The Zack Posted March 2, 2013 Saacid oo diidmada Jubbaland ku raaligelinayo Xasan Shiikh Raíisul Wasaare Abdi Farah Shirdoon “Saacid” oo wareysi siiyey BBC -Soomaali ayaa waxaa uu gaashaanka ku dhuftay shirka maamul u sameynta Jubaland ee shalay ka furmay magaalada Kismaayo, waxaana uu sheegay inuu shirkaasi yahay mid wado qaldan ku ridaya rajadii ay ka qabeen deeganadaasi inay maamul ugu sameeyaan. Saacid ayaa waxaa uu sheegay inuu shirka iminka furmay uu yahay mid degdeg ah oo aan laga fiirsan isla markaana ay wax badan ka digayeen inay sida hadda wax u socdaan uu shirka ku bilowdo, isagoona taasi badelkeeda ka jeclaa in shirka qabashadiisa looga danbeeyo xukuumada uu madaxda ka yahay iyo xitaa casumaad u fidinta dadka shirkaasi ka qeybgala. “Dowlada ayaa hoggaaminta shirkaasi iska leh, dowlada ayaa martigelinta dadka shirka imaanaya iska leh oo dowlada ayaa ilaalinta ammaanka goobta shirka uu ka socda iska leg, sadexdaasiba sida muuqata shirka kama muuqato” ayuu yiri Raíisul Wasaare Saacid oo si ay ka muuqato caro uga hadlayey shirka maamul u sameynta Jubbaland. Dhinaca kale waxaa uu si ay ka muuqato afgobaadsi uu ku yiri ” Dadka rabitaankooda waan ku ammaanayaa, waxaan leeyahay sida aad u jeceshihiin maamul u sameynta Jubbaland ayaan anaga (Dowlad ahaan) u jecelnahay in aan aragno maamulka Jubbaland, laakiin marina qaldan ee la qaaday ayaan diidanahay”, ayuu ku celiyey mar kale Saacid Faarax Raíisul wasaaraha sadexda bilood xafiiska fadhiya. Wariyaha BBCSomali oo wareysiga ka qaadayey ayaa weydiiyey inay dowladiisa horey uga gaabisay maamul u sameynta Jubbaland, sidaasi darteedna ay dadka deegaanka u qabsadeen shir lagu sameynayo maamulka Jubbaland, waxaana uu ku jawaabay; ” Waxaan kuu sheegayaa in aanan ka gaabin maamul u sameynta deegaanadaasi, sidaasi oo kale ayaanan ugu dheereeyn maamul loo sameeyo deegaanadaasi, balse waxaan kuu cadeynayaa in aan casumaad arrintaasi looga hadlayo aan u diray laba jeer Axmed Madoobe oo ah ninka sida weyn looga yaqaan Kismaayo, waxaase jawaabtu noqotay inuusan ii imaan” ayuu yiri Saacid Faarax. Hadalka Saacid Farax kasoo baxay oo ahaa midkii ugu horeeyey oo uu si cad uga horyimaado maamul u sameynta Jubbaland ayaa waxaa uu noqonayaa mid si weyn loo sugayey, maadaama horey loo saadaaliyey inuu yahay siyaasi aan fikirkiisa siyaasadeed xor u aheyn, balse ku shaqeeya fikradaha uu dalka ka qabo Madaxweynaha Xilka u dhiibtay ee Xasan Shiikh Maxamuud. Dadka degan deegaanada Jubbooyinka iyo Gedo ayaa hadalka Raíisul wasaaraha Soomaaliya ku tilmaamay hadal wadkiis galay oo aan wax sameyn ah ku laheyn shirka iminka furmay, waxaana taasi daliil u ah inay xitaa qoyska uu Raíisul wasaarah ka dhashay ee “Sade” dhamaantood isku raaceen shirka maamul u sameynta Jubbaland. gedoweb Online gedoweb@gedoweb.com http://gedoweb.com/modules.php?name=News&file=article&sid=3507 Quote Share this post Link to post Share on other sites
Che -Guevara Posted March 2, 2013 You are joker Zack. Quote Share this post Link to post Share on other sites
The Zack Posted March 2, 2013 Maxaa sababay in Ra’iisulwasaare Saacid muda gaaban gudaheed ku badalo mowqifkii hore uu ka aaminsanaa maamul usameynta Jubbaland? Raii’sulwasaaraha DFS Cabdi Faarax Shirdoon oo maanta wareysi siiyay laanata afsoomaaliga ee BBC ayaa ka noqday mowqifkii hore ee uu ka aaminsanaa arimaha maamul usameynta Jubbaland. Ra’iisulwasaaraha oo 26/02/2013 wareysi siiyay Telefishanka Somalichannel ayaa sheegay in dowlada ay waajib ku tahay inay taageeraan rabitaanka shacabka. Wareysi hada ka hor uu siiyay Telefishanka SNTV oo la weydiiyay mowqifkiisa ku aadan arimaha maamul usameynta gobolada Jubooyinka wuxuu isagoo aad ugaabsanaya ku jawaabay inuu mowqifkiisu uu yahay waxa uu dastuurku ka qabo arintaas. Maanta wuxuu si cad uga soo