Sign in to follow this  
The Zack

PM Saacid appeases his boss President Hassan Sh.

Recommended Posts

The Zack   

Saacid oo diidmada Jubbaland ku raaligelinayo Xasan Shiikh

 

Raíisul Wasaare Abdi Farah Shirdoon “Saacid” oo wareysi siiyey BBC -Soomaali ayaa waxaa uu gaashaanka ku dhuftay shirka maamul u sameynta Jubaland ee shalay ka furmay magaalada Kismaayo, waxaana uu sheegay inuu shirkaasi yahay mid wado qaldan ku ridaya rajadii ay ka qabeen deeganadaasi inay maamul ugu sameeyaan.

 

 

Saacid ayaa waxaa uu sheegay inuu shirka iminka furmay uu yahay mid degdeg ah oo aan laga fiirsan isla markaana ay wax badan ka digayeen inay sida hadda wax u socdaan uu shirka ku bilowdo, isagoona taasi badelkeeda ka jeclaa in shirka qabashadiisa looga danbeeyo xukuumada uu madaxda ka yahay iyo xitaa casumaad u fidinta dadka shirkaasi ka qeybgala.

 

 

 

 

“Dowlada ayaa hoggaaminta shirkaasi iska leh, dowlada ayaa martigelinta dadka shirka imaanaya iska leh oo dowlada ayaa ilaalinta ammaanka goobta shirka uu ka socda iska leg, sadexdaasiba sida muuqata shirka kama muuqato” ayuu yiri Raíisul Wasaare Saacid oo si ay ka muuqato caro uga hadlayey shirka maamul u sameynta Jubbaland.

 

 

 

 

Dhinaca kale waxaa uu si ay ka muuqato afgobaadsi uu ku yiri ” Dadka rabitaankooda waan ku ammaanayaa, waxaan leeyahay sida aad u jeceshihiin maamul u sameynta Jubbaland ayaan anaga (Dowlad ahaan) u jecelnahay in aan aragno maamulka Jubbaland, laakiin marina qaldan ee la qaaday ayaan diidanahay”, ayuu ku celiyey mar kale Saacid Faarax Raíisul wasaaraha sadexda bilood xafiiska fadhiya.

 

 

 

 

Wariyaha BBCSomali oo wareysiga ka qaadayey ayaa weydiiyey inay dowladiisa horey uga gaabisay maamul u sameynta Jubbaland, sidaasi darteedna ay dadka deegaanka u qabsadeen shir lagu sameynayo maamulka Jubbaland, waxaana uu ku jawaabay; ” Waxaan kuu sheegayaa in aanan ka gaabin maamul u sameynta deegaanadaasi, sidaasi oo kale ayaanan ugu dheereeyn maamul loo sameeyo deegaanadaasi, balse waxaan kuu cadeynayaa in aan casumaad arrintaasi looga hadlayo aan u diray laba jeer Axmed Madoobe oo ah ninka sida weyn looga yaqaan Kismaayo, waxaase jawaabtu noqotay inuusan ii imaan” ayuu yiri Saacid Faarax.

 

 

 

 

 

Hadalka Saacid Farax kasoo baxay oo ahaa midkii ugu horeeyey oo uu si cad uga horyimaado maamul u sameynta Jubbaland ayaa waxaa uu noqonayaa mid si weyn loo sugayey, maadaama horey loo saadaaliyey inuu yahay siyaasi aan fikirkiisa siyaasadeed xor u aheyn, balse ku shaqeeya fikradaha uu dalka ka qabo Madaxweynaha Xilka u dhiibtay ee Xasan Shiikh Maxamuud.

 

 

 

 

Dadka degan deegaanada Jubbooyinka iyo Gedo ayaa hadalka Raíisul wasaaraha Soomaaliya ku tilmaamay hadal wadkiis galay oo aan wax sameyn ah ku laheyn shirka iminka furmay, waxaana taasi daliil u ah inay xitaa qoyska uu Raíisul wasaarah ka dhashay ee “Sade” dhamaantood isku raaceen shirka maamul u sameynta Jubbaland.

