Sign in to follow this  
Daqane

Iska horimaad la isku adeegsaday hub culus iyo mid fudud oo xalay ka dhacay magaalada Boosaaso

Recommended Posts

Daqane   

Iska horimaad culus ayaa xalay waxaa uu ka dhacay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari kaasoo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo dadweynaha magaalada ay sheegeen iney maqlayeen qaraxyo waaweyn iyo daryanka rasaas culus.

 

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in iska horimaadkaas uu yimid ka dib markii kooxo hubeysan ay gantaalaha baasuukaha loo yaqaano ee garabka laga gano ay ku weerareen xarun ay yaalaan Matooro dabka siiya magaalada Boosaaso oo ay leedahay shirkadda Isgaarsiinta Golis taasoo ah shirkada ugu weyn dhinaca isgaariinta degaanada Puntland.

 

“Marka hore waxaa uu weerarkaas ku bilowday qaraxyo ka dhashay dhowr gantaal oo lala abaaray goobtaas ka dibna waxaa xigay tacshiirad xoogan oo ay isweydarsadeen kooxihii weerarka soo qaaday iyo raggii illaalada ka ahaa xaruntaas” sidaa waxaa saxaafada u sheegay mid ka mid ah goob joogayaal ku sugan Boosaaso oo magaciisa ku soo koobay Ciid C/llaahi.

 

Weerarkii xalay oo ahaa mid aad u xoogan oo argagax geliyey dadweynaha magaalada Boosaaso ayaan illaa hadda la ogeyn kooxaha ka dambeeyey iyo sababta ay u beegsadeen goobtaas matooradu yaaleen, mana jiro war ka soo baxay maamulka shirkada Golis.

 

Illaa hadda lama soo sheegin wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay weerarkii xalay ka dhacay Boosaaso, saraakiisha amniga maamulka Puntlandna waxay sheegeen iney wadaan baaritaano faahfaahina ay ka bixin doonaan saacadaha soo socda marka baaritaanadu u soo dhamaadaan.

 

Xafiiska Warqabadka Dayniile.com

Webmaster@dayniile.com

Tafatiraha Wabka Dayniile.com

Deyniilecom@hotmail.com

Webmaster@dayniile.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Dayniile, is the handicapped owner still alive?

 

You would love that though wouldn't you, sorry but this isn't the city of death.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this