Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Bayan muhiim ah oo kasoo baxay ururka Saha

Recommended Posts

Bayan muhiim ah oo kasoo baxay ururka Sahal‏.

 

 

 

Ururka Sahal ka dib markuu si qoto dheer qiimayn ugu sameeyay xaaladda maanta uu maraayo wadanka Soomaaliya iyo toosh ku iftiiminta arimaha syaasadeed ee ay ku socdaan qaar ka mid ah madaxda dawlada Fadaraaliga ah. Hadaba, waxaa lagama maarmaan ah inaan halkaan umadda Soomaaliyeed ugu iftiimino qodobada soo socda:

1. Qaadiska cunaqabataynta hubka ee saaran Soomaaliya

 

Ururka Sahal waxuu aad uga walwelsan yahay qaadista cunaqabataynta hubka ee dhowaan laga qaaday waayo hubkii dhowaan lagala baxay bakhaarada hubka Villa Soomaaliya waxay sawir cad ka bixinaysaa in ciidamada Muqdisho jooga aan lagu aamini karin hub ka dhaxeeya qaran Soomaaliyeed.

 

Sababaha aan xiligan dawlada hub lagu aamini karin waxaa ka mid ah:

a) In aysan gaarin xiligii laga qaadi lahaa Cunaqabataynta Hubka;

b) In aysan lahayn ciidan Dowladeed, balse ay haystaan oo kaliya ciidan beleedyo si toos ah iyo si dadbanba u hostaga qabaa’ilo gaar ah oo ku nool Mogadishu;

c) In magaalada Muqdisho laga dhigo magaalo u dhaxaysa dhammaan beelaha Soomaaliyeed isla markaasna la soo celiyo hantidii iyo guryihii xoogga lagu qabsaday 1991.

 

Hase yeeshee, waxaan soo dhaweyneynaa in la dhiso ciidan qaran oo isu dheeli tiran, balse waxaan ka digeynaa in lagu khaldamo riwaayada dhalanteedka ee maalmahaan lagu soo qoray warbaahinta taasoo sheegeysa in la jabsaday bakhaaradii madaxtooyada oo la xaday qaar ka mid ah hubkii halkaas yaalay. Waxaan xog ku helnay in qaar ka mid ah hubkaas in si gaar ah beesha madaxweynaha loogu qeybiyay taas oo loogu diyaar garoobayo hurin colaad sokeeye. Sidoo kale, in kastoo madaxweynaha ay u hirgashay inuu ku qanciyo dawladaha caalamka in si loo dhiso ciidan qaran in loo baahan yahay in la qaado cunaqabataynta hubka. Waxaan uga digeynaa beesha caalamka iyo AMISOM in hubka soo socda aanu galin gacan si khaldan ugu takrifasha isla markaasna si cadaalad ah loogu wareejiyo ka dib marka la sameeyo ciidamo qaran oo Soomaali u wada dhan tahay.

 

2. Ku xadgudubka shaqada Ras'iisal wasaaraha DFS

 

Barlamaanka iyo dowlada Soomaliyeed waxaa lagu qeybsaday (4.5) taasi oo ah awood qeybsi ku meel gaar ah. Haddaba waxaa jirta cadaadis iyo barobaganada siyaasadeed oo si is-dabajoog ah uga soo baxeaysa xafiiska madaxwaynaha taasoo la sheegay in ka hor shirka London inuu madaxwaynuhu damacsan yahay inuu badalo Raiisul Wasaaraha Cabdi farah Shirdoon (Saacid) isla markaasna uu madaxwaynuhu rabo inuu shaqadaas u magacaabo qof kasoo jeeda gobolada Somaliland. Hadaan nahay ururka Sahal, arintaas si adag ayaan uga soo horjeednaa waxana ka digaynaa inay arintani noqoto bilowga khalkhal siyaasadeed oo soo wajaha wadanka Soomaaliya. Waxaan ummadda Soomaaliyeed iyo madaxyanaha aan la socodsiinaynaa in jagada Raiisul wasaare Saacid kursiga ku fadhiyo kalsooni iyo cod buuxa uu kaga heysto beeshiisa iyo guud umadda Soomaaliyeed. Sidoo kale booqashooyinkii dhowaan Ras'iisal Wasaare Saacid ku kala bixiyey qaar ka mid ah gobolada dalka, waxay muujinaysaa inuu Ras'iisal Wasaare Saacid uu bulsha

