Sign in to follow this  
Saalax

Guddoomiyaha Gobolka Gedo: Tallaabo Ayaan Ka Qaadeynaa Xubnaha Reer Gedo Ee Tagay Kismaayo

Recommended Posts

Saalax   

Garbahaarey (RBC) Guddoomiyaha gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil ayaa sheegay in maamulka gobolkiisa ay tallaabo ka qaadi doonaan xubno ka tagay Gedo oo ka qeybgalaya shirka magaalada Kismaayo ee maamul u sameynta Jubbooyinka.

Maxamed Cabdi Kaliil oo qadka telefoonka kula hadlay idaacadaha gudaha ayaa sheegay inuusan jirin qof ka wakiil ah gobolka Gedo oo ka qeybgalaya shirka Kismaayo.

“Xubnaha tagay Kismaayo ee la sheegayo inay Gedo ka tageenna kuma soo laaban karaan gobolka, hadday isku dayaana tallaabo adag oo sharciga waafaqsan ayaa laga qaadayaa.” ayuu yiri Maxamed Cabdi Kaliil oo toddobaadkii hore markale loo magacaabay guddoomiyaha gobolka Gedo.

Guddoomiyuhu wuxuu ku celceliyey in gobolka Gedo uu leeyahay hal maamul oo sharci ah, sida uu yiri. Wuxuu sheegay in maamulka Gedo aan loo aaneyn karin dad aan xil u heyn.

Dhowaan ayaa magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose waxaa lagu soo dhoweeyay wafdi ay ku jiraan odayaal dhaqameed iyo siyaasiyiin ka soo jeeda gobolka Gedo kuwaasoo illaa hadda ku sugan Kismaayo kana qeybgalaya shirka maamul u sameyna Jubbooyinka oo gobolka Gedo uu qeyb ka yahay ee halkaasi ka socda.

Shirka Kismaayo waxaa sidoo kale diidan dawlada federaalka Soomaaliya oo ku doodeysa inaanu shirkaasi waafaqsaneyn dastuurka federaalka.

Maamulka Kismaayo ayaa qaba in gogosha shirka Kismaayo ay dhigteen dadka deegaanka oo ka arrinsanayo aayaha deegaanka iyagoo dawladana ka dalbaday inay kala soo qeybgasho.

 

RBC Radio

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tallaabo   

Ciyaal Facili;936758 wrote:
Sidey yirahdaan odayaasha HAG, Lafo D-block IYAGA AYAA LA ISKU jebiyaa

ilaahey ayaan ka baryeynaa inuu naga qabto sharta shaydaanul jadid Iyo tan Kalil

The HAG themselves only united very recently after 21 years of slicing each other's throats.

Share this post


Link to post
Share on other sites

It seems that Hassan culusow and Saacid have a tight grip on the gedo administrators and stake holders this is going to be interesting in the next coming days i am welcoming this.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dabrow   

Strong words indeed but Kalil is de facto Governor of Gedo and has been that while the region was engulfed in flames. The joke is on them who think they can form a adminstration for the three regions without Kalil involvment.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Any administration should stop those that undermine its legitimacy. Somalilans goverment has over the years arrested many diffrent Clan Elders, Sultans and Aaqils that went against the administrations will. Kaliil is right to do so as well.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this