Sign in to follow this  
SomaliPhilosopher

Memorizing somali poetry

Recommended Posts

Maqane   

SomaliPhilosopher;941658 wrote:
what is
kataan
in this case sxb?

Micnaha saxda ah ma garanayo sxb , laakiin .. here is a definition from the.. Qaamuus

 

kataan: Shax laba jare leh; irmaan.

 

Waxba kamaanan fahmin qeexida kor ku xusan :P . Maybe someone like Coofle/one of the forum members can explain it to you!

Share this post


Link to post
Share on other sites

I am now working on Alleyl Dumay by Raage Ugaas. I am noticing subtle interjections of arabic such as "alleyl" (night) "alif" (thousand) "banaadiiq" (rifle) in this poem.

 

Alleyl dumay albaabbadoo xiran, uunku wada seexday

Onkod yeedhay uugaamo roob, alif banaadiiq ah

Iihdayda bixi baa libaax, iman la moodaaye

Raggase adhaxdiyo ooftu waa, udub dhexaadkiiye

Labadii wax laga eegi jirey, waan ka awdnahaye

Halkaan aa ka leeyahay Ilaah, keliya uun baa og

Aboodigu ma lalo garab hadduu, iin ku leeyahaye

Orod uma hollado oglihii, adhaxda beelaaye

Ma aarsado il iyo oof ninkii, iimi kaga taale

Aroos uma galbado nimuu, wadnaha arami jiifaaye

Geeluba kolkuu oomo waa, olol badnaadaaye

Sidii inan yar oo hooyadeed, aakhiro u hoyatay

Oo aabbeheed aqal mid kale, meel illin ah seexshey

Hadba waxaan la urugoonayaa, uur-ku-taallada e

Ninkii ooridiisii rag kale, loo igdhaan ahaye

Ninka ilo biyo leh soo arkoo, oomman baan ahaye

Nin ugaas walaalkiis yahoo, eeday baan ahaye

Af-dhabaandhow aayar ninkaa, aammusaan ahaye

Share this post


Link to post
Share on other sites
Coofle   

SomaliPhilosopher;944708 wrote:
if anyone has an audio (mp3) of this poem or sida koorta yucub I will be grateful!

Actually I remember watching Abwaan Gaariye (AUN) reciting and explaining the poem in a video on youtube,,I think I watched it at least three year ago....Search for it you might find it there.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Coofle   

Hey I think it was in one of those....Do the searching.....Meel geeri go'an ah baan joogaa oo Gegabyteska iigu Jira portable Flash-ta ayaan dhawranayaa ee bal fiirfiiri

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Alleyl dumay, albabaaddo xidhan, uunka wada seexday

Onkod yeedhay, uugammo roob, alif banaadiiq ah

Iiydaydabixi baa libax iman la moodaaye

Raggese

 

All I got for poem #2.

 

 

Still have the last stanza for sida koorta yucub to memorize

 

 

"Wixii laygu kuunyeeyay miyaa, igu karaamoobay?

Kunbiskii miyaa layga qubay, kolayo ii buuxay?

Maantana kataantii miyaa, layga kala qaaday?

Kob abaar ah oo dhexe miyaa, koore ila meeray?

Kub miyaan ka jabay biixiyaan, kabayo loo haynin"

 

having little motivation to memorize this part as I have trouble understanding it

Share this post


Link to post
Share on other sites

Our first request by honorary Abwan Coofle. A historic day indeed.

 

Below is the poem Coofle requested. It is a long poem and will be a challenge.

 

 

1. Dacartuba marbay malab dhashaa ood muudsataa dhabaqe

2. Waxan ahay macaan iyo qadhaadh meel ku wada yaalle

3. Midigtayda iyo bidixdu waa laba mataanoode

 

4. Midi waa martida soora iyo maata daadihise

5. Midina waa mindiyo xiirayiyo mur iyo deebaaqe

6. Masalooyin talantaalliyaan maandhow leeyahaye

 

7. Nin majiira keliyuun qabsada hay malayninae

8. Marbaan ahay muddeex camal san oon maagista aqoone

9. Marna macangag laayaanahoo miiggan baan ahaye

 

10. Marbaan ahay muftiga saahidnimo mawlacaw gala'e

11. Marna Mukhawi waashoo xumaha miista baan ahaye

12. Marbaan ahay nin xaaraan maqdaxa aan marin jidiinkise

 

13. Marna tuug mu'diya baan ahoon maal Rasuul bixinne

14. Marbaan ahay maqaam awliyaad maqaddinkoodiiye

15. Marna mudanka shaydaanka iyo maal jinbaan ahaye

 

16. Marbaan ahay murtiyo baanisaba madaxda reeraaye

17. Oo ay weliba muuniyo dulqaad igu ******taane

18. Marna reer magaal Loofaroon muuqan baan ahaye

 

19. Waxan ahay nin midabbeeya oo maalinbays rogae

20. Muuqaygu gelinkiiba waa muunad goonniyahe

21. Miisaanna ima saari karo nin i maleeyaaye

 

22. Muslinka iyo gaalada dirkaba waan micna aqaane

23. Malaa'iigta naartiyo jannadu waygu murantaaye

24. Ninkii maalmo badan soo jiree madaxu boosaystay

 

25. Ee inan rag maamuli yiqiin waa i maan garanne

26. ninkasta halkii kuula mudan ee ay muhato laabtaadu

27. Ee aanad madadaaladeed ugala maarmaynin

28. Iska soo mar waa kuu bannaan marinkad doontaaye

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this