horjeestay shirweynaha ka furmay magaalada Kismaayo isagoo sheegay in wax la isku qasayo oo doorkii dowlada meesha ka maqan yahay sidaadareteedna aysan taageersanayn shirweynaha ka furmay Kismaayo. Marka su’aasha in la isweydiiyo mudan ayaa ah maxaa iska badalay Ra’iisulwasaare Saacid? Dadka aad u odorasa siyaasada Somalia ayaa hadalka maanta kasoo yeedhay Ra’iisulwasaaraha ku fasiray in laba xaalo mid un ay tahay,in culeys kaga yimid dhanka madaxtooyada iyo dadyowgii kale ee kasoo horjeeday in maamul goboleed laga hirgeliyo Jubooyinka kaas oo ku qasbay in Ra’iisulwasaaruhu mudo 4 maalmood gudahood ah uu mowqifkiisa ku badalo waliba uu idaacada BBC ka iclaamiyo.Iyo tan kale oo ah In mowqifkiisii hore uu ku salaysnaa dano gaar ahaanayd oo markaa uga dhex muuqatay arimaha maamul sameysashada Jubbaland hadana ay umuuqatay in sidii uu moodiyay mooyeen ay si kale wax usocdaan. Si kastaba ha ahaatee hadalka maanta kasoo yeedhay Ra’iisulwasaaraha ma aha mid wax ka badalaya arinta socota iyo yoolka la higsanayo ee ah in shirweynahani dhalo maamul goboleed loo dhan yahay oo ka hirgala deegaanada Jubooyinka iyo Gedo. Dhanaan.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
The Zack Posted March 2, 2013 Che -Guevara;923143 wrote: You are joker Zack. Joker like that good card? Quote Share this post Link to post Share on other sites
oba hiloowlow Posted March 2, 2013 Suldaan Bashiir madoobe one of the most influental traditional leader in Kismayo, Pm Saacid, Kaliil/Sayid aden group are all against the meating in kismayu. doesn't look good for camp ahmed madoobe. Quote Share this post Link to post Share on other sites
The Zack Posted March 2, 2013 oba hiloowlow;923146 wrote: Suldaan Bashiir madoobe Suldaan Bashiir madoobe one of the most influental traditional leader . most influential to the UNUKA family? LOL Quote Share this post Link to post Share on other sites
oba hiloowlow Posted March 2, 2013 Nope to his clan.......... Quote Share this post Link to post Share on other sites
The Zack Posted March 2, 2013 If reer Gedo want to join our brothers in Bay and Bakool, that is fine. Jubbada Dhexe and Jubbada Hoose are moving on. We are just laughing about this Saacid dude. He has been kept in the closet and now let out and told to "Ku tuf Jubbaland waryaa!". Quote Share this post Link to post Share on other sites
oba hiloowlow Posted March 2, 2013 what makes you think reer jubbada dhexe wants to join JL when they are being sidelined. Quote Share this post Link to post Share on other sites
The Zack Posted March 2, 2013 We are the people of Jubbada Dhexe... see your knowledge in the prosperious land of Jubbaland is limited. Quote Share this post Link to post Share on other sites
oba hiloowlow Posted March 2, 2013 The Zack;923154 wrote: We are the people of Jubbada Dhexe... see your knowledge in the prosperious land of Jubbaland is limited. Ii wad sheekada what towns are you majority in? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Maxaadeey Posted March 2, 2013 The Zack;923147 wrote: most influential to the UNUKA family? LOL Blessed are those, the UNUKA family. Well, some of them. Maybe. Quote Share this post Link to post Share on other sites
RedSea Posted March 2, 2013 Ninka Sawtan la yidhi Darmuus shaasha oo kulul ayaa sigay. Quote Share this post Link to post Share on other sites
The Zack Posted March 2, 2013 oba hiloowlow;923157 wrote: Ii wad sheekada what towns are you majority in? Buaale, Salagle. We also inhabit along others both Jilib and Saakow. Quote Share this post Link to post Share on other sites
The Zack Posted March 2, 2013 RedSea;923170 wrote: Ninka Sawtan la yidhi Darmuus shaasha oo kulul ayaa sigay. Loooool. Darmuuska yaa ku tuuray? Quote Share this post Link to post Share on other sites