Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somali PM shirdoon rejects the outcome of the Kismayo conference and calls for reconcalation.

Recommended Posts

Raysul Wasaare Saacid: Dowladdu Waxay Aad uga Xuntahay Sida Loo Jah-wareershay Masiirka Hogaan Ee Shacabka Jubbooyinka

 

Muqdisho (RBC) War saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Raysul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa lagu sheegay in dawladu ay aad uga xun tahay doorashooyinkii lagu sheegay inay ka dheceen magaalada Kismaayo, taasoo dawladu ay sheegtay inaysan aqoonsan doonin.

 

War saxaafadeedka ka soo baxay xafiiska Raysul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa u qornaa sidan:

 

Ayadoo Ia llaalinayo dastuurka dalka ee qeexaya qaab-dhismeedka dawlad-goboleedyada dalka ee nidaamka federaaliga ah. Lana dhawrayo geedi socodka dawladaynta ee uu qeexayo Dastuurka Fedaraalaynta Qodobkiisa 49 aad.

 

Ayadoo lagu guda jiro dhamaystirka go’aankii dawladdaha urur goboleedka IGAD ee shirkii Addis Ababa Maajo 3, ee lagu go’aansaday in guddi dhiirigalin oo ka socda wadamada IGAD loo diro magaalada Kismaayo.

 

Ayadoo la tixgalinayo rabitaanka rasmiga ah ee shacbiga Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa gobolada Gedo, Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe. Isla markaana laga taxadarayo xasiloonida iyo dib-u-xoreynta deegaanadada weli gacanta ugu jira kooxaha nabad-diidka ah.

 

Dawladda Faderaalka ah ee Soomaaliya waxay aad uga xuntahay sida loo jaah-wareershay masiirka hogaan ee shacabka Jubooyinka iyo in Kismaayo looga dhawaaqo labo madaxweyne 15 Maajo 2013. Sidaas daraadeed dawladdu waxay caddeynaysaa inaysan suurto gal u ahayn inay labo madaxweyne u aqoonsato maamulka Jubbaland.

 

Dawladdu waxay mar kale caddeynaysaa inay soo dhawaynayso dhismaha maamul goboleedyada ku yimaada qaabka sharciga waafaqsan kuna dhisan rabitaanka iyo midnimada shacabka deegaanka.

 

Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay xoojinaysaa hawsha Guddiga Labada Golle ee loo xilsaray wada-xaajoodka iyo dib-u heshiisiinta gobolada Jubbooyinka. Waxayna maamulada degmooyinka, hogaamiyeyaasha dhaqanka iyo wax-garadka deegaanka ugu baaqaysaa inay si buuxda la shaqeeyaan gudigaas dawliga ah.

 

Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay ku baaqaysaa in la illaaliyo xasiloonida, lagana dheeraado wax kasta oo caqabad ku noqon kara amniga iyo dib-u xoreynta dalka, iyo in loo hogaansamo sharciga dalka. DHAMAAD

 

Ahmed Adan

 

Prime Minister’s Media Office

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

Xaaji Xunjuf;951284 wrote:

Dawladda Faderaalka ah ee Soomaaliya waxay aad uga xuntahay sida loo jaah-wareershay masiirka hogaan ee shacabka Jubooyinka iyo in Kismaayo looga dhawaaqo labo madaxweyne 15 Maajo 2013. Sidaas daraadeed dawladdu waxay caddeynaysaa inaysan suurto gal u ahayn inay labo madaxweyne u aqoonsato maamulka Jubbaland.

 

Really? :)

 

War la hayo xiiso ma leh baan maqli jiray :) Hanaanka dawladnimo iyo sida hawsha loo kala leeyahay baa wali ka yara khaldan. Haddiiba ay dawladu wax diidayso oo ay doonayso in ay war saxaafadeed ku soo bandhigto mawqifka dawladda soo ma haboona in looga danbeeyo Saacid oo lagu maamuuso in uu go'aanka qaadashadiisa uu issaga wax ka yiraahdo.

 

Daqiiqado ka dib kolkii la iclaamiyay doorashada Madoobe, rag kale oo magaca dawlada huwan laakiin aan daw u lahayn in ay go'aanka dawlada iclaamiyaan baa wax ka yirri. Saacid dhawr casho ka dib buu warkoodii ku soo celiyey.

 

War ninka yaa ku yiraahda ama hawsha hano oo dadnimadeeda yeelo ama isaka tag oo rag kale oo awooda kursiga iyo sida hawsha loo kala leeyahay oo waliba yaqaan sida loo maalo uga wareeg.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   
The Somali goverment's objective is to safeguard the stability in the region. Regional states should be established through an inclusive, democratic and transparant proces. This didnt happen in Kismayo. It's the goverments responsibility to prevent any clashes between the two sides.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this