Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Mrs Shirdoon, Asha Haji Elmi trying to make Ahmed abdisalan the new ambassador of kenya

Recommended Posts

Xubno ka mid ah Beesha ******** ayaa Muqdisho ka wada olole ballaaran oo ka dhan ah qorshe Siyaasiga Axmed Cabdisalaan Xaaji Aadan loogu magacaabi rabo xilka Safaarada Nairobi, iyadoo dhaq dhaqaaqan siyaasadeed uu soo kordhay labadii maalmood ee u dambeysay.

 

Warar ay heleyso daajis.com ayaa sheegaya in shirar gaar gaar ah oo ka socda qaar ka mid ah Hotelada Muqdisho ay ka wadaan xubno ka mid ah waxgaradka, culumaa’udiinka, duubabka, siyaasiyiinta iyo aqoonyahanada beesha ********, kaasoo ay ugu soo horjeedaan ololaha xilka Safiirnimo loogu magacaabayo Mr Axmed Cabdislaaan.

Ololahan oo ay horboodayaan Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ayaa waxaa gadaal ka riixeysa Marwada Ra’iisul Wasaaraha Drs Caasho Xaaji Cilmi, waxaana qorshuhu yahay in Safiir Maxamed Cali Ameeriko xilka looga qaado.

Xubnaha Beesha ******** ee shirarka ku leh Muqdisho ayaa ku tilmaamay qorshayaasha socda ee la doonayo in xilka beesha lagu wareejisto mid xadgudub ku ah awood qeybsiga dowladda ku dhisan tahay ee 4.5, taasoo ay sheegeen in booska kaliya ee beesha xilligan ka heysato uu yahay Safaarada Kenya, halka xilalkii kale ay mudneyd sida Gudoomiyaha Gobolka iyo Duqa magaalada Muqdisho aan lagu siin wax muhiimad ah, horayna beesha uga tanaasushay xilal ay xaq u laheyd.

Dhinaca kale warar soo baxaya ayaa sheegaya in maalmaha soo socda lagu qabanayo mid ka mid ah Hotelada Muqdisho kulan ballaaran oo ay isugu imaanayaan qeybaha kala duwan ee Beesha ********, kaasoo ay uga soo horjeedaan in qorshaha lagu duudsiin rabo beesha ee ku saabsan booska Safaarada Soomaaliya ee Kenya.

Shirkan oo la filayo inay ka soo qeyb galaan ku dhowaad kun ruux ayaa sida warar hoose sheegayaan lagu wadaa in laga soo saaro baaq beesha

uga soo horjeedo dhaq dhaqaaqyada siyasadeed ee ka dhanka ah kursiga Beesha ku leedahay xilka Safaarada Kenya.

 

 

Inkastoo dowladda Soomaaliya waayihii u dambeeyay waday is bedelo, ayaa hadana is bedeladaas dadka Soomaaliyed soo dhoweeyeen, halka dadka qaarna ay dhaliileen, maadaama is bedeladaas ay noqdee kuwo dadkii la bedelay iyo kuwii lagu soo bedelay howshii socotay ay dib u dhac ku yimaadeen, maadaama is bedeladaas ay saameyn badan ku yeesheen howlihii socday.

Axmed Cabdisalaan ayaa ka mid ah wafdiga uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaaraha oo booqasho ku maraya magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Si kastaba Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya Amb. Maxamed Cali Ameeriko ayaa wax badan ka soo qabtay howsha Safaarada Soomaaliya ee Kenya, isagoo noqday mas’uulkii u horeeyay ee hanti Soomaaliya caalamka uga maqneyd soo celiyay, waxaana waajibaadki uu u hayay qaranka uu sanadkii hore u dhaawacmay, markii uu shil galay, iyadoo haatan oo uu dhaawiciisa ka soo kabsanayo la doonayo in loogu abaal gudo in xilka laga qaado.

Share this post


Link to post
Share on other sites

no sxb the man can be replaced yeas indeed . the dude is doing wonderfull job , his job rating is excellent . the dude was there since eldort days its been decade of work. Abdi salam needs look somewhere else . Asha haji abdi salam are from same subclan . it will be blow to the goverment 4.5 power sharing on all level

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this