Sign in to follow this  
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Eebbe ha u naxariisto

Recommended Posts

Maydka_Shaati-guduud_1.jpg

 

Maydka_Shaati-guduud_4.jpg

 

Maydka_Shaati-guduud_6.jpg

 

Marxuum Shaati-guduud oo Magaalada Baydhabo lagu Aasay iyo Mas'uuliyiin Dowladda ka tirsan oo qaybgalay Aaskiisa

 

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa lagu aasay marxuum Xasan Maxamed Nuur (Shaati-guduud) oo horraantii bishan ku geeriyooday isbitaal ku yaalla dalka Jarmalka, waxaana aaskiisa ka qayb-galay xubno ka tirsan dowladda Soomaaliya.

 

Maydka ayaa saakay la keenay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho halkaas oo ay kula tukadeen salaadda Janaasada xubno ka tirsan dowladda oo uu ka mid ahaa madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana markaas kaddib loo duuliyay magaalada Baydhabo.

 

Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha, Maxamuud Axmed Saleebaan, xubno ka tirsan baarlamaanka oo uu ku jiray ra’iisul wasaarihii hore ee dowladihii KMG ahaa, Cali Khaliif Galeyr iyo siyaasiyiin kale ayaa ka qaybgalay aaska iyagoo ka raacay magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.

 

Marxuumka ayaa wuxuu ahaa hoggaamiyaha jabhaddii RRA; isagoo sidoo kalena xilal wasiir oo kala duwan ka qabtay xukuumadihii KMG ahaa ee dalka soo maray, wuxuuna xilligii ugu dambeysay ahaa xildhibaan ka tirsan baarlamaankii KMG ahaa.

 

Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa aad loo adkeeyay intii uu aasku socday, iyadoo magaalada la saaray bandow, waxaana la hakiyay socodka iyo ganacsiga degmada oo dhan.

 

Taliyaha booliiska gobolka Bay, Mahad Cabdiraxmaan oo bandowgan ka hadlay ayaa sheegay inuu yahay mid lagu adkeynayo ammaanka inta uu socdo aaska marxuum Shaati-guduud.

 

Mas’uuliyiinta dhinaca dowladda ee ka qayb-galay aaska ayaa waxaa hor-kacayay wasiirka ganacsiga iyo warshadaha ayaa ku dhawaaqay in garoonka diyaaradaha ee Baydhabo loo bixiyay magaca Shaati-guduud International Airport, isagoo sheegay in tallaabadan ay ka dambeysay codsi dowladda uga yimid maamulka gobolka iyo dadka deegaanka.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this