da Soomaaliyeed ku dhex leeyahay taageero bulsho, dhaqan iyo mid siyaasadeed intaba.

 

3. Ka hortagis in siyaada Soomaaliya loo qaybiyo waqooyi iyo koonfur

 

Ururka Sahal waxuu ka digayaa qorshaha cusub ee ay wadaan madaxwayne Xasan Shiikh iyo xulufadiisa kuwaasoo raba in Soomaaliya loo qaybiyo qaab labo dawlad maamuleed (Confederation) taasoo wax loogu qaybsanaayo koonfur iyo waqooyi. Waxaan madaxda dawlada la socodsiinaynaa in qorshahan uusan macquul iyo cadaalad ahayn waayo ummada Soomaaliyeed qabiil ayey isku dagaashay, waana in guud ahaan ummadda Soomaaliyeed loo qabtaa dib u heshiisiin iyo hanti isu celin rismi ah. Suuragal ma ahan in dawlad la sheegto isla markaasna 85% hantidii ummadda Soomaaliyeed ay beel ku haysato magaalada Muqdisho.

 

4. Boobka iyo ku takrifalka hantida qaranka

 

Waxaa maalmahan magaalada Muqdishu ka socday lagu hayey hantida maguurtada ah ee qaranka Soomaaliyeed. Sidaan ku hayno ilo lagu kalsoon yahay madaxweynaha iyo kaaliyaashiisa haamihii lagu kaydin jiray shidaalka waxay ku wareejiyeen ganacsato iyagoo qandaraas 50 sano ah ku qaatay isticmaalista haamaha shidaalka. Sidoo kale waxaa dakadii magaalada Muqdisho lagu wareejiyey shirkad laga leeyahay wadanka Iraan. Waxaa sidoo kale xusid mudan in garoonka diyaaradaha Muqdisho mar hore lagu wareejiyey shirkad la dhaho SKA, mana muuqato meel lagu bixiyo dhaqaalaha laga helo hantida kor ku xusan. Waxaa muhiim ah inaan ummadda Soomaaliyeed lala socodsiiyo in heshiisyada lala galay shirkadaha kor ku xusan aan la soo marin golaha wasiirada iyo Baarlaamka Dawlada Fadaraaliga ah, waxaana tilaabooyinkan u aragnaa boob hanti qaran iyo ku xad gudub shuruucda wadanka u taala.

 

5. Soo dhowaynta booqashooyiinka Ras'iisal Wasaare Saacid ee gobolada dhexe

 

Waxaan soo dhaweyneynaa socdaalkii uu dhowaan Ras'aiisul Wasaare kusoo maray gobolka Galguduud, iyo maamulka Xubin iyo Xeeb. Waxaan aamin sanahay in dhibaatada Soomaaliya kasoo bilaabantay gobolada dhexe. Sidaas daraadeed maamul usameynta Galguduud waa talaabo loo qaaday xaga soo celinta nidaamka dowladeed iyo kala dambeynta. Sidoo kale waan soo dhowaynaynaa wada hadalka dawladu la gashay maamulka Galmudug waa tilaabo muhiim ah hore loogu qaaday taageerista iyo midnimada umadda Soomaaliyeed.

