Sign in to follow this  
Waranle_Warrior

Shirkii Jubbaland oo si habsami usocda iyo dastuurka oo laqaybiyay

Recommended Posts

Maamul u sameynta Jubooyinka oo maanta Talaabo muhiim ah qaadey iyo shirkii oo dardar u bilowaday

 

Shirweynihii Maamul u sameynta Jubooyinka oo maanta si rasmi ah oo Dhamaan ergooyinku u dhanyihhiin u bilowdey ayaa Ergooyinka Gobolada Jubooyinka iyo Gedo waxay hoosta ka Xariiqeen ineysan jirin cid hor istaagi karta Maamul u sameynta Dowlada Jubaland ee Soomaaliya.

 

Ergada waxaa maanta loo qaybiyey Dastuurka Dowlada Jubaland yeelan doonto, waxaana Buuga Dastuurka lagu sharfay inuu kan u horeeya ergada gacanta u galiyo Raysal waarihii hore ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake oo lagu casumay shirka isla markaasna wuxuu ka socdey oo wakiil shirka uga ahaa beesha caalamka.

 

Dastuurka Dowæada Jubaland ayaa la qorsheynayaa in la ansixiyo maalmaha soo socda.

 

Shirka maanta ayaa ahaa mid ka duwanaa maalmihii hore ee shirku socdey, maanta waxaa ku dhamaa shirka dhamaan ergooyinka Gobolada, waxayna Ergooyinka ka muuqdey qiiro iyo sida ay uga go’an tahay ka mira dhalinta Shirka.

 

Sawirada iyo video ga shirka naga filo goor dhow.

 

Puntlandi.com

Kismaayo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this