Sign in to follow this  
Daqane

Afhayeen u hadlay Jubbaland oo go'aamadii IGAD ku tilmaamay colaad hurin iyo kala qeybin

Recommended Posts

Daqane   

axmedmadobe.jpg

 

Sheekh Axmad Maxamed Islaam (A.Madoobe) oo magaalada Kismaayo dhowaan loogu doortay Madaxwaynaha Maamulka Jubbaland ayaa ku eedeeyay Dowladda Soomaaliya in xadgudbyo toos ah ku hayso Gobalada Jubbooyinka .

 

Waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay wado qorshayaal ay ku doonayso in Colaad ay kaga huriso Gobalada Jubooyinka si mar kale dib ugu soo laabataan dagaaladii Sokeeyo .

 

Axmed Madoobe ayaa sheegay in xukuumada Soomaaliya ay dusha saaran doonto dhibaatooyinka ka dhaca gobalada Jubooyinka hadii ayasan joojin hurinta colaada Gobalka ka dilaaca .

 

Wuxuu intaa raaciyay Axmed Madoobe in ay la kulmeen gudi ay soo dirtay dowladda Soomaaliya laakiin aysan ka war hayan marka ay imaanayeen waxa uuna sheegay in gudigaa ay ku qanci waayeen waxyaabaha ay u socdeen .

 

Madaxwyanha Maamulka Jubaland waxaa uu sheegay in wada shaqayn la,aan xaga Dowlada Soomaaliya ay jirto islamarkaana waxa uu sheegay in wakiilo ay soo dirteen ay ka bilaabeen Kismaayo in ay kala fur furaan ciidamada Dowlada hoostaga ee Kismaayo jooga

 

Madaxwaynha Maamulka Jubaland waxa uu sheegay in Maamulkiisa uu ka war hayo in dowlada Soomaaliya ay dabada ka riixayso Kooxa mucaarad ah oo Maamulkiisa ka soo horjeeda sida Bare Hiraale.

 

Dhanka kale afhayeen u hadlay Jubbaland ayaa sheegay in go,aanadii ka soo baxay Uruur Gobaleedka IGAD ay yihiin kuwo meel uga dhacaya jiritaanka maamulka dhawaan looga dhawaaqay magaalada Kismaayo .

 

C/naasir Seeraar oo ah afhayeenka ururka Raaskambooni ayaa sheegay in hadaladii ka soo yeeray wasiiradda arimaha dibadda Uruur Gobaleedka IGAD uu yahay mid abuuraya kala fogaansho ka dhax abuuranta Dowlada Soomaaliya iyo Shacabka goabalada jubooyinka .

 

Hadlka Madoobe ayaa ku soo beegmaya xili kulan xalay ka dhacay Magalada Adis Ababa Uruur Gobaleedka IGAD ka soo sareen in shir dib u heshiisiin ah lugu qabto Magaalada Muqdisho si mamul loo dhan yahay loo dhiso.

 

Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this