 

Ugu danbayntii, waxaan soo dhowayneynaa socdaalkii uu Ra'iisul wasaarahe Cabdi Faarax Shirdoon ku tagay Garowe iyo Galkacyo iyo heshiiska dawlada fadaraaliga ahi la soo gashay dawlad Goboleedka Puntland. Waxaanu bogaadineynaa in la fuliyo heshiiskaasi isla markaasna uusan noqon sidii heshiisyadii ee Puntland hore ula gashay dawladii ku meel gaarka ahayd ee madaxwayne Shiikh Shariif Sheekh Ahmed iyo Ra'iisal Wasaare Cumar Cabdirashiid.

6. Soo celinta hantida ummadda Soomaaliyeed looga haysto magaalada Muqdishu

 

Ururka Sahal waxuu dawlada fadaraaliga ah ugu baaqayaa inay si deg deg ah tilaabo uga qaado hantida shacabka iyo mida dawladeed ee beesha madaxwaynuhu xaq darro ugu haysato ilaa 1991. Waxaan soo dhowaynaa hadalkii dhowaan Ra'iisal Wasaare Saacid ku sheegay in la samayn doono gudi qaabilsan hanti isu celinta umadda Soomaaliya waxaana soo jeedinaynaa in arintan si deg deg ah loo dhaqangeliyo.

 

7. Talobixin ku socota madaxwaynaha iyo madaxda dawlada Fadaraaliga ah ee Soomaaliya

Mudane madaxweyne isku day in aad soo dhaweyso gobolada iyagu doonayaa in maamulkooda sameystaan, sidoo kale kuwa u baahan in la garab galona isku day in aad hiil iyo hooba la garab istaagto. Sidoo kale, madaxwaynaha, Ras'iisal Wasaaradaha dawlada DFS iyo Baarlamaanka dawlada fadaraalka ah waxaa looga fadhiyaa inay ilaaliyaan kuna dhaqmaan dastuurka Federaalka, in si cadaalad ah dalka ugu qaybiso taageerada barnaamijyada dib u dhiska iyo horumarinta wadanka horumarinta dhaqaale oo wadamada caalamku Soomaaliya ku siiyaan magaca dalka Soomaaliya. Sidoo kale madaxda dawlada intii ay isku mashquulin lahaayeen arimaha gobolada Jubbooyinka, waxaa looga fadhiyaa inay culayska saaraan fulinta barnaamijyada tixgelinta 1aad u baahan ee ka ku xusan dastuurka kuwaasoo kala ah:-

 

1. taageerista dhisidda Dowladaha dhiman ee ka mid noqonaaya Fedeeralka Soomaaliya,

2. taageertista dib u heshiisiin heer Qaran ah,

3. In la dhiso Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka oo ka wakiil ah maamul goboleedyada xubinta ka ah Federaalka Soomaaliya si waafaqsan Dastuurka Federaalka iyo,

4. in la dhiso ciidamo qaran kuwaasoo laga soo aruuriyo dhammaan beelaha Soomaaliya ka kooban tahay.

 

Wa billaahi towfiiq

 

Warsaxaafadeedkan waxaa soo saaray ururka Sahal Organisation, London

Share this post


Link to post
Share on other sites

Oba if certain corners are unhappy with a leader from Mogadishu in this case the President of Somalia Mr Hassan culusow than he must be doing a good job:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
somalee   

Xaaji Xunjuf;928830 wrote:
Oba Muse cali faruur ba beri yidhi Madaxweyne ay cayaan dad gaari ah wa Madaxweyne wax kale lugu diiday

XX, Adigu waxaagu ma mucaaradnimo unbaa oo waxay doontaba ha ahaatee dadka qaarkii waa inaad mucaaradaa? Xassan Sheikh waa nin laga caqli badanyahay, mid kasii daran oo xoolo Ilaahay ahna wuxuu u magacaabay ra'iisul wasaare. Xaqiiqadu waa taas.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Qodobyaasha SAHAL rabto oo dhan wexe ku saabsan yihiin, sidii awood siyasadeed xoog loogu heli lahaa. I wonder if the people in Somalia care about those issues rather then primary needs(security, water, food).

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this