Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Jowhar Thread

Recommended Posts

Radio Jowhar starts operate again

 

Xaflad dib loogu furayay idaacada Jowhar ee ka howl gasha xarunta gobolka Sh/dhexe ee Jowhar ayaa maanta lagu qabtay xarunta idaacada Jowhar.

 

Munaasabadan ayaa waxaa ka qeybgalay mas’uulyiinta maamulka degmada Jowhar iyo gobolka Sh/dhexe.

 

Agaasimaha idaacada Jowhar Maxamed Abuukar Caseyr ayaa ka warbixiyay heerarkii ay soo martay idaacada Jowhar waxana uu sheegay agaasimaha in heerka ay haatan joogto idaacada Jowhar ay tahay tii ugu balaarnayd maadaama idaacada ay gaari karto gobolada Sh/dhexe,Sh/hoose iyo Banaadir.

 

Guddoomiyaha maamulka degmada Jowhar Maxamedamiin Cismaan X.Cabdulle oo ka hadlay munaasabadan ayaa sheegay in idaacada Jowhar ay tahay mid ka mid ah idaacadaha dalka ugu wanaagsan taana laga arki karo heerarka ay gaareen weriyaasha idaacada Jowhar.

 

Sidoo kale kusimaha guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Yuusuf Cabdi Cabdulle oo ka hadlay munaasabadan ayaa waxaa uu sheegay in xilligan lagu jiro ay ku soo beegantay idaacada waqti aad xasaasi u ah isla markaana bulshada gobolka Sh/dhexe ay u baahan yihiin wacyigelin iyo waxbarasho.

 

Idaacada Jowhar ayaa waxaa la aasaasay sanadkii 2002 hase yeeshee waxaa la wareegay maamulkii ururka Alshabaab ee muddo saddex sano ah ka talin jiray gobolka Sh/dhexe.

 

Sawir Qaade Abakar Maxamed Muxidin (Shaxam Laxam)

 

 

furitaanka_radiojowhar_2.jpg

 

furitaanka_radiojowhar_8.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this