 

 

 

 

 

gedoweb Online

gedoweb@gedoweb.com

 

http://gedoweb.com/modules.php?name=News&file=article&sid=3507

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Maxaa sababay in Ra’iisulwasaare Saacid muda gaaban gudaheed ku badalo mowqifkii hore uu ka aaminsanaa maamul usameynta Jubbaland?

 

Raii’sulwasaaraha DFS Cabdi Faarax Shirdoon oo maanta wareysi siiyay laanata afsoomaaliga ee BBC ayaa ka noqday mowqifkii hore ee uu ka aaminsanaa arimaha maamul usameynta Jubbaland.

 

Ra’iisulwasaaraha oo 26/02/2013 wareysi siiyay Telefishanka Somalichannel ayaa sheegay in dowlada ay waajib ku tahay inay taageeraan rabitaanka shacabka.

 

Wareysi hada ka hor uu siiyay Telefishanka SNTV oo la weydiiyay mowqifkiisa ku aadan arimaha maamul usameynta gobolada Jubooyinka wuxuu isagoo aad ugaabsanaya ku jawaabay inuu mowqifkiisu uu yahay waxa uu dastuurku ka qabo arintaas.

 

Maanta wuxuu si cad uga soo horjeestay shirweynaha ka furmay magaalada Kismaayo isagoo sheegay in wax la isku qasayo oo doorkii dowlada meesha ka maqan yahay sidaadareteedna aysan taageersanayn shirweynaha ka furmay Kismaayo.

 

Marka su’aasha in la isweydiiyo mudan ayaa ah maxaa iska badalay Ra’iisulwasaare Saacid?

 

Dadka aad u odorasa siyaasada Somalia ayaa hadalka maanta kasoo yeedhay Ra’iisulwasaaraha ku fasiray in laba xaalo mid un ay tahay,in culeys kaga yimid dhanka madaxtooyada iyo dadyowgii kale ee kasoo horjeeday in maamul goboleed laga hirgeliyo Jubooyinka kaas oo ku qasbay in Ra’iisulwasaaruhu mudo 4 maalmood gudahood ah uu mowqifkiisa ku badalo waliba uu idaacada BBC ka iclaamiyo.Iyo tan kale oo ah In mowqifkiisii hore uu ku salaysnaa dano gaar ahaanayd oo markaa uga dhex muuqatay arimaha maamul sameysashada Jubbaland hadana ay umuuqatay in sidii uu moodiyay mooyeen ay si kale wax usocdaan.

 

Si kastaba ha ahaatee hadalka maanta kasoo yeedhay Ra’iisulwasaaraha ma aha mid wax ka badalaya arinta socota iyo yoolka la higsanayo ee ah in shirweynahani dhalo maamul goboleed loo dhan yahay oo ka hirgala deegaanada Jubooyinka iyo Gedo.

 

Dhanaan.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Suldaan Bashiir madoobe one of the most influental traditional leader in Kismayo, Pm Saacid, Kaliil/Sayid aden group are all against the meating in kismayu. doesn't look good for camp ahmed madoobe.

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

oba hiloowlow;923146 wrote:
Suldaan Bashiir madoobe Suldaan Bashiir madoobe one of the most influental traditional leader .

most influential to the UNUKA family? LOL

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

If reer Gedo want to join our brothers in Bay and Bakool, that is fine. Jubbada Dhexe and Jubbada Hoose are moving on.

 

We are just laughing about this Saacid dude. He has been kept in the closet and now let out and told to "Ku tuf Jubbaland waryaa!". :)

Share this post


Link to post
Share on other sites

The Zack;923154 wrote:
We are the people of Jubbada Dhexe... see your knowledge in the prosperious land of Jubbaland is limited.

mj-laughing.gif

 

Ii wad sheekada what towns are you majority in?

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

oba hiloowlow;923157 wrote:
mj-laughing.gif

 

Ii wad sheekada what towns are you majority in?

Buaale, Salagle. We also inhabit along others both Jilib and Saakow.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this