Sign in to follow this  
Mooge

The Gedo Clan Warns Qoslaye and his team

Recommended Posts

Mooge   

Dowladda Soomaliya waxay cadaysatay in ay marnaba aqbalayn in beelaha Soomaaliyeed ay aayahooda ka tashadaan, heshiis iyo wadajirna ku wada noolaadaan. Hadaba arintaas siday isu qabanaysaa? Ka dib markii Soomaliya ay muddo badan ku jirtay iska dabawareeg iyo colaad aanan dhamaad lahayn, beesha Caalamka iyo dowladaha derisku waxay ka shaqeeyeen in ay si beelaysi ku dhisan lagu yagleelo dowlad buuxda oo u adeegta shacabka Soomaaliyeed.

 

 

Dastuurka lagu wada heshiiyey ayey ku cad yihiin waxyaabaha ay ku qanceen beelaha Soomaaliyeed, taasoo ku dhisan qaabka 4.5-ka. Waxaa suurta gashay in la soo doorto Madaxweyne, Ra’iisul wasaare (iyo dowladiisa), Afhayeen baarlamaan (iyo xildhibaanadiisii). Soomaali rajo ayaa gashay waxaana u iftiimay horumar iyo xasilooni la gaaro

 

 

Maxaa dhacay? Markiiba dowladii iyadoonan socod baran ayey faraha la gashay markiiba howlo u baahnaa in ay ka gaabsato. Gobolo badan oo ay ku jiraan Gedo qaarkeed, J/dhexe iyo J/hoose ayaa lagala wareegay kooxaha Al-shabaab oo muddo gacanta ku hayey. Dadkii deegaanka waxay markiiba bilabeen inay ku hamiyiaan inay samaystaan maamul ay ku midaysan yihiin, iyagoonan ku xadgubayn dastuurka Soomaliya, taageersana dowladda dhexe

 

 

Arintaasi waxaa carqalad iyo isbaaro u dhigtay dowladda Xasan Sh Maxamud iyo Ra’iisul wasaare Saacid Shirdoon. Hadaba labadaan nin ma isku beel baa, maxaase isku aragti ka dhigay labadaan mas’uul ee mid walba uu meesha ku joogo magaca jifadiisa? Jawaabta Su’aashaan:

 

Madaxweyne Xasan Sh Maxamud

 

Waxay u ektahay nin waajibaadkii dowladnio oo dhan kaligii ku takrifalaya, actor-ka xaaladaha Soomaliyana jilana u muuqda inuu yahay. Isaga beeshiisiina ay si wayn ugu qanacsan tahay sida aan hagrashada lahayn ee uu ugu adeegayo.

 

Ra’iisul wasaare Saacid

 

Waa nin u muuqda nin helay xil uusan gayn oo la soo dhacay ama la soo baryey, Xasan Sh Maxamuudna uu yahay master-ka xilkaan u magacaabay, ugana hiiliyey beelo kale oo ay isku hayb yihiin. In badan oo beesha ahna ay naftooda ku qanciyaan inay heleen xillal badan oo jifoyin kale heli lahaayeen, saas daraadeedna ay khasab tahay in la taageero dowladda FS. Waxaa soo baxaya ifafaalo ku aaddan in Dowladda FS ay raad cad ku leedahay heshiis la’aanta beesha **** ee ku aaddan maamulka Jubbaland State, waxaa laysugu waramay in rag beesha ah ay maleegeen arintii foosha xumayd ee ku aadanayd diidmadii diyaaradii Doolow ka soo qaadi lahayd siyaasiyiin nabad raadis ah oo u soo socday degmada G/haarey markii loo diiday duulimaadkedii. Waxaa Kaloo cadaatay in Dowladda FS ay mas’uuliyiin u balanqaadday inay siin doonto xilal qaran si ay uga qayb qaataan hagardaamada Jubbaland State.

 

Talo ku socota Xasan Sh Maxamud

 

Waxaad ogaataa in dowladda Soomaaliyeed jiritaankeedu khatar ku jirto haddaad faraha la gasho arimaha xasaasiyadda leh, shacabka Soomaaliyeedna ay kaa tashan doonaan. Deegaan walbana uu noqon doono mid goonidiisa u istaaga, ciday doonaan kaashan doonaan si amnigooda ay u sugaan. Waa inaadan isku dayin inaad ku xadgudubto qodobadii Soomaalidu ku heshiisey iyo axdi qarameedka dadka ka dhexeeya. Wax kastoo maanta Soomaali ka xumaadana aad adigu mas’uuliyadeeda qaadi doonto

 

Talo ku socota Dr Saacid Shirdoon

 

Ogow xilka aad ku fadhido waa kursi beel wayn kaala dhexeeya, naftaada iyo allena ku kalsoonow oo isu arag in kursigaan maalinba nin ku fadhiyey, kuna fariisan doono, xaqna aad u leedahay ee uusan ahayn mid la soo dhacay ama la soo xaday, beeshaada uun baad wax ku tahay, cid uga baahi badan inay helaan maamulna aysan jirin. Dhismaha Jubbaland State waxay kuu noqon doontaa waxtar aad ku faani doonto, taariikhduna ay xusi doonto sida aad hadba u wajahdo. Istaagidda Jubbaland inay wax kuu tarto mooyaane, ha ka baqin inay wax kuu dhinto, beeshaada iyo shacabka Soomaaliyeedna mawqifka dowladaada u caddee

 

 

beesha waxaan kula talinayaa maamul kastoo yimaado askar ha u noqonina, mustaqbalkiinana waxay ku jirtaa maamul iyo kala dambayn loo helo deegaamadiina, dadku oonka iyo biyo la’aanta la il daran

 

 

Wabilaahi Tawfiiq

Xasan Jaamac qoorshe

xasanRJ_56@gmail.com

 

Gedoweb Online

gedoweb@gedoweb.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Mooge Gedo Clan miyaa magacooda u beddelay Xasan Jaamac Qoorshe? Mise waxaad soo bandhigtay baa wax si ka yihiin? Xishoodkii waa dhammaaday ma is tiri?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this