Sign in to follow this  
xiinfaniin

Jubbaland Should only Cooperate with SFG When Mogadishu Recognizes it

Recommended Posts

Baashi   

Brilliant play. I am gonna get my popcorn and watch this high poker game as it unfolds. No guns please :)

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^if you ignore the noise, this is a beautiful politics , and politics as always is the affairs of those who have the skills to organize and articulate their objectives and resources. In the Jubbaland showdown, and the fight between Madoobe vs Hassan, Madoobe has captured the strategic summit

 

The president wants to host a reconciliation dirin as Baashi would say for Jubbaland leaders on an issue that he and Jubbalalnd leaders fundamentally differ. How could that be managed , only Hassan knows :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maalinkii 3-aad wafdiga DF ayaa ku xayiran G/Kismayo

28 May 28, 2013 - 3:03:43 AM

 

Maalinkii saddexaad ayaa Garoonka diyaaradaha Kismayo waxa ku xayiran wafdi ka socday DF Somalia oo wasiiro iyo saraakiil ciidan iskugu jiray kuwaasi oo Muqdisho ka soo duulay Axadii aynu soo dhaafnay.

 

Wasiirka gaashaandhiga Cabdixakiin Fiqi ayaa hogaaminayak,waxana maamulka Jubaland sheegay inaysan cadayn qorshaha ay u yimaadeen magaalada wafdiga iyo mid kii ka horeeyey ee xildhibaanada RW Saacid soo magacaabay.

 

Xasan Shiikh ayaa horey walaac uga muujiyay ciidamada Kenya ee ku sugan Kismayo kuwaasi oo uu ku eedeeyay inay diideen sugitaanka amniga wafdi ka socda DF oo tagay Kismayo.

 

Arintan ayaa waxa beeniyay afhayeenka ciidanka Kenya Mr.Bogeta Ongeri oo sheegay in ciidankoodu AMISOM ka mid yahay islamarkaasina sugo amniga madaxda timaada Kismayo sidii booqashadii RW Saacid ku yimid magaalada March 2013.

 

Cabdinaasir Seeraar ayaa ku tilmaamay wufuuda DF ka socda kuwo hurinaya colaad beelaha dega Jubooyinka halka madaxweyne ku xigeenka Jubaland Fartaaq oo la hadlay Radio Garowe shalay sheegay inuu ka yaabanyahay DF waxa Kismayo xooga u saareyso.

 

''Horey xildhibaano ayaa u joogay magaalada,taliyaasha ciidanka DF iyo baanbuulyaal hadana waxa yimid wasiiro ,waan yaabanahay ,waxaan la yaabanahay waxa DF ay ugu soo yaaceen magaalada Kismayo'' ayuu yiri.

 

Waxa lagu soo waramayaa ilinka hore ee Garoonka inay ku suganyihiin ciidanka Jubaland oo amaanka magaalada sugaya kana hortaga iskudey kasta oo looga danleeyahay in khalkhal la geliyo xasiloonida magaalada iyo jiritaanka maamulka.

 

Bartamihii bishan May ayaa loo doortay Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe oo si wayn uga soo horjeesteen DF doorashadiisa iyo guud ahaan qaabka loo maray dhismaha Jubaland.

 

GAROWE ONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gen.Fartaag oo ka hadlay wafdiga DF

27 May 27, 2013 - 2:59:54 AM

GAROWE ONLINE

 

Madaxwayne ku xigeenka Jubaland Gen.Cabdilaahi Shiikh Ismaaciil Fartaag ayaa sheegay in wafdi DF oo wasiirka gaashaandhigu hogaaminayo ay ku suganyihiin garoonka Kismayo ,isagoona raacshay inaysan ilaa iyo hada aysan cadayn qorshaha ay ku yimaadeen magaalada islamarkaasina aan horey maamulka loola soo socodsiin.

