Sign in to follow this  
Dr_Osman

Holland - May 18 Party Turns Savage. Police Raid And Make Arrests. PICS

Recommended Posts

Dr_Osman   

Rabshado ka dhashay Xafladii Somaliland ee Holland [sawiro]

| on May 19, 2013

 

Waxaa habeenimadii Sabtidii ay rabshado ka dhaceen xaflad balaaran oo loogu dabaaldegeyey xuska 18ka May ee Somaliland oo ka dhaceysya caasimada siyaasada ee dalkaasi Holland (Den Haag – Tha Hague).

 

Ugu yaraan labo qof ayaa ku dhaawacmatay rabshado ka dhacay gudaha xaflada oo ka dhaceysay goob lagu qabto xafladaha waaweyn oo ku taal magaalada The Hague.

 

Ciidamada Booliiska oo boqolaal gaaraya ayaa xaflada soo gaaray kadib markii rabshado ka bilowday dhalinyaro xaflada dhexdeeda ku dagaalantay ay ka dhasheen dhaawacyo, waxaana goobta soo gaaray gaadiidka gurmadka caafimaadka ee Ambalance.

 

Booliiska ayaa ku khasbay dhamaan dadkii xafladaasi ka qeyb galay inay halkaasi isaga baxaan isla markaana joojiyey gebi ahaan xafladii halkaasi ka socotay.

 

Dadkii xaflada laga soo saaray ayaa diiday markii danbe inay ka kala tagaan goobta xaflada ka dhaceysay nawaaxigeeda, iyagoo halkaasi muddo dheer taagnaa.

 

Booliiska oo isku dayey inuu dadkaasi kala diro ayaa xir xiray qaar kamid ah dadkii halkaasi taagnaa markii ay ka horyimaadeen amarka Booliiska, halka la sheegay mid kamid ah Soomaalidii halkaasi joogay uu Gitaarad madaxa uga dhuftay mid kamid ah askarta taasi oo keentay in ciidamada iyaguna awood adeegsadaan.

 

Waxay ahayd markii ugu horeysay oo ciidamo tiro intaas la eg loogu yeero xalad ay dhiganayeen jaaliyada Soomaalida, waxayna xafladan ahayd tii ugu weyneyd ee lagu xusayey 18ka May oo sanadkan ka dhacda dalka Holland.

 

Xafladan ayey sidoo kale ku sugnaayeen Soomaali kale oo ka kala timid dalalka Jaarka la ah Holland gaar ahaan Germany iyo Belguim.

 

Booliiska ayaa xaqiijiyey inay xireen sadex qof oo labo kamid ah lagu tuhmayo inay yihiin raggii halkaasi dagaallka ka bilaabay inay ahaayeen waxaana da’adooda lagu sheegay 19 iyo 22 jir. Halka ninka sadexaad oo lagu sheegay 38 sano jir loo heysto inuu weerar ku qaaday ciidamada Booliiska.

 

Horseed Media

News Desk

 

SomalilandfeestDenhaag2.jpg

SomalilandfeestDenhaag8.jpg

SomalilandfeestDenhaag5.jpg

SomalilandfeestDenhaag3.jpg

SomalilandfeestDenhaag6.jpg

SomalilandfeestDenhaag4.jpg

SomalilandfeestDenhaag1.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
peasant   

How pathetic can it get? Collecting caydh during the day and causing trouble at night! Their presence is for sure causing grieves and costing a lot for the Dutch.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Heheee at last Diktoor and anti Somaliland group found something negative :P :p

 

 

Diktore do you know the only problem was, they exceed building capacity, more than 1000 instead max 600.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this