Sign in to follow this  
Waranle_Warrior

Safarkii Madaxwaynaha maganta u ah AMISOM kutagay Garowe oo guuldaro kudhamaaday

Recommended Posts

Iyadoo wafdigii uu hogaaminayay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ay galabta dib ugu soo laabteen magaalada Muqdisho ayaa wada hadaladii Garowe ka dhacay qodobo dhowr ah la isku mari waayay.

 

Wada hadalada oo ahaa kuwo saacado badan qaatay, isla markaana keenay in saacado dib u dhacaan wafdigii Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn labada dhinac ay isku fahmi waayeen, taasoo keentay in dib loogu dhigay.

 

Inkastoo qodobo qaarkood la isla fahmay oo ku aadanaa arrimaha iskaashiga labada dhinac, dhaqan gelinta heshiiskii horay Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha Puntland ku saxiixdeen Garowe iyo in la sii ambaqaado dib u heshiisiinta Soomaaliya.

 

Laakiin Puntland oo wadatay ajandayaal ka gooni ah kuwa dowladda Soomaaliya wadatay ayaa keenay in la isku mari waayay, waxaana ka mid ahaa in Puntland ay ka qeyb gasho shirka London iyo arrinta maamul u sameynta Jubooyinka ee shirka ka socda Kismaayo, ayna dowladdu ogolaato.

 

wada hadalada garowe

 

Wada hadaladii albaabada ugu xirnaa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole ayaa aaqirkii keenay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu diido in soo jeedinta Puntland oo ahaa in shirka London lagu daro, iyadoo Madaxweynuhu ku adkeystay in ajandaha shirkaas uu yahay mid cad, isla markaana horay loo go’aamiyay.

 

Qodobada kale ee dooda sii cusleeyay ayaa ka mid ahaa in Puntland ay sheegtay in wax ka bedel lagu sameeyay dastuurkii lagu qoray Garowe, inkastoo Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku tilmaamay qodobkaas in dastuurka gebi ahaantiis u baahan yahay in wax laga bedelo, lana saxo.

 

Puntland ayaa laga yaabaa in waqtiyada soo socda ay war cad ka soo saarto shirka London, isla markaana ay mowqif ka qaadato hadii aanay ka qeyb galeyn, ama xubno ka mid ah loogu dareyn.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this