Sign in to follow this  
sharma-arke451

Isbaheysigi Madaxweyne Culusow iyo Siilaanyo oo burburay kadib Aqoonsigi Mareykanka dowlada federaal

Recommended Posts

Labadii sir ku heshiiso Caad bay u Coloobaan , Isbaheysigi Madaxweyne Culusow iyo Siilaanyo oo burburay kadib Aqoonsigi Mareykanka dowlada federaalka

 

siiraayo-ee-jabuuti

 

Sidaan la wada soconaba waxaa muddoyinkan socday is xulufeysi siyaasadeed oo ka dhaxeeyay Maamulka Somaliland, Maamulka Muqdisho iyo Dowlada Jabuuti, kaasoo ka dhan ahaa ama loogu heshiiyay in lagu wiiqo maamulada qaar ee ka jira dalka Somaliya iyo kuwa haatan wadada ku soo jira ,Sida Maamulka Jubaland.

 

Maamuladan kor ku xusan waxay si bareer ah oo aan gabasho laheyn dagaal siyaasadeed ugu soo qaadeen Maamulka lagu guda jiro ee Jubboyinka, waxayna go’aan ku gaareen inay fashiliyaan oo uu wax talaabo ah qaadin.

 

Sedaxdan Maamul isma rabaan iyaga laftooda ,Laakiin waxay ka siman yihiin Siyaasadaha ku aadan ka hortagida Jubaland iyo carqaladeynta Puntland. Jabuuti Marna ma ogola dowlad rasmiya oo awoodleh oo ka dhalata dalka Somaliya, Maxaa yeelay Jabuuti waxay ku hormartay Burburka Somaliya, si ay ufushato danaheeda Guracan waxay ku awr kacsataa kooxaha nabada xasaasiyada ka qabo ee Muqdisho, iyadoo dhanka kalena heshiis afka baarkiisa ah dhex dhigto Somaliland iyo Maamulka Xamar.

 

Sidoo kale Somaliland waxay isku magacowday dowlad gooni ka ah Somaliya, Iyaduna ma dooneyso in Koonfurta nabad ka dhacdo oo waqooyiga loo aqoonsado Maamul gobaleed.

 

Maamulka Xamar iyagu dowladnimada iyo nidaamka waxay ka door bideen fowda iyo qas aan dhamaad laheyn inuu dalka ku jiro, Maxaa yeelay Maslaxadooda ayay sidaas u arkeen, ileen hadii ay nabad dhacdo iyo cadaalad waa la is xisaabiniye, iyaguna xisaabtanka iyo in dalka cadaalada lagu soo dabaalo oo waxii xooga lagu haystay guri ilaa gobal la isku soo Celiyo waa tan ay ka cararayeene.

 

Hadaba Heshiiska isbaheysiga ee ka dhaxeeyay dhinacyadani ayaa ahaa mid ku saleysan Khiyaali iyo iska ilaali iskuna ilaali. Horey ayaa loo yiri Labadii Sir ku heshiiya Caad bay u Colobaan, Hadaba Aqoonsigii dowlada Mareykanka Aqoonsatay dowlada Federaalka Somaliya ee Madaxweynaha ka yahay Xasan Culusow ayaa waxaa afka furtay Maamulka Somaliland oo sheegay in ay iyagu quseynin isla Markaasina uu saameyn ku yeelaneynin Aqoonsigaasi Maamulkooda , Halka isla Siyaasiyiin ka soo jeeda Somaliland ay sheegeen inay dhabar jab ku tahay Arintaasi oo ay cambaareynayaan.

 

Dhanka kale waxaa farxay Saaxiibkood Xasan Culusow Madaxweynaha Somaliya oo Maskaxda ku qortay inuu Yahay Madaxweynaha Sharciga ah ee Saylac, Raascaaseyr ilaa Raskamboni isla Markaasina aysan jirin cid hor istaagi karta.

 

Inkastoo dad badan ay rumeysan yihiin in Aqoonsigan uu wax badan ka badeleynin ama ku soo kordhineynin dowlada taagta daran ee Somaliya hadana waxuu wadna qabad ku noqday Maamulka Somaliland oo haatan ay ka dhex tolatay iyaga iyo Maamulka Muqdisho,Waxayna bilaabeen dagaal siyaasadeed oo ay iskaga moosayaan Madaxweyne Culusow iyo waxii la halmaala.

 

Si kastaba ha ahaatee waxaan ku soo gaba gabeyneyna , Laba is Jecel waax isugu dar ha coloowaane.

 

http://waamonews.com/?p=23557

 

Waamonews.com

 

This is also another version news, they say.:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this