Sign in to follow this  
Saalax

Ethiopian Liyuu Boolis kill famous doctor in Cabuudwaaq, Galgadud

Recommended Posts

Saalax   

AUN

 

Dad ka Caraysan Dil ay Ciidanka Ethiopia Caabudwaaq ugu Geysteen Dhaqtar si weyn looga Yaqaanay degmadaas oo Banaanbax dhigay

 

Caabudwaaq(RBC Radio) Shacabka degmada Caabudwaaq si weyn uga careysan dil loo geystay mid ka mid ahaa dhaqaatiirta ugu caansanaa degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud banaanbaxa ayaa waxaa ka qaybgalay maamulka degmada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada magaalada Caabudwaaq.

Banaanbaxayaasha ayaa si weyn uga careysnaa dil ay ciidanka Ethiopia gaar ahaa kuwa loo yaqaano New Police oo hoos taga ismaamulka Soomaalida Ethiopia ay u geysteen Dr Axmed Sheekh Faarax,ciidanka Ethiopia ayaa Dhaqatrka ku dilay gudaha degmada Caabudwaaq iyagoona markii ay dileen hore usii qaatay Maydka Dr Axmed Sheekh Faarax.

Gudoomoiyaha degmada oo warbaahinta uga warbixiyey dibadbaxa maanta ka dhacay magaalada caabudwaaq iyo dilka ay ciidanka New Police u geysteen Dr Axmed Sheekh wuxuuna sheegay in weerarkaasi uu ahaa mid foolxun oo lagu curyaaminayo bulshada magaalada Caabudwaaq,wuxuuna tilmaamay in maamulkiisu isku dayey iney gacanta kusoo dhigaan ciidankii dilka u geystay Dhaqtar balse aysan u suurta galin arintaasi.

Gudoomiye Axmed Naasir Jaamac ayaa sheegay in shacabku ay iskugu soo bexeen iney muujiyaan dareenkooda ku aaddan dilka gardarrada ah ee ciidamada Ethiopia ay u geysteen Dr Axmed Sheekh Faarax,wuxuuna ku tilmaamay falkaasi mid aysan aqbali doonin maamulka iyo bulshada degmada Caabudwaaq.

Axmed Naasir gudoomiyaha degmada Caabudwaaq ayaa sheegay in si wanaagsan loo garanayo ciidankii dilka geystay wuxuuna intaa ku daray iney isku hawleen soo qabashada ciidankii dilka geystay balse waxa uu tilmaamay iney ka gudbeen xuduudka kala qaybiya Soomaaliya iyo Ethiopia, Waa markii ugu horeysay ee ciidamada New police ay dil iyo dhibaato ka geystaan gudaha dalka Soomaaliya.

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

What the hell is the Liyui Police doing inside the territory of the Somali Republic? I cant stand these foreign agents working in our country. :mad:

Share this post


Link to post
Share on other sites

I thought somaliland was your country? Why arent you as outraged about the killing carried out by the ethiopian military inside of mosque in hiiraan? It is not foriegns with whom you are at war, it is certain people. @carafaat

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

The doctor was from Dhagaxbuur and has been in Caabudwaaq for the past couple years and married from the town. What is known is that criminals frrom the town were used to lure and kill him. What is not known is why; there are reports he was wanted by Liyuu Police who paid the criminals who caried out the heinous act.

 

The district commissioner of Caabudwaaq announced today they know the identity of the culprits and will bring them to justice.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Ambassador;937801 wrote:
I thought somaliland was your country? Why arent you as outraged about the killing carried out by the ethiopian military inside of mosque in hiiraan? It is not foriegns with whom you are at war, it is certain people. @carafaat

Both killings are outrageous. Eventhough I dont support it, the Ethiopian army in Hiiraan was invited by the Somali Federal Goverment. But who invited the Liyui Police in to Cabudwaaq? As Gabbal clearly explained no one did! Doesnt that concern you?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this