 

Gen.Fartaag oo wareysi siiyay Radio Garowe ayaa sheegay inaysan marnaba ogolaaneyn in magaalada iska yimaadaan wufuud aan qorshe ku socon sida kan haatan ku xayiran garoonka magaalada.

 

''Horey xildhibaano ayaa u joogay magaalada,taliyaasha ciidanka DF iyo abaanbuulyaal hadana waxa yimid wasiiro ,waan yaabanahay ,waxaan la yaabanahay waxa DF ay ugu soo yaaceen magaalada Kismayo'' ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Jubaland.

 

Mooshinka laga keenay ciidanka Kenya ee Kismayo jooga iyo xildhibaanada wali ku sugan magaalada ayuu ku tilmaamay Gen.Fartaag inay tahay mid lagu damacsanyahay in lagu burburiyo jiritaanka Jubaland.

 

Mamulka Jubaland ayuu madaxwayne ku xigeenku ku tilmaamay inuu ku dhisan yahay sifo sharci ah oo ku qoran dastuurka dalka u yaal,mar wax laga waydiiyay qodobada laga badalay dastuurka dalka ayuu sheegay inay tahay arin fool xun balse ay wali haystaan dastuurkii ay saxiixeen lixdii saxiixayaasha tubta nabada Somalia.

 

Dastuurka dalka ayuu xusay Fartaag inuu yahay midka keliya ee kala saaraya isqabsi qabsiga siyaasadeed ee ka taagan Jubooyinka.

 

Amaanka magaalada ayaa ah mid xasiloon ,waxana ku sugan xildhibaano uu horey u soo magacabay RW Saacid oo shirar gooni gooni ah la galaya bulshada.

 

Cabdi Naasir ayaa Seerar ayaa ku eedeeyay DF inay colaad ka hurineyso gobolka mar sii horeysey oo wareysi siiyay Radio Garowe.

 

Bartamihii bishan May ayaa loo doortay Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe oo si wayn uga soo horjeesteen DF doorashadiisa iyo guud ahaan qaabka loo maray dhismaha Jubaland.

 

Maalinimadii shalay dibadbaxyo balaaran ayaa ka dhacay magaalada iyo qaar ka mida deegaanada Jubooyinka oo lagu taageerayo Axmed Madoobe looguna baaqay DF Somalia inaysa colaad ka dhex abuurin beelaha dega goboladaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Aw LIbaax's interview:

 

Dhageyso: Aw-Libaax oo ka hadlay Jubaland & Dastuurka

28 May 28, 2013 - 8:57:42 AM

 

 

GAROWE ONLINE

Gudoomiyaha ururka Ahlu Suna kana mid ah saxiixayaashii RoadMapka Shiikh Maxamed Maxamuud Aw-Libaax ayaa sheegay in dhismaha maamulka Jubaland uu waafaqsanyahay dastuurka dalka u yaal oo horey lagu ansixiyay afti dadweyne ka dib markii isla meel dhigeen saxiixayaashu.

 

Shiikh Aw-Libaax oo wareysi caawa siiyay Radio Garowe ayaa soo dhoweeyey dhismaha Jubaland iyo sida dadweynaha degan goboladaasi iskugu tashadeen una dhisteen maamul.waxana dhanka kale ka soo horjeestay diidmada DF ee Jubaland.

 

''Hal xaaraan ah Nirig xalaal ah ma dhasho'' ayuu yiri Aw-Libaax oo sheegay in sharciyada DF laga doonayo ay ku diiday dhismaha Jubaland oo qayb ka ah dowlad goboleedyada dalka ee ku dhisan Federaalka.

 

''Dalku dagaal ayuu ku jiraa Al-Shabaab ayaa lala dirirayaa meeshii ay horumarka Somalia iyo gobalada ay xoreeyaan ay ku mashquuli lahaayeen,waxay dowladu shaqo ka dhigatay arimaha Jubooyinka maadama aysan sharciga waafaqsanayn wafdiyada imaanayo Kismayo anagu kama yeelayno''Ayuu raaciyay Aw-Libaax.

