Sign in to follow this  
Daqane

A critical thing happening in Nairobi, Somali Federal Finance minister on his way

Recommended Posts

Daqane   

wasiirka_malaiyada3-620x465.jpg

 

 

Kahimiis 07, Feb. 2013 | Wasiirka Maaliyadda iyo Qorshaynta Mudane Maxamuud Xasan Suleeman iyo wafti uu hogaaminayo ayaa maanta u ambabaxay magaalada Nairobi si ay uga qayb galaan shirar muhiim ah oo ku saabsan sidii kor loogu qaadi lahaa dhaqaalaha dalka.

 

Shirarka uu wasiirku ugu qayb galayo magaalda Nairobi ayaa daba socda shirarkii looga hadlayey qaabaynta dhaqaalaha Soomaaliya oo ay hurmuudka ka ahaayeen Bangiga Aduunka , IMF iyo G7+ oo u xilsaaran sidii kor loogu qaadi lahaa dhaqaalaha wadamada colaadaha ka soo kabanaya.

 

Bilihii ugu danbeeyey waxaa ku soo qul qulayey magaalada Muqdisho wafuud heer caalami ah oo dowladda Soomaaliya kala hadlaysay sidii dib loogu soo noolayn lahaa kaabayaasha dhaqaalaha loona hormarin lahaa hay’ada maaliyadda,

 

Wasiirka ayaa intuu ku sugan yahay Nairobi kulamo la qaadan doona Bangiga Aduunka, IMF iyo safiirada beesha caalamka ee fadhigoodu yahay magaalada Nairobi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this