Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland security forces arrest UN officers.

Recommended Posts

Somaliland Oo Xabsiga Dhigtay Sarkaal Ka Tirsan Qaramada Midoobay.

 

Booliiska Madaarka Berbera ayaa manta xabsiga u taxaabay sarkaal ka tirsan waaxda Amaanka ee Qaramada Midoobay............

 

Booliiska Madaarka Berbera ayaa manta xabsiga u taxaabay sarkaal ka tirsan waaxda Amaanka ee Qaramada Midoobay, kaasoo shandad gudaha madaarka kaga xaday sarkaal kale oo ka shaqeeya Hay’adda Samafal oo madaarka ka soo degay.

 

Sarkaalka shandada laga xaday ayaa waayay mid ka mid ah shandadihiisa gacanta oo ay ugu jireen Laptop iyo qalab kale oo ay ka buuxaan xogo uu iska lahaa, kadibna waxa uu wargeliyay Ciidanka Boolsiika iyo saraakiisha Madaarka, kuwaasoo isla markiiba raad raac ku sameeyay Kamaradaha Amaanka Madaarka ilaaliya,a waxaanay heleen ninkii xaday oo ilaa diyaaradda ay Kamaraduhu hayeen.

 

Saraakiisha Booliiska Madaarka iyo Maamulka ayaa ka daba orday iyadoo xiligaas diyaaradda uu ninka sarkaalka ah ee shandada xaday bilowday in ay duusho, hase yeeshee waxa ay Kabtanka diyaaradda ku wargeliyeen in bakhtiiyo, waxaana loogu tagay gudaha diyaaradda ninka shandada xaday oo gacanta ku haysta shandadii.

 

Ciidanka Booliiska ayaa katiinadeeyay isla markaana ka soo dajiyay diyaaradii, waxaanay ku xidheen saldhig ku yaalaa madaarka, hase yeeshee saraakiisha Amniga Qaramada Midoobay ayaa Booliiska ka dalbaday in loogu soo wareejiyo hargeysa, si kiiska ay wax uga ogaadaan.

 

Dadwayne aad u badan oo ka ag dhawaa meesha ay arintu ka dhacday ayaa ku tilmamay arintani inay tahay dhacdo laga xumaado isla markaana waxa ay ku eedeeyeen ninka lagu qabtay in uu yahay sarkaal Qaramada midoobay u qaabilsan Amniga oo ka hawlgala Hargeysa, waxaanay sheegeen dhacdadani waxay ku soo hagaagtay Xili xurguf dhinaca wada shaqaynta ahi ka dhex taagan tahay Qaramada Midoobay iyo Somaliland.

 

Si rasmi ah looma oga sababta Ninkan oo dhalashadiisu tahay Kiiniyaati ku kalifay in uu madaarka dhexdiisa ka xado Shandad qof rakaab ahi leeyahay, hase yeeshee waxa lala xidhiidhinayaa in ay qayb ka ahayd sumcad xumo in uu ugu soo jiido Somaliland balse Guul daro weyn ayuu kala kulmay kadib markii Kamaradaha Madaarka lagu rakibay ee ilaaliya Amaanku si fudud u kashifeen.

 

Saraakiisha Qaramada Midoobay u qaabilsan dhinaca Amniga ee xarunta Hargeysa oo aanu isku daynay in aanu la xidhiidhno way noo suurtogeli weyday kadib markii ay Telefoonkooda naga qaban waayeen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this