 

 

Rabitaanka Dadka shacabka ah ayuu sheegay in DF ay ku qasbantahay iyadoo uu raaciyay in dastuurkii yaalo lagu heshiiyay islamarkaasina joogaan mudanyaashii ku doortay Xasan Shiikh Maxamuud.

 

Waxa uu ka hadlay sidoo kale dastuurka DF oo wax laga badalay ,isagoona xusay in la iskugu iman doon fagaare caalami ah oo dib loogu noqonayo dastuurkii saxda ahaa ee June 2012 lagu saxiixay Nairobo iyo kan wax laga badalay oo Barlamanka loo geeyay.

 

''Puntland aad bn ugu mahadcelinayaa sida ay ugu istaagtay difaaca sharciga Somalia ,Fagaare ayaa la iskugu imanayaa laguna xisaabtamayaa lana arki doona cida sharciga wax ka badashay'' ayuu yiri.

Ugu danbeyntii ayuu soo jeediyay Aw-Libaax xalka oo haatan ku sugan Kismayo in DF ay aqbasho rabitaanka dadka Jubaland ee dhistay maamul u gaar ah.

 

Garoonka Kismayo waxa ku xayiran Wafdi ka socda DF oo wasiiro iyo saraakiil ciidan iskugu jira kuwaasi oo loo diiday inay gudaha u galaan magaalada ka dib markii soo bandhigi waayeen qorshaha ay ku socdaan ee salka ku haysa booqashadan.

 

Halkan ka dhageyso Cali Fantastic oo wareysanaya gudoomiye Aw-Libaax

 

http://www.somaliaonline.com/community/showthread.php/71442-Jubbaland-Should-only-Cooperate-with-SFG-When-Mogadishu-Recognizes-it

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kismaayo:Wararkii ugu danbeeyey ee waftiga ku xayiran Airport-ka Kismaayo

 

Waftiga ka socday DF Somaaliya ee isku jiray xubno ka socday golaha xukuumada iyo saraakiil ciidamada ka tirsan ayaa maalintii saddexaad ku xayiran garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo.

 

Wararka aan caawa ka helayno Kismaayo ayaa sheegaya in waftigu aysan weli ka bixin garoonka diyaaradaha,lama oga sababta ay dib ugu noqonwaayeen Muqdisho oo la filayey inay maanta ku laabtaan iyo qorshaha u degsan madaama ay u suurtoobi wayday inay galaan magaalada.

 

Dowladda Federaalka ayaan weli ka hadlin xayiraada waftigan ku saran Airport-ka,balse madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa shalay eedeyey ciidamada Kenya ee ku sugan Kismaayo oo sheegay inay diideen inay sugaan amaanka waftiyada DF ee Kismaayo ku sugan.

 

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubaland Gen,Cabdulaahi Shiikh Ismaaciil ayaa isagu Saxaafadda u sheegay inay waftigan ay iska yimaadeen Airporka iyagoon aan la socod siin maamulka taasina ay keentay inay u diidaan inay galaan gudaha magaalada Kismaayo.

 

Habeeenimadii xalay ayaa madaafiic lagu garaacay garoonka diyaaradaha Kismaayo oo ay ku sugnayeen waftigan uu hogaamiyo wasiirka difaaca ee Somaaliya,waxaana la sheegay inay weerarkan gaysteen Alshabaab.

 

Dhan kele Gudoomiyaha ururka Ahlu Suna horena uga mid ahaa saxiixayaashii RoadMapka Shiikh Maxamed Maxamuud Aw-Libaax ayaa sheegay in dhismaha maamulka Jubaland uu waafaqsanyahay dastuurka dalka u yaal.

 

Dowladda Federaalka ayuu Aw Libaax ku eedeyey inay faragelin ku hayso maamulka Jubaland,waxa uu jeediyey inay joojiso faragelinta ay ku hasyo uu sheegay inaysan aqbalayn dadweynaha ku nool gobollada maamulkan ku midoobay.

