Sign in to follow this  
Daqane

Eng. Yarisow oo loo magacaabay La Taliyaha iyo Af-Hayeenka Madaxtooyada..

Recommended Posts

Daqane   

yariisow21.jpg

 

Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow) ayaa loo magacaabay inuu noqdo La-Taliye Sare iyo Af-Hayeenka Madaxtooyada. Eng. Yarisow oo hadda ah Agaasimaha Guud ee Radio Bar-Kulan ayaa lagu wadaa inuu ku soo biiro madaxtooyada muddo labo usbuuc ah isagoo warqadiisa is-cisaaladda u gudbiyey Radio Bar-Kulan oo hadda leh Board of Trustees oo maamula idaacadda.

Eng. Yarisow ayaa ah siyaasi sumcad fiican ku dhex leh bulshada soomaaliyeed iyo beesha caalamka oo jagooyin kala duwan ka soo qabtay dalka sida Wasiirka Lacagta, Wasiirka Warfaafinta, La Taliye Sarena u soo noqday Raķisul Wasaareyaal kala duwan isla markaana ahaa Af-Hayeenkii Dowladda. Sidoo kale Eng. Yarisow intii uu joogay London waxuu 14 sano ka soo shaqeeyey Dowladda Hoose ee London oo uu Agaasime Waaxeed ka soo ahaa. Sidoo kale Eng. Yarisow waxuu ka mid ahaa hoggaamiyeyaasha Jaaliyadda UK.

Waxaa muuqata in Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud inuu hadda doonayo in uu sumcadda Dowladdiisa kor u qaado oo shacabka iyo dowladdu ay isku xirmaan, oo dowladdu ay si joogta ah ugu gudbiso shacabka waxqabadkeeda iyo horumarka adeegyada bulshada.

 

 

Cabdixakiin Cilmin Xasan

 

.

 

Xafiiska Warqabadka Dayniile.com

Webmaster@dayniile.com

Tafatiraha Wabka Dayniile.com

Deyniilecom@hotmail.com

Webmaster@dayniile.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this