horukaca dowladda, iyadoo loo baahan yahay xilligan adag ee dalku marayo xaalad xasaasiya in shacabka loogu adeego taabogelinta amniga, cadaalada iyo raacida hanaanka dowlad wanaaga, taas oo horseedeysa gaarista kalsooni buuxda oo dhexmarta dowlada iyo shacabka soomaaliyeed. Xisbiga Dadka wuxuu dowlada ku dhaliilayaa ka gaabinta in la furfuro hanaanka dowladnimo oo loo baahan yahay in laga qeybgeliyo dhamaan dadka Soomaaliyeed oo waayoaragnimada iyo aqoonta u leh u adeegida shacabka, taas oo meesha ka saareysa inaan awooda dowlada lagu koobin koox yar.

 

Qodobada dhaliisha ee arrimaha dibedda:

 

- Dowladdu waxay ku guuldareysatay xariirka wadamada dariska ah, gaar ahaan dowladdu waxay ka aamustay faragalinta ciidamada Kenya oo tacadiyo kula kacay shacabka degan Kismaayo.

 

- Waxey dowladdu ka gaabisay xariirka saaxiibtinimo ee wadamada Afrika iyo Carabta, waxeyna diirada saartay oo keliya wadamada ay dhaqso dhaqaale uga heli karto. Waxey ahayd in la soo celiyo xoojinta xiriirka wadamada ay ka mid yihiin koofur Afrika iyo Nigeria , Sacuudiga iyo Imaaraatka carbta oo ay ku nool yihiin dad tiro badan oo Soomaali ah iyo wadamo kale oo Carab iyo Afrikaanba leh.

 

- Madaxda dowladda oo xiriirka caalamka u adeegsata ka qeybgelida kulamada caalamka oo ay ugu yabooh tagaan ama dibeda ugu kacaan safaro isdaba jooga oo ay ku soo yaboohsanayaan helida dhaqaale iyo hanti ay si gaara u maamushaan, iyagoo aan marna shacabkooda u codsaneyn in caalamku wax u qabto, waxaana qorshe xumadooda tusaale u ah in dhaqaalaha dowladdu ay hesho uusan u soo gudbin curinta ama kobcinta dhisida kaabayaasha dhaqaale, kuwaas oo shacabka u abuuri kara adeeg bulsho iyo shaqo, nasiibdarase ay dhacdo in dhaqaalaha soo gala dowlada ay ku idlaato adeegsiga safarada iyo kharashka xafiisyada madaxda, waxeyna inta badan hantidaas ay ku dhamaata foojarada madaxda dowladu ay ku qaataan.

 

- Dowladdu waxay mabda’ ka dhigatay raadsiga kaalmo shisheeye taasoo dhalineysa inaysan u madax banaanayn maamulka kaalmadaas lagu soo yaboohsaday magaca ummadda Soomaaliyeed, islamarkaasna ay taas u wehliso in shirkado shisheeye ay lacagta xoogeeda dib ugu noqoto. Kaalmadaas shisheeyaha ku milan waxaa ka dhasha xirfadeynta musuqmaasuqa gudaha fududeyntiisa. Waxaa haboon in maamulka dowladdu ay wadamada hodanka ah u adeegsato xariirkeeda caalamka si ay uga hesho amaah lagu hirgelinayo mashaariic lagu hormarinayo koboca dhaqaalaha, laguna abuurayo shaqooyin curiya adeegyo badan oo lagu haqabtirayo baahida ay bulshadu u qabto aasaasida adeegyadeeda lama huraanka ah.

 

Qodobada dhaliisha ee siyaasada arrimaha gudaha:

 

- Wuxuu Xisbiga Dadka ku dhaliilayaa dowlada inaysan diyaar u ahayn in laga maarmo ku tiirsanaanta ciidamada shisheeye, waxaana taas marqaati u ah in goobaha sida gaarka astaanta ugu ah qarannimada Soomaaliyeed sida: madaxtooyada, golaha shacbiga, xaruumaha taliska ciidanka, garoonka dayuuradaha iyo dekadda ay gacanta ugu jirto ciidamada shisheeye, kuwaas oo gacan ku haynta ciidanka Soomaaliyeed ay si wadaninimo leh shacabka Soomaaliyeed ugu muujineysa jiritaanka ismaamul soomaaliyeed oo madaxbanana.

