Sign in to follow this  
KritiKal-Mind

IGAAR! bay kuu dhashey xaaska

Recommended Posts

Nin reer Waqooyi ah ayaa wuxu degay magaalada Muqdisho halkaas oo

uu ku guursaday gabadh reer Muqdisho ah. Muddo markii ay isqabeen

ayaa maalintii dambe gabadhii umushay ilmo faruuran(Faruur leh).

 

Naayaa hebla, oo waxaan ku su'aalay reerkiinnu wax faruuran

maleeyihiin?. Maya ! idinku miyaa hidde u leedihiin?.

 

Ma-annagu waar miyay waalantahay, dee maya, maxaa faruur isusoo

kaaya arkay. Isagoo yaabban ayuu wuxu talo weydiistay wadaad.

 

Waar wadaad bal qisadaasaa dhacdaye ka warran. Waar ninyahow

qisadani wax sii ridan maaha, waxa xaaska kula qaba jin.

 

Iyaa !! Jinaa ! waar bal dhegaysta. Haa waxa xaaska kula qaba

jin, sidaasaa ilmaha kuu dhashay faruurta u yeeshay.

 

Ninkii isagoo yaabban ayuu juuqda galay oo suuqiisa xulay.

 

Kolkii muddo kasoo waadday ayaa haddana gabadhii uur labaad

yeelatay. Waxa la geeyay Isbitaal.

 

Kalkaaliso walaal waxaad iisoo eegtaa in gabadha heblaayo

layidhaahdo ee qolkaas ku jirtaa umushay iyo inkale. Haa!

Abboowe waa umushay. Oo maxay umushay, wuxu hoosta ka leeyahay

illaahayow yaanay maantana mid kale oo faruuran dhalin.

 

Abboowe waxay umushay Igaar!. Iyaa maxaad tidhi way umushay.

Igaar baan ku dhahay abboowe. Naw! tanaa tii horeba ka daran.

Oo waa maxay tolow Igaarkuna. Ninkii baa illaahay yaab u keenay.

 

Isagoo firkanaxsan ayuu Ceelgaab taw kusiiyay. Wuxu soo galay

makhaayad. Wuxu u yeedhay laba ay is xigaan oo jaad ruugaya, oo sidii

maraakiibtii dhuxusha ku shaqaynjirtayna qiiq budhaa ka hayo.

Waar hebelow bal soo kac, waar bal adna soo kac.

 

Wuxu ula baxay debedda. Waar yaahee; wuxu ku jeestay mid ka mid

ah labadii nin, waar ninyahow mataqaannaa waxa Igaarku yahay?.

Igaar!. Haa Igaar. Wuxu jiiday sigaarkii, oo haddana jiiday, dee

Igaar waa "Masduulaa(Maska duula)". Maxaa tidhi Mas-duulaa.

 

Haa! waa Maska-duula. Wuxu ku jeestay kii kale, waar adigu miyaad

taqaannaa?. Wuxu jiiday sigaarkii oo sii gaabtay, markaasuu intuu

indho murqaansan ku eegay, gacanta calaacasheedana marba dhinac

u rogay ku jawaabay; kollay kama foga meelahaas uu ku sheegay.

 

Ninkii intuu dhaqaaqay ayuu baabuur istaanka taagan oo Hargeysa

ku socda ku dhacay. Wuxu degannaa Hargeysa muddo. Maalintii dambe

ayaa isagoo maraya suuqa waxa kusoo baxay nin reer Xamar ah oo Inaadeertii

qabay, markii ugu dambaysayna Xamar degganaa.

 

Waa laysku soo booday. Waaryaa hebel, waar bal warran?. Waar

waa nabade bal warran, goormaad timi. Toddobaad baan imika

joogay. Oo ka warran gabadhii inaadeertay ahayd iyo carruurtii?

 

Way fiicanyihiin dhammaantood, maalindhowayd bay umushay. Oo maxay

umushay?. Igaar!. Ma iyana!, waar bal hooggan kaalaya.

 

Dhawr maalmood markii madaxiisa ay ku wareegaysay arrintii ayuu

go'aansaday inuu inaadeertii u tago oo bal Igaarka la-sheegayaa

siduu u egyahay soo hubsado.

 

Wuxu yimi xaafaddii. Alla ii warran inaadeer?. Naa waa nabade bal

warran?. Aad baan u fiicanahay. Oo waxaan arkay odaygaagii oo yidhi

waad umushaye, maxaad awel umushay?.

 

Inaadeer waxaan umulay wiil. Wiilaa, naa naga tag, nebigaaga seege,

mawaxaad moodaysaa inaanan ogayn, anigaad isleedahay wax ka qari,

maadigaa wiil umulay, wallaahay waxaad umushay IGAAR.

 

Oo inaadeer miyaanay Igaar iyo wiil isku mid ahayn?. Dee mooyi, ma

isku midbaa?. Haa inaadeer Igaar waa wiil. Naa miyaad wallaantahay

oo imika waxaad leedahay waxaad umushay wiil, naa bal la kaalay

aan eegee. Waxay ku noqotay qolkii hurdada oo kasoo qaadday wiil

yar oo aad shacniga saaran yaabayso.

 

Intuu wiilkii qabtay ayuu ku waashay, naa inaadeereey makaa dhabbaa?

oo imika kanaa Igaar ah??????

 

Cabdillaahi Cawed Cige

Burco, Togdheer, Somaliland

Share this post


Link to post
Share on other sites

A MAN IN ONE OF THE OIL RICH STATES HAS A VERY DEPRESSED

MONKEY , SINCE HE IS DEAR TO HIS OWNER , THE LATTER

PROMISES ANY ONE WHO WILL PLEASE HIS MONKEY WILL BE GIVEN

A VAUABLE REWARD.

 

A SOMALI JUST ARRIVED FROM SOMALIA TAKES THE CHALLANGE:

 

THE SOMALI WHISPERS IN THE MONKEY'S EAR , THE MONKEY SMILES .

THE SOMALI WHISPERS AGAIN IN THE MONKEY'S EAR , THE MONKEY CRIES .

WHEN HE WHISPERS FOR THE THIRD TIME IN HIS EAR , THE MONKEY COMMITS SUICIDE.

 

WHEN THE SOMALI IS ASKED TO EXPLAIN WHAT HAS HAPPENED HE ANSWERS:

 

THE MONKEY SMILED WHEN I TOLD HIM I CAME FROM SOMALIA.

WHEN I TOLD HIM THAT I WILL GO BE TO SOMALIA THE MONKEY CRIED.

WHEN I TOLD HIM THAT I WILL TAKE HIM WITH ME TO SOMALIA, HE COMMITTED SUCIDE.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this