Sign in to follow this  
oba hiloowlow

FG captures Janaale,Awdheegle and Bariise in lower Shabelle

Recommended Posts

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa saaka la wareegay deegaano ka tirsan Shabellaha Hoose, iyagoo labo jiho ku kala socda, waxaana ciidamada u muuqdaan kuwo xoogan oo ku soo wajahan deegaano hor leh.

 

Wararka ayaa sheegaya in saaka ay gudaha u galeen Janaale, iyagoo fariisin ka sameystay Buundada, waxaana ciidamada saaka galay janaale ay ka soo dhaqaaqeen dhinaca Marka, kadib markii shalay ay dhaq dhaqaaq ciidan wadeen.

 

Sidoo kale degmada Awdheegle oo qiyaastii 40-KM u jirta Afgooye ayay Ciidamada la wareegeen, iyagoo u sii gudbay Tuulada Bariire oo ilaa 25-KM dhanka galbeed ka xigta Afgooye, waxaana ay Ciidamada ku wajahan yihiin Tuulada Mubaarak oo ku dhow Bariire.

 

Wararka ayaa intaa ku daraya in ciidamada ay doonayaan inay isku xiraan deegaanada u dhaxeeya Afgooye iyo ilaa Janaale, waxaana howl galka uu u muuqda kii ugu ballaarnaa ee ku wajahan deegaanada Shabellaha Hoose.

 

Saraakiisha dowladda oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ujeedkooda yahay in maalmaha soo socda ay gaaraan degmada Khoryooley iyo Buulo Mareer oo bishii la soo dhaafay ay howl gal ku qaadeen Ciidamada Kumandoska Faransiiska.

 

Ma jirto ilaa iyo hada wax dagaalo ah oo toos ah oo ka dhacay, inkastoo la soo sheegayo in iska hor imaadyo goos goos ah ay ka dhacayeen deegaanada qaar.

 

Deegaanada ay la wareegeen ciidamada ayaa muhiim ah amaanka wadada isku xirta Marka iyo Muqdisho, halkaasoo kolonyada ay ku safraan ciidamada dowladda, saraakiisha iyo mas'uuliyiinta wadada loogu geli jiray, waxaana saraakiisha ay sheegeen in howl galkan loo qaaday dhanka xaqiijinta amaanka deegaanada isku xira Afgooye ilaa Marka

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this