Sign in to follow this  
malistar2012

Dowladda federaalka oo maanta dib u hawlgalisay wakaaladaha Maraakiibta iyo dekedaha Soomaaliyeed

Recommended Posts

Muqdisho(RBC Radio) Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta hirgalisay wakaaladaha hawlaha maraakiibta iyo gaadiidka badda iyo wakaaladda dekedaha Soomaaliyeed,munaasabada xariga looga jarayey dib u hawlgalinta wakaaladahan ayaa waxaa ka qaybgalay masuuliyiin fara badan oo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo ay ka mid ahaayeen wasiirrada xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Muxudiin Maxamed Kaalmooy wasiirka wasaaradda hawlaha guud iyo dib u dhiska dalka Soomaaliya oo madasha ka hadlay ayaa sheegau in wakaaladahga ay maanta hawlgaliyeen ay ka mid yihiin hay’ado badan oo qaranku lahaa oo ku burburay dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay wuxuuna tilmaamay iney dadaal badan u galeen sidii ay dib ugu hawlgalin lahaayeen 22 sano kadib.

Wasiirka hawlaha guud iyo dib u dhiska xukuumadda Soomaaliya Muxudiin Maxamed Kaalmooy ayaa sheegay in wakaaladaha ay maanta dib u hawlgaliyeen ay door weyn ka qaadan jireen kobaca dhaqaalaha dalka,wuxuuna xusay in dikereeto kasoo baxday R/wasaaraha dalka Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid lagu shaaciyey dib u hawlgalinta labadan hay’adood ee dowliga ah.

Inj. Qaasim oo ah agaasimaha wakaaladaha hawlaha Maraakiibta iyo Dekedaha ayaa ka warbixiyey waxqabadka wakaaladahani wuxuuna tilmaamay in wakaaladda maraakiibtu masuul ka ahayd maraakiibta qaranka iyo maraakiibta adeegsada biyaha Soomaaliya,wuxuuna kaloo sheegay in wakaaladdaasi ay masuul ka ahayd amniga Maraakiibta isticmaala biyaha dalkeenna Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii ay u hawl galin lahayd hay’adihii dowliga ahaa ee ku burburay dagaaladii dalka ka dhacay,waxayna hore dowladdu ugu guuleysatay iney dib u hawlgaliso hay’ado dhowr ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Inj. Qaasim oo ah agaasimaha wakaaladaha hawlaha Maraakiibta iyo Dekedaha ayaa ka warbixiyey waxqabadka wakaaladahani wuxuuna tilmaamay in wakaaladda maraakiibtu masuul ka ahayd maraakiibta qaranka iyo maraakiibta adeegsada biyaha Soomaaliya,wuxuuna kaloo sheegay in wakaaladdaasi ay masuul ka ahayd amniga Maraakiibta isticmaala biyaha dalkeenna Soomaaliya.

PM sacid and President hassan are determined to control Somali territories land , air space and ocean .

 

President hassan Pm saciid product of kaacan well done , they know what it takes to govern Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

malistar2012;955111 wrote:
PM sacid and President hassan are determined to control Somali territories land , air space and ocean .

 

President hassan Pm saciid product of kaacan well done , they know what it takes to govern Somalia

Xasan Sheekh Maxamuud, the very man who's on a crusade to limit Somali's territorial waters to 12 nm and is pushing an agenda to establish an EEZ which somalia categorically rejected in 1972. The same man who has completely disregarded the 1972 territorial waters law and is on a mission to replace it. Yes, such a wadani he is. If he has done this out of ignorance he is incompetent, if on purpose he is worse than cancer.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this