Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

EU Ambassador arrives in Somaliland, for the new deal process+PICS

Recommended Posts

Madaxweynaha Somaliland Iyo Safiirka Midowga Yurub Oo Ka Wada Hadlay hanaanka loo maamulayo deeqaha

 

May 21st, 2013

IMG_0008-300x200.jpg

Hargeysa (Somaliland.Org)- Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka midowga Yurub ka socda oo la yidhaahdo Michele Cervone d’Urso.

 

Wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa kulankaasi ka dib saxaafadda uga waramay waxyaabihii ay Madaxweynaha iyo safiirkaasi ka wada hadleen, waxaanu yidhi “Waxa maanta Booqasho Somaliland ugu yimid Safiirka Midowga Yurub ka socday oo la yidhaahdo Michele Cervone d’Urso, waxaanan ka wada hadlanay guud ahaan cilaaqaadka ka dhaxeeya midowga Yurub iyo dawladda Somaliland. Waxa kale oo aanu maanta ka wada hadalnay hindise cusub oo ah barnaamij midowga Yurub uu mucaawimooyinka uu siiyo dalal badan oo Afrikaan ah u isticmaali doono oo dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaanba uu midowga Yurub ka caawiyo.”

 

Wasiirka Arrimaha dibada oo ka hadlayay dulucda qodobadii ay maanta ka wada hadleen Safiirkan, waxaanu yidhi “Waxaanu ka wada hadalnay mabaadiida guud ee Midowga Yurub iyo xukuumadda Somaliland ay ku wada shaqaynayaan.”

IMG_00402.jpg

“Waxaanu ku faraxsan nahay sidii horeba caadada u ahayd in midowga Yurub uu si toos ah ula shaqaynayo dawladda Somaliland. Sida dalalka kale ee yuruba ay noola shaqeeyaan. Wixii muwaacimo ah ee la ina siinayaana ay ku dhisnaan doonto qorshaha qaran ee dalkani (Somaliland) leedahay. Arrimahaasi si wanaagsan oo balaadhan baanu iskugu afgaranay,”ayuu Wasiirka Khaarajiga Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi.

IMG_0055.jpg

Dhinaca kale, danjire Michele Cervone d’Urso oo isna shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay inuu madaxweynaha uga mahad celinayo sidii ay iskugu afgarteen iskaashiga Somaliland iyo midowga yurub sadexda sanadood ee soo socda.

Safiirku waxa uu sheegay in mashaariicda ay ka fuliso Somaliland loo hirgelin doono hadba daruuriyaadka Somaliland u dejiso.

Share this post


Link to post
Share on other sites
D.O.C   

Somaliland doesn't need any EU reps, we just need some peaceful time so can enjoy ourselves. SOD OFF!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this