 

- Dowladdu waxay wax ka qaban weysay musuqmaasuqa ka jira hey’addaha dhaqaalaha sida Bangiga dhexe, canshuuraadka maamulka gobolka banaadir, dekadda iyo goroonka oo dhaqaalaha ka soo gala goobahaas aan shacabka loogu abuurin shaqoooyin ama waxtar u daneynaya baahida loo qabo adeegyada bulshada.

 

- Dowladdu waxay ku guuldareysatay inaysan gacanteeda ku jirin hal gobol, waxaana muuqata in gobolada waqooyi Bari, gobolada Dhexe, Baay iyo Bokool looga taliyo Addis Ababa, meesha gobolada Shabeele iyo Banaadir ay gacanta ugu jirto maamulida ciidamada shisheeye ee AMISOM, halka gobolada Jubooyinka looga taliyo Nairobi. Waxaa guuldareystey hanaanka xiriirinta iyo habdhaqanka dowladu ay ku qabyaaladeysey siyaasada maamul u sameynta gobolada, waxaana taas marqaati ka ah fashilkii dowlada uga yimid maamul u sameynta Kismaayo.

 

- Dowladda waxaysan hirgelin kala saaridda he’adaha sare ee dowladda sida: madaxtooyada, baarlamaanka iyo garsoorka, waxaana taas kuu cadayneysa in gudoomiyaha baarlamaanka marna yahay gudoomiye marna kusime madaxweyne, waxayna isku milankaas ay astaan u noqoneysaa musuq siyaasadeed oo meesha ka saareysa is xisaabinta u dhaxaysa Baarlamaanka iyo madaxtooyada.

 

- Dowladu waxey ku guuldareysatay horukac ku yimaada koboca dhaqaalaha. Tan iyo markii dowladdu xilka la wareegtay waxaa yaraaday awoodii wax iibsashada shacabka, taasina waxay horseedi kartaa qalqal guud oo ku yimaada nolosha dadka, taas oo wadata qatarta kacdoono shacab oo dowladda dumiya.

 

- Xisbiga Dadka Soomaaliyeed wuxuu ku dhaliilayaa dowladdu iney gacmaha ka laabatay cabashada shacabka oo quseeya boobka dhulkii hantida guud oo laga barakicinayo isla markaasna laga iibinaayo ganacsato burcada, taas oo dhalisay kalsooni darida shacabka.

 

Talo soo jeedin

 

Xisbiga Dadka Soomaaliyeed waxa uu talo u soo jeedinayaa Shacabka iyo dowladda soomaaliyeed.

 

- Shacabka waa in ay ka fogaadaan wax kasta oo abuuri kara qas dib loogu noqdo dagaalkii sokeeye, dulqaadna ay u yeeshaan xaaladaha adag ee la soo gudboonaaday shacabka soomaaliyeed hadii ay ahaan lahayd dhaqaalaha liita, amni darida iyo dowladnimoxumo.

 

- Madaxda dowladda waxaa la gudboon in ay furfuraan xanibaada soo wajahday lacag la’ aanta heysata shacabka, waxaana lagama maarmaan ah maaliyadda soo gasha dowladda in adeeg iyo shaqo loogu abuuro shacabka, taas oo loo marayo hirgalinta mashaariic dib loogu dhisayo adeegyada aasaasiga ah ee bulshada sida: wadooyinka, buundooyinka, dekadadaha, garoomada, dugsiyada iyo isbitaalada. Mashruucyadaas waxey shacabka ka haqabtireyaan baahida loo qaabo howlaha lagama maarmaanka u ah adeegyada bulshada iyo kuwaas oo dhalinyarada u abuuraya shaqooyin fara badan.

 

- Dowladdu waa in ay u madaxbanaaneyso howl-wadeenada ay dowladu adeegyada kala duwan u xilsaartay, taasi waxay meesha ka saareysaa in awooda howl socodsiinta ee adeega dowlada aysan xarun u noqon madaxtooyada keliya, waxeyna suurto galinaysaa in si madaxbanaan loo la xisaabtamo howlaha ay madaxdu u xil saaran yihiin iyo in shacabku helo madax leh meel loogu hagaago oo ay u gudbiyaan cabashadooda.

 

- Dowladda waxaan kula talinaynaa in ay la timaado qorshe ay ku rarto, dib u dajinna ugu samayso dadka ku soo barakacay Muqdisho, inta ka horeysana xaqooda wadaninimo la ilaaliyo sida amnigooda iyo maciishada noloshooda.