 

Wixii warara ee ka soo kordha arrintan iyo xaaladda Kismaayo kala soco Allpuntland.

Share this post


Link to post
Share on other sites
N.O.R.F   

Guys, let's have more opinion and less 'waxa la yidhi'.

 

xiinfaniin;955978 wrote:
^^if you ignore the noise, this is a beautiful politics , and politics as always is the affairs of those who have the skills to organize and articulate their objectives and resources. In the Jubbaland showdown, and the fight between Madoobe vs Hassan, Madoobe has captured the strategic summit

 

The president wants to host a reconciliation
dirin
as Baashi would say for Jubbaland leaders on an issue that he and Jubbalalnd leaders fundamentally differ. How could that be managed , only Hassan knows
:D

How should it be managed? This has the potential for conflict. Compromise is a must.

Share this post


Link to post
Share on other sites

NORF,

 

I am closer to one side of this equation , and I understand the Jubbaland process and the election that produced Ahmed Madoobe is irreversible short of a dramatic and decisive external intervention.

 

For whatever the reason is Hassan Sheekh dramatized this political development , and IGAD it seems cleverly let him roll in the mud to take on Ahmed Madoobe. Ahmed Madoobe and the Jubbaland leadership has important cards as they are in control of the city. The president have chosen the politics of polarization over reconciliation, provocation over reaching out. I do not see how he come back from this.

 

If he recongzes the outcome, he might win some goodwill within that community otherwise he will continue making noises or fight his way in Kismayo to take control

Share this post


Link to post
Share on other sites
N.O.R.F   

On the flip side, setting conditions for any talks to take place isn't wise and only adds to an already fragile situation. You could say this is understandable coming Madoobe as this zero sum game is all he knows. But, to support such a negative move when there is the possibility for talks/agreement/reconciliation isn't exactly in the best interests of the country.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^What would you suggest Madoobe should do? Abandon the outcome of lengthy process that gave him the legitimacy with which he speaks?

 

Try to be realistic and look at the situation and tell me what would you do if you were in Madoobe's shoes.

Share this post


Link to post
Share on other sites
N.O.R.F   

One can understand Madoobe wants confrontation (thats all he knows). So I don't expect him to change all of a sudden. But, you and other 'nationalists' should be encouraging dialoque. Talking to the goveernment doesn't mean he is abandoning anything. He could say ok we will talk but this is where we are: 1-4. Talks shouldn't be dependent on acceptance of anything (what would be the point of talking?).

Share this post


Link to post
Share on other sites

N.O.R.F;956055 wrote:
One can understand Madoobe wants confrontation (thats all he knows).

Intaasi waa intii Fawziya, NORF :D :D. For a minute you tempted me as a serous debater. Perhaps you should follow on the news and watch how it unfolds...

 

 

Wasiiradii Federaalka oo weli ka xaniban Airporka Kismaayo

 

Wafdigii Wasiirada Dowlada Federaalka ka socday ee Axadii gaaray magaalada Kismaayo ayaa habeenkii labaad seexaday Airporka Kismaayo.

 

Wafdigan oo ay ku jiraan Wasiirka Gaashaandhiga, Wasiirka Warfaafinta iyo Wasiirka Garsoorka ayaa waxaa sidoo kale safarkooda ku wehliya Saraakiisha dowlada ee Militariga. Wafdigan ayaa lagu waday inay gudaha u galaan magaalada si ay ulla kulmaan ciidamada Dowlada ee ku sugan Kismaayo.

 

Maamulka Jubaland ayaa sheegay inaysan dowlada lasoo socodsiin wafdigan imaanshahooda magaalada Kismaayo arrintaasi oo ay ku tilmaameen mid qeyb ka ah daan daansiga uga imaanaya dhanka Dowlada Federalka oo todobaadyadii lasoo dhaafay 6 goor wafuud kala duwan usoo dirtay magaalada Kismaayo.

