Sign in to follow this  
Waranle_Warrior

The secessionists accept again to engage with the Somali Federal Government

Recommended Posts

Deg Deg: Wadahadallo dhexmaraya Soomaaliya iyo Somaliland oo ka furmaya Turkiga (Dhageyso)

 

 

Hargeysa(RBC):- Xukuumadda Somaliland, ayaa caawa shaaca ka qaadday in wadahadallada laba-geesoodka ah ee sannadkii hore u bilaabmay Soomaaliya ay dib uga bilaabmi doonaan waddanka Turkiga, kaasoo ay labada dhinac kaga wadahadli doonaan mustaqbalkooda siyaasadeed.

 

Wasiiirka Wasaaradda arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, oo caawa shir karaa’id ku qabtay qasriga madaxtooayda Somaliland ee magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in wadahadallada sida rasmiga ah Somaliland iyo Soomaaliya ugu bilaabmay sannadkii 2012-ka, wejigoodii labaad dib uga furmayo dalka Turkiga horraanta bishan maanta kawda ah ee April.

 

Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland waxaa uu sheegay inay marti-qaad rasmi ah ka heleen dawladda Turkiga, isla markaana ay ka qeybgeli doonaan wadahadalladaas. Wasiir Maxamed Cabdiilaahi waxa uu intaa ku daray oo uu sheegay in wadahadallada dib uga bilaambaya waddanka Turkigu yihiin kuwo Somaliland iyo Soomaaliya si siman oo laba dhinac ah ugu wadahadli doonaan. Waxaanu Wasiirku xusay inay wadahadalladu si rasmi ah u bilaabmi doonaan muddo laba toddobaad gudohood ah.

 

Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar

 

Waxaa uu Wasiirka arrimaha dibedda Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar uu sheegay inay wadahadallada Turkiga uga furmaya labada dhinac ay geestooda u arkaan kuwo wax-tar u leh maamulka Somaliland, sidaa daraaddeed-na ay Xukuuamd ahaan aqbaleen marti-qaadka ay dawladda Turkigu u fidisay, isla markaana ay si rasmi ah uga qaybgeli doonto Somaliland.Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo shalay ka hadlay shirkii golaha dhexe ee Xisbil-xaakimka KULMIYE uga furmay magaalada Hargeysa, ayaa sheegay inay Somaliland diyaar u tahay sii wadi-taanka wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland u bilaabmay sannadkii tagay, isla markaana waxa uu sheegay inay sidoo kale diyaar u yihiin inay Somaliland ka qaybgasho shir kasta oo si siman ay labada dhinac ugu wadahadlayaan.

 

Madaxweynaha Somaliland, waxa uu gaashaanka ku dhuftay ka qaybgalka shirka dawladda Ingiriisku magaalada London ee dalkeeda ay bishan ugu qabanayso Soomaaliya, kaasoo lagu marti-qaaday, balse Madaxweyne Siilaanyo uu qaaddacay, isla markaana sheegay inaanay Somaliland ka qaybgeli doonin shirkaas, maaddaama oo sida uu xusay ay u arkayaan mid aan dani ugu jirin Somaliland.

 

AMA HALKAAN KA DHAGEYSO

 

RBC Radio

 

Xafiiska wararka ee Hargeysa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

This is what I was talking about. Start the talks in April, so you can say to your people we made a progress on the talks and now we can go to London :D

 

Where is Oodweyne when you need him around here

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waranle you do know the talks between Somaliland and Somalia began last year , Somaliland was always ready to talk to the Koonfurians and finally they have something that resembles a goverment so talking can begin

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this