Sign in to follow this  
Saalax

Buuhoodle rejects Puntland advances

Recommended Posts

Saalax   

Reer Buuhoodle Oo Maanta Dhigay Mudaharaad Balaadhan Oo Ay kaga Soo Horjeedaan Dhaqdhaqaaqyo Madaxwayne Ku Xigeenka Puntland Ka Wado Halkaasi

 

 

 

 

 

Buuhoodle (Ramaas) Jan 28,2013 – Dadwaynaha ku dhaqan Magaalada Buuhoodle ee Somaliland, ayaa maanta dhigay dibad-bax balaadhan oo ay kaga soo horjeedaan Madaxwaynaha Puntland iyo siyaasiyiinta reer Buuhoodle ee u addeega.

 

Dadwaynahan oo isugu jiray guud haaan qaybaha kala duwan ee bulshada reer Buuhoodle, ayaa ka Mudaharaadkan ka dhigay garoon ku yaala Magaalada Buuhoodle, iyagga oo sitay boodhadh ay ku xardhan yihiin weedho lid ku ah Maamulka Madaxwayne Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole, oo doonaya inuu Buuhoodle ka hirgaliyo hanaanka xisbiyada badan oo Puntland u wareegtay dhawaan.

 

Mudaharaadayaasha ayaa si gaar ah carrabka ugu badinayey Mdaxwayne ku xigeenka Puntland Cabdisamad Cali Shirre, oo ay sheegayeen inuu Buuhoodle ka wado dhaqdhaqaaqyo guracan oo siyaasadeed, kuwaasi oo ay ka mid yihiin in xisbiyo laga sameeyo.

 

Mudaharaadayaasha oo u badnaa dhalinyaro iyo haween, ayaa warbaahinta u sheegay inay ka soo horjeedaan isla-markaana ay ka mudaharaadayaan in Madaxwayne Faroole oo addeegsanaya ku xigeenka Cabdisamad Cali Shirre uu xisbiyo Puntland leedahay laga sameeyo Buuhoodle iyo deegaanada hoos yimaada.

 

Mudaharaadkan ayaa yimid ka dib markii maanta ay Buuhoodle gaadheen wefti ka yimid Magaalada Garoowe, kuwaasi oo doonaya inay halkaasi kaga dhawaaqaan xisbi siyaasadeed.

 

Hore waxa Magaalada Buuhoodle u yimid xubno ka mid ah guddida doorashada Puntland, kuwaasi oo olole ka dhex bilaabay dadka deegaankaasi si ay u samaystaan xisbiyo siyaasadeed oo ka qayb-gala doorashadii la doonayey inay Puntland ka dhacdo, inkasta oo Madaxwayne Faroole muddo hal sano ah korodhso.

 

 

 

Ramaasnews Desk

Share this post


Link to post
Share on other sites

waa la soo dhaweeyey

Wafti uu Hogaaminayo Gudoomiyey Kuxigeenka Labaad ee Baarlamaanka Puntland oo isagu Jira Golaha Wasiirada iyo Wakiilada oo Maanta lagu soo Dhaweeyey Buuhoodle una yimid inay Furaan Xisbiga Muxaafidka ee Horseed...

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this