Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Relocation of Urban refugees begins on Monday iN kenya

Recommended Posts

Kenya oo beri bilaabeysa Raafka Soomaalida Islii oo loo rarayo Xerada Dhadhaab [Daawo]

on January 20, 2013 *

 

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Kenya Mwi Kibaki ayaa amar lagu siiyey dowlada iyo ciidamada Kenya inay bilaabaan aruurinta ama raafka qaxootiga Soomaalida ah ee ku sugan magaalada Nairobi gaar ahaan Xaafada Islii.

 

Qoraalkan kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha 16kii bishan Janaayo ayaa lagu sheegay in beri oo ku beegan 21ka Janaayo hawlgalkan la bilaabi doono, iyadoo ciidamada Kenya aruurin doonaan Soomaalida ku sugan xaafadda Islii ee aan sharciga heysan. Hawlgalkan ayaa loogu magacdaray (Relocation of Uran Refugees to Officially Designated Camps) Di u rarida Qaxootiga Magaalooyinka ku dhaqan oo loo wareejinayo Xeryaha loogu talo galay.

 

Dadka ayaa la qorsheeyey in la isugu geeyo marka hore Istaadiyumka Thika Municipal Staduim, kadibna gaadiid lagu qaado oo loo raro xerada Qaxootiga ee Dhadhaab. Qorshahan ayaa waxaa si weyn udhaliilay qaar kamid ah Xildhibaanada Soomaalida ah ee ku jira Baarlamaanka Kenya.

 

Faarax Maalim oo shalay shir jaraa’iid ku qabtay magaalada Nairobi ayaa sheegay in arrintan ay tahay fal cunsurinimo ah isla markaana hay’adaha amaanka Qaarkood ay caado ka dhigteen in ay Soomaalida u bartilmaamsadaan si ay dhaqaale uga sameeyeen, wuxuuna sheegay in ay hay’adaha sirdoonka hawshooda kasoo bixi waayeen oo ay eeda uun dusha ka saaraan dadka Soomaalida ah oo uu sheegay in dhibaato weyn lala damacsan yahay.

 

Daawo wareysi uu bixiyey Faarax Maalim

 

Magaalooyinka dalka Kenya gaar ahaan Nairobi iyo Mombasa ayey bilihii lasoo dhaafay ka dhacayeen weeraro aan la aqoon kooxaha ka danbeeya, balse dowlada ay ku eedaysay inay ka danbeeyaan kooxda Al Shabaab, waxaana horey xabsiyada lagu xiray dad badan oo Soomaali ah oo aan iyagu wax danbi ah lagu helin.

 

Waxaa sidoo kale jiray weeraro lala beegsaday goobaha Ganacsiga iyo Masaajidada Soomaalida oo ay Soomaali badan dhimasho iyo dhaawacyo kasoo gaareen.

 

Go’aanka kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Kenya Kibaki ayaa kusoo beegmaya xili dhawr todobaad laga joogo markuu dalka Kenya safarkak u yimid Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa asagu sheegay inay doonayaanin dadka loo soo cesho balse, ay diidan yihiin in si jahwareer ah dadka Qaxootiga Soomaalida ah dib loogu soo cesho.

 

Qorshaha Kenya hada wado ayaa cabsi weyn ku abuurtay shacabka Soomaalida ah ee ku sugan xaafadda Islii ee magaalada Nairobi oo caawa cabsi ku seexanaya, manaca cada hawlgalka balaaran intuu socon doono.

Share this post


Link to post
Share on other sites

However much I hate this move from the bottom of my heart, there is a silver lining: we should go back and build our country, with all the sacrifices that entails. And by go back, I mean forget Dadaab; let's hit Xamar and all the other relatively peaceful places.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this