 

Maamulka Jubaland ayaa diiday in wafdigan ay soo galaan gudaha magaalada Kismaayo iyagoo habeenkii Axadii seexday Airporka Kismaayo oo ay gacanta ku hayaan ciidamada AMISOM ee Kenya.

 

Wafdigan ayaa shalay Airporka waxa kula kulmay Madaxweyne kuxigeenka Jubaland Gen.Fartaag oo la socodsiiyey Wafdigan inay ku khaldanaayeen in aysan la socodsiin imaanshahooda, kulankan oo la isku af fahmi waayey sida la sheegay kadib markii Wafdiga Federaalka uu sheegay inuusan aqoonsaneyn Maamulka Jubaland.

 

Wafdigan Federaalka ayaa ka codsaday ciidamada AMISOM ee Kenya inay u galbiyaan magaalada Kismaayo, balse arrintan waxaa amar kasoo saaray maamulka Jubaland oo ciidamo dhigay irida hore ee Airporka isla markaana sheegay in wafdigan ku noqdo magaalada Muqdisho.

 

Weerar Airporka Kismaayo

 

Wafdigan ayaa xalay habeenkii labaad seexaday airporka Kismaayo, balse si nabad ah xalay kumeysan seexan Airporka Kismaayo, kadib markii Kooxda Al Shabaab madaafiic kusoo tuureen Airporka Kismaayo, waxaana sidoo kale halkaasi iyaguna dhankooda madaafiic katuuray ciidamada Kenya, walow duqeyntan aysan cidina wax ku noqon hadana waxay u ahayd wafdiga Federaalka fursad habeen aysan si fiican u seexan.

 

Wafdiga Dowlada Federaalka ayaa weli ku adkeysanaya inay gudaha u galaan magaalada Kismaayo, arrintan ayaa waxaa la sheegay inuu dhabarka ka riixayo Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud oo u sheegay wafdigan inaysan dib ugu soo noqon magaalada Muqdisho iyagoo aan la kulmin ciidamada dowlada ee ku sugan gudaha magaalada Kismaayo.

 

Taliska Ciidanka Kismaayo

 

Warar maanta (Talaada) soo baxaya ayaa sheegaya in Dowlada Federaalka dooneyso inay bedasho taliyaha ciidamada Dowlada ee ku sugan Kismaayo Gen.Ismaaciil Saxaradiid.

 

Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Madoobe ayaa todobaadkan wareysi uu bixiyey ku dhaliilay dowlada Federaalka inay wafuud usoo direyso magaalada Kismaayo sidii ay u kala daadin lahaayeen ciidamada Soomaaliyeed ee magaalada ku sugan.

 

Dowlada Soomaliya ayaan weli si rasmi ah u shaacin xil ka qaadida Taliyaha ciidamada Dowlada ee ku sugan Kismaayo tilaabadaasi oo keeni karta inay dowlada Federaalka lumiso hogaanka ciidamada Federaalka oo qeyb ka ah ciidamada ku sugan gudaha Kismaayo.

 

Wasiirka Gaashaandhiga Cabdixakiim Fiqi ayaa shalay warbaahinta Muqdisho mar uu la hadlayey sheegay in ciidamada Dowlada ee ku sugan Kismaayo iyo maleeshiyaad kale ay Qarameyn doonaan, arrimahaasna ay ugu muhiimsan yihiin booqashadooda Kismaayo.

 

Ciidamada Dowlada Federaalka ayaa illaa iyo hada ka gaabsaday inay ka horyimaadaan maamulka Jubaland ee laga dhisay Kismaayo, isla markaana u hogaansami waayey baaqyo ka yimid Muqdisho oo lagu amray inay si gaar ah u illaaliyaan wafuud ka imaaneysa magaalada Muqdisho ee xarunta Dowlada Federaalka Soomaaliya.

 

Axmed Musse

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^Duke is still around ...we note you missed him though :D :D

 

to think ku lahaa, xoogaagii gabadhu xalay u sheegtay buu lasoo shirtagay

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this