Sign in to follow this  
Waranle_Warrior

The last part of Gedo delegates led by Ugaaska Guud landed in Kismayo for the formation of Jubbaland

Recommended Posts

KISMAAYO: Wafdi iyo ergo uu homaaniyayey Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi oo maanta ka degay Magaalada Kismaayo

March 30, 2013 2:33 pm GMT - Written by PP - Edited by PP

Print Print

 

Kismaayo: (pp)- Waxaa maanta kasoo degay magaalada Kismaayo wafdi ballaaran oo isugu jiray Ergooyin iyo siyaasiyiin kasoo jeeda gobolka Gedo, wafdigaas oo uu hogaaminayey Ugaaska Beesha **** Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi.

 

 

Wafdi uu hogaaminayo Ugaaska Beesha **** óo maanta ka degay magaalada Kismaayo

 

Wafdi uu hogaaminayo Ugaaska Beesha **** óo maanta ka degay magaalada Kismaayo

 

Wafdiga ayaa magaalada Kismaayo u yimid sidii uga qaybgeli lahaayeen dhamaystirka shirka maamulada loogu dhisayo Jubbooyinka iyo Gedo, shirkaas oo si habsami leh uga socda magaalada Kismaayo.

 

Wafdiga Ugaaska oo si fiican loogu soo dhaweeyey magaalada Kismaayo ayaa loo galbiyeyGuriloo diyaaariyey, isagoo ka dibna toos u tegaya madasha shirka.

 

Puntlandpost, Kismaayo, Jubbaland

Share this post


Link to post
Share on other sites

I told you before, any attempt or silly move from Culusow's camp to oppose the formation of Jubbaland without proper consideration of the constitution will only embolden the resolve of the people of the three regions to form their federal state and immediately.

 

The more Culusow opposes recklessly its the better for the unity of Jubbaland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qeybtii labaad Qaar ka mid ah Odoyaasha dhaqanka ee Gobolka Gedo oo gaarey Magaalada Kismaayo

 

Print here| By: allgedo.com: Saturday, March 30, 2013 // u Jawaab

 

Qaar ka mid ah Odoyaasha dhaqanka Gobolka Gedo oo mudooyinkii ugu dambeeyey ku sugnaa Magalada Dolow ayaa Galabta waxay u duuleen Magaalada Kismaayo, si ay ugu qeyb galaan shirka ku saabsan Maamul u sameynta Gobolada Jubbooyinka ee ka soconaya Magaaladaasi, islamarkaana uu ka taagan yahay khilaafka xoogan.

 

 

Xubnaha oo isla galabtaba gaarey Magaalada Kismaayo oo ay qaadey diyaarad gaar ah oo ka timid dhinaca Magaalada Muqdisho ayaa waxay gaarayeen ilaa 50 ruux oo isugu jira Odoyaal, Siyaasiyiin iyo Waxgarad kale, iyadoo maalinta Beri ahna la filayo in ay soo gaaran Kismaayo Duulimaad kale oo Daabula Ergooyinka ku sugan Dolow.

 

Imaansha Xubnahan ee Magaalada Kismaayo ayaa waxay ku soo beegmaysaa xilli khilaaf aad u xoogan oo la xariira arimaha Maamul u sameynta Gobolada Jubbooyinka uu ka taagan yahay Magaaladaasi, kaasi oo sababay is afgaranwaaga jira aawadeed in Wafdigii ka socdey Xukuumada Soomaaliya in ay dib ugu laabtaan Magaalada Muqdisho.

 

Maxamed Sheekh, Garbaharey/Gedo.

 

Allgedo News Media Network

allgedo@allgedo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gedo-ergo-300x225.jpg

Kismaayo oo ay soo gaareen Ergo ka timid Gedo

Published: March 30, 2013

 

Kn:Magaalo xeebeedka Kismaayo oo uu ka socdo shir lagu taagayo maamul goboleed ay yeeshaan gobolada sii koonfureed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, Gedo, J/dhexe iyo J/hoose, ayaa waxaa maanta soo cago dhigatay gagida dayuuradaha ee garoonka caalamiga ee Kismaayo, diyaarad siday Ergo ka soo kicitintay gobolka Gedo.

 

Ergadan oo qaby ka ahady ergo dhawaan soo gaartay Kismaayo oo ayagu cilad dhinaca duulimaadka ugu hartay Gedo, ayaa maanta soo gaaray magaalada kadib markii diyaarad loo diray ay soo daadguraysay.

 

Ergadan waxaa garoonka ku soo dhaweeyay maamulka Kumeelgaar ee Kismaayo, waxaana loo galbiyay xarunta Jaamacadda Kismaayo oo ay ku xaraysanyihiin ergooyinkii kale ee sadexda gobol, ayadoo isla halkaasi uu ka socdo shirkii maamul u samaynta gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.

 

Ergadan maanta soo gaartay Kismaayo ayaa ku soo aadaysa, maalin uun kadib markii warsaxaafadeed ay soo kala saareen dawladda iyo maamulka Kismaayo ay isku weerareen, ayadoo qolana sheegtay inaan shirkaasi ansax ahayn wixii ka soo baxana aysan aqbalayn, qolada kalana ay sheegtay inaan shirka saacad loo hakinayn cid kale.

 

KismaayoNews.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gedo supports Fg. Why drag the president into this mess . Jubbaland will be created by FG , some people are trying turn this into bloc. deadline is soon, tell Madoba has is ceebenin

Share this post


Link to post
Share on other sites

What's with the Ugaas of Gedo and delegates arriving Kismayo got to do with any block vs block crap.

 

Also don't you think its Hassan Culusow who has been calling the shots and turning this in clan with his clan federalism and nidamka Jubboyinka as clan based propaganda.

 

I said it before, the more Mr. Culusow opposes Jubboyinka and calls it clan administration the better for the unity of Jubbooyinka, therefore let him continue his stance.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wafdi uu hogaaminayo Ugaaska Beesha **** oo Kismaayo lagu soo dhaweyey

30. marts 2013

 

APL

 

Waxaa maanta Kismaayo ka degay wafdi ballaaran oo uu hogaamiyo UgaasMaxamed Ugaas Xaashi oo ah Ugaaska guud ee Beesha ****,waxaana safarkan ku weheliya Ergooyin iyo siyaasiyiin qayb ka noqon doona shirweynaha lagu dhisayo Jubbaland.

 

Ujeeda wafdigan Kismaayo u gaaray oo si heer sare ah loo soo dhaweyey ayaa ah sidii uga qaybgeli lahaayeen dhamaystirka shirka maamulada loogu dhisayo Jubbooyinka iyo Gedo, shirkaas oo ka soconaya Kismaayo.

 

Tigitaanka waftigan miisaanka culus ee Kismaayo garay ayaa meesha ka saaraya sida dad badani qabo mad madow la muujinyey oo ku saabsan in beelaha Gedo aysan isku raacsanayn shirka maamul u samaynta ee Jubooyinka iyo Gedo.

 

Waxaa kele ee macno ay u yeelaysa xilliga ay ku soo adeen oo maalin laga joogo markay guul daraysteen wadahadaladii dhex maray maamulka kumeel gaarka ah ee Kismaayo iyo waftigii dawladda ee uu hogaaminayey Raysalwasaare Saacid.

 

 

 

 

 

 

Nagala soo xiriir >> webmaster@allpuntland.com

 

Warkaan Ra'iyigaaga ka Dhiibo

Share this post


Link to post
Share on other sites

I really shouldn't be commenting on a southern dispute but despite the empty saber rattling done by the SFG the main architects of the conference should do even more to appease the president somehow.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this