Sign in to follow this  
Siciid1986

Dulucda Kulan Addis-ababa ay ku yeesheen Madaxweynaha Somaliland Wasiirka Afrika u qaabsilsan UK

Recommended Posts

Dulucda Kulan Addis-ababa ay ku yeesheen Madaxweynaha Somaliland & Wasiirka Afrika u qaabsilsan UK

April 10th, 2013 Comments Off

 

Adis-ababa (Somaliland.Org)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Weftigii uu hogaaminayay ayaa la Kulmay Wasiirka Arrimaha Afrika u qaabilsan Wadanka Ingiriiska kaas oo ka dhacay Magaalada Addis ababa ee Wadanka Itoobiya.

 

MadaxweynahaSomaliland iyo xubno ka mid ah weftigii uu hogaaminayay ayaa kulan kula yeeshay magaalada Addisababa Wasiirka Arrimaha Afrika u qaabilsan dalka Inigiriiska Mr. Mark Simmonds waxaaanay ka wada hadleen sii xoojinta xidhiidhka labada dal.

 

Mar uu Wasiirku ka waramay xidhiihdka taariikhiga ah ee labada dal ka dhexeeya, waxaanu Somaliland u soo bandhigay in Somaliland ka soo qayb gasho shirka arrimaha Soomaaliya ee May lagu qaban doono dalka Ingriiska.

 

Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa dhankiisa sheegay in aanu dalkiisa khusaynin shirka London, waxaanu tilmaamay in tallo qaran oo Somaliland ka yeelatay shirkaasi ka dib ay u soo baxday inaanay meeli uga banaanayn Somaliland shirka Ingiriiska lagu qabanayo.

 

Dhanka kalena waxa ay labada dhinac ka wada hadleen xoojinta labada dal isagoo madaxweynuhu uga mahad-celiyay taageerada balaadhan ee Ingiriisku siiyaan Somaliland.

 

Waxaana ku weheliyay kullankan Wasiirka Arrimaha dibadda iyo Wasiirka madaxtooyada iyo masuuliyiinta safaarada Ingiriiska ee Addis Abbaba.

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this