Sign in to follow this  
Daqane

Wasaarada arrimaha gudaha Somalia oo wada qorshe lagu bedelayo maamulka gobolka Hiiraan

Recommended Posts

Daqane   

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed ayaa shaaca ka qaaday inuu socdo qorshe isbedel loogu sameynayo maamulka gobolka Hiiraan ee ay magacowday dowladii uu madaxweynaha ka ahaa Shiikh Shariif Shiikh Axmed.

 

C/kariin Xuseen Guuleed oo la hadlayey idaacada VOA ka dib markii uu soo dhameystay kulamo uu magaalada B/weyne kula soo qaatay qeybaha bulshada iyo waxgaradka gobolka ayaa waxaa ku amaanay howlaha uu gobolka ka qabtay maamulka hadda shaqeeya ee ka howlgala B/weyne.

 

“Ka dib markii saddexdii cisho ee la soo dhaafay aan kulamo kula soo yeeshay magaalada B/weyne qeybaha bulshada iyo waxgaradka, wada tashiyo badana la yeelanay ayaa waxaa nooga baxay kulamadaas baahida loo qabo in maamul cusub oo KMG loo magacaabo gobolka Hiiraan inta dadka dadk degaanku ay ka soo dooranayaan maamul rasmi ah” ayuu intaa ku daray wasiirku.

 

Wasiirka oo shalay dib ugu soo laabtay shalay Muqdisho ayaa waxaa safrkiisa ku wehliyey gudoomiyaha gobolka Hiiraan C/fitaax Xasan Afrax oo wararka qaarkood ay sheegayaan inuu magaalada loo keenay sidii looga dhaadhicin lahaa inuu xilka wareejiyo marka maamul cusub loo magacaabo, lamana oga inuu ogolaan doono iyo in kale.

 

Dhinaca kale, Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed ayaa dhinaca kale ka hadlay gudoomiyihii xilka laga qaaday ee gobolka Bay C/fitaax Geesey oo diiday inuu xilka ku wareejiyo maamulka cusub ee loo magacaabay gobolkaasi ayaa arintaas ku tilmaamay wax lala yaabo, isagoo xusay in gudoomiyaha xilka laga qaaday uu markii hore ogolaa inuu xilka wareejiyo hase ahaatee uu markii dambe isbedelay.

 

Xafiiska Warqabadka Dayniile.com

Webmaster@dayniile.com

Tafatiraha Wabka Dayniile.com

Deyniilecom@hotmail.com

Webmaster@dayniile.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this