 

Golaha Fulinta ee Xisbiga Dadka Soomaaliyeed

 

Muqdisho – Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Siyaasi Ka Soo Jeeda Muqdisho Oo SheegayInuu Aqoonsan Yahay In Somaliland Ay Ahayd 60-kii Dawlad Ku Biirtay Somalia, Maantana Ay Xaq U Leedahay Inay Dawladnimadeeda La Soo Noqoto

 

Muqdisho, August 2, 2013 (Haatuf) - Siyaasiga Siciid Ciise Maxamuud oo gudoomiye u ah Axsaabta ka dhisan Muqdisho oo loo yaqaano Xisbiga Dadka, isla markaana ka mid ahaa musharaxiintii isu soo taagay Madaxtinimada Somalia sanadkii hore, ahna siyaasi mudooyinkan dambe si weyn u dhaliilsan siyaasada dawlada Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inuu aqoonsan yahay in Somaliland ay ahayd 1960-kii dal ku biiray dawladd kale, maantana ay reer Somaliland xaq u leeyihiin inay dawladnimadooda la soo noqdaan. Gudoomiyaha Xisbiga Dadka Siciid Ciise Maxamuud ayaa sidaasi ku sheegay Waraysi uu xalay khadka telefoonka ku siiyey Wargeyska Haatuf isagoo ku sugan magaalada Muqdisho ee Somaliland, kaas oo intaa ku daray in xukuumada iyo Madaxweynaha Somalia ay ku fashilmeen balanqaadkii ahaa inay dawladoodu ay meel dhigatay qorshe ka kooban lix qodob oo ay dalka Somalia ku maamulayaan kuna horumarinayaan. Mr Siciid ayaa intaa raaciyey in Somalia in Muqdisho laga baqayo inuu ka dhaco kacdoon shacab oo laga sii shakisan yahay in hub laysula soo baxo shacabkuna heeryada saaran iska kiciyaan maadaama shacabkii hal sano maanta duruufaha haya ay taagan yihiin kuwo aanay awoodi karin in sanado kale ku samraan. Siyaasigan reer Somalia mar uu ka jawabayey su’aal ku saabsanayd qadiyada Madaxbanaanida Somaliland iyo Aragtida xisbigiisu ka qabo ayaa waxa uu sheegay in xisbigiisu taageersan yahay gooni isu taaga Somaliland waxaanu yidhi “Shalay waxa isku darsamay British Somaliland iyo Somalia Italiya oo dhalay Jamhuuriyadii Soomaaliyeed, markaa Somaliland waxay shalay la yimadeen dawlad markaa dawlad dawlad ku biirtay ayay ahayeen maanta hadii ay midowgii dhib kala kulmeen xaq bay u leeyihiin inay dawladnimadoodi la noqdaan cid qasbi kartaana ma jirto waxaanse dadka reer Somaliland iyo dawladoodaba u sheegayaa in aanay godoon iska dhigin ee ay u ololeeyaan (Lobbing) oo Muqdisho dad badan oo taageersan ayaa jooga, siyaasiyiinta ka soo jeeda Somaliland qaar baa Muqdisho ka sheega inay midnimada aaminsan yihiin sidoo kale waxaa la helayaa siyaasiyiin koonfurta ka soo jeeda oo Hargaysa doonaya inay u cadeeyaan in ay taageersan yihiin qaranimada Somaliland”. Ayuu yidhi Siciid Ciise gudoomiyaha Xisbiga Dadka ee Somalia. Waxaanu intaasi ku daray in loo baahan yahay in dawlada iyo shacabka Somaliland ay ogolaadaan in siyaasiyiinta ka soo jeeda Somalia inay yimadaan Somaliland iyo Hargaysa oo ay ka wada hadlaan qaabkii Somaliland loo ictiraafi lahaa, Ictiraafka Somalilandna waxa uu sheegay inuu yaalo Muqdisho oo uu ka dhaw yahay Aqoonsiga laga raadinayo London. Waxaanu ku baaqay in reer Somaliland ay qadiyadooda Muqdisho uga dhex ololeeyaan oo ay cadeeyaan in midnimadii shaqayn wayday oo ay reer Somaliland iska daayaan shisheeye wax ka doonida.

Share this post


Link to post
Share on other sites
ANWAR   

Carafaat;971936 wrote:
Xaaji, is this political party funded by Somaliland?

IT was funded by me :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this