Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somali and Ethiopian troops clash with Alshabaab in the Garbaharay district+ Heavy casualties

Recommended Posts

Dagaal culus oo Ciidamada Dowladda Soomaaliya, kuwa Itoobiya iyo Xoogaga Al-shababa oo ka dhacay Gobolka Gedo

Axad, Maarso 24, 2013 (HOL) — Dagaal u dhexeeya ciidamada dowladda oo gacan ka helaya kuwa Itoobiya iyo xooggga Al-shabaab ayaa maanta ka dhacay duleedka degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo, kaasoo geystay khasaare aad u xooggan.

 

Sarkaal u hadlay dowladda oo lagu magacaabo, Col. Cabdi Barre Cabdi ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay weerarka ku qaadeen halka loo yaqaan birta-dheer oo 18-km Koonfur kaga beegan degmada Garbahaarey oo ay ku sugnaayeen xoogagga Al-shabaab ayna ka qabsadeen.

 

“Ciidamada dowladda iyo Itoobiya ayaa ku sugan deegaanka, dagaal kaddib waa laga saaray Al-shabaab, ciidamada dowladduna waxay kusii socdaan hadda dhinaca degmada Buur-dhuubo,” ayuu yiri Col. Barre oo saxaafadda la hadlay isagoo ku sugan deegaankii lagu dagaalamay.

 

Isagoo ka hadlaya khasaaraha dagaalka ka dhashay ayaa wuxuu sheegay in dhankooda ay jiraan askar ka dhaawacantay, balse ay Al-shabaab ka dileen ciidammo fara badan kuwo kalena ay ka dhaawaceen, wuxuuna xusay inaan hadda la sheegin karin khasaaraha rasmiga ah ee dagaalka ka dhashay.

 

Balse warar hoose oo la helayo ayaa sheegaya in tiro ka badan 10 askari oo labada dhinac ah ay ku dhinteen dagaalka, dhaawucuna uu ka badan yahay laabatameeyo, iyadoo dagaalkan oo la isku adeegsaday hubka kala duwan uu socday muddo saacado ah.

 

Al-shabaab weli kama aysan hadlin dagaalkan, waxaana dagaalku uu kusoo beegmayaa xilli maamulka goblka Gedo ay sheegeen inay wadaan qorshe ay Al-shabaab uga saarayaan deegaannada ay kaga sugan yihiin gobolkaas.

 

Degmada Buur-dhuubo iyo degmada Baardheere oo ka tirsan gobolka Gedo ayaa waxaa ka tirsan Al-shabaab, iyadoo degmooyinka kale ee gobolkaas ay ka taliyaan maamullo hoosyimaada dowladda Soomaaliya oo gacan ka helaya ciidamada Itoobiya iyo kuwa Kenya ee ka tirsan AMISOM.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waxey ilatahy in ciidanka qalabka sida Soomaaliyeed mar hadii la hubeeyo uusan u baahneyn Ethiopian ama Africans.

waxaa soo dhowaadey in al-Shabaab wadanka oo dhan laga xureeyo ee waxaan dhihi lahaa dadaka deegaanka degan ciidamada qalabka sida ku caawiya sidaad al-Shabaab goobihiin ugu saari laheydeen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this