Sign in to follow this  
Waranle_Warrior

Beesha Cawramale oo Xoolo iyo Agab kale ugu deeqday Shirka Kismaayo

Recommended Posts

Beesha Cawramale oo Xoolo iyo Agab kale ugu deeqday Shirka Kismaayo

 

 

Gedoweb Online admin on Saturday, March 30 @ 12:28:23 EDT

 

 

Wararka (News)

Iyadoo Magaalada Kismaayo gaar ahaan Jaamacadda ay ka soconayaan Shir loogu go-gol xaarayo Shirwaynaha Maamul u samaynta deegaanada Jubbooyinka iyo Gedo, ayaa waxaa maanta deeq iskugu jirto Xoolo iyo Agab kale gaar siiyay Beesha Cowromaleh oo kamid ah beelaha ka wax daga Jubbooyinka. Beesha Cowromaleh ayaa gaarsiisay ergooyinka hal neef oo geel ah iyo sidoo kale Caano farabadan oo ay sheegeen inay ku soorayan Ergada ku xaraysan Jaamacadda, waxaana ay sheegeen inay sii wadi doonaan taageerada ay siinayaan Shirka Maamul u samaynta deegaanada Jubbooyinka iyo Gedo

 

 

Qaar kamid ah odayasha Beesha Cowromaleh oo goobta ka hadlay ayaa ku booriyay beelaha kale ee Jubbooyinka inay ku daydaan isla markaana ay muujiyaan inay dadka Jubbooyinku isku filan yihiin.

 

 

Halka loo yaqaan jaamacadda oo ku taala Duleedka Kismaayo ayaa waxa ku xarayan ergooyinka kor u dhaafaya ilaa 500 waxaana ay dhamaantood sugayaan inay qayb ka noqdaan dhimaha Maamulka Jubbaland.

 

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa sidoo kale ku sugan Masuuliyiin xilal sare ka hayay dowladdihii KMG ahaa sida Raisul Wasarihii hore ee Xukuumaddii KMG ahayd Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake, Wasiirkii hore ee Difaaca Soomaaliya Prof Maxamed Cabdi Gaandi iyo siyaasiyiin kale oo Caan ah oo dhamaantoodba doonaya inay qayb ka noqdaan dhismaha Maamulka Jubbaland.

 

 

Wafdi ka socda dowladda oo dhawaan tagay Kismaayo ayaa ku guul daraystay ka qayb qaadashada Dhismaha Maamulka Jubbaland, waxaana labada dhinac waa Dowladda iyo Maamulka KMG ah ee Kismaayo ay saxaafadda isku mariyeen erayo u muuqda kuwa Khilaaf kale sii horseedi kara.

 

Hoos ka dhagayso Odayaasha oo arimo badan ka hadlaya

 

 

 

Riix halkan si aad u dhagaysato

 

 

gedoweb Online

gedoweb@gedowb.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this