Sign in to follow this  
oba hiloowlow

First president since Siyaad barre's era arrives in Washington

Recommended Posts

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa xalay ka degay magaalada Washington ee dalka Mareykanka, halkaas oo booqasho maalmo qaadan doonta uu ku joogi doono.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa si diiran loogu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Washington, iyadoo Jaaliyada Soomaalida iyo Saraakiil ka tirsan Mareykanka ay ku soo dhoweeyeen Garoonka.

 

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ah Ra'iisul Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibada Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan iyo La taliyeyaashiisa gaarka ah.

 

Madaxweynaha ayaa la dajiyay mid ka mid ah Hotelada ugu waa weyn Washington, halkaasoo amaankiisa si gaar ah u ilaalinayaan Ciidamo gaar ah.

 

Sida uu sheegay mid ka mid ah Jaaliyada Soomaalida ee Washington Madaxweynaha ayaa la kulmaya Jaaliyada Soomaalida ee ku dhaqan dalka Mareykanka, iyadoo uu Khamiista uu tagi doono magaalada Mennistota oo ah magaalada ay Soomaalida ugu badan ku sugan yihiin.

 

Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu la kulmo doono Mas'uuliyiin ka tirsan wasaaradaha Arrimaha Dibada iyo Gaashaandhiga, sidoo kale waxaa uu la kulmi doonaa hey'ada ugu weyn ee gar gaarka Mareykanka ee USAID.

 

Booqashada oo ah tii u horeysay ee Madaxweynaha Soomaaliya ku tago Mareykanka tan iyo markii bishii September la doortay ayaa ku soo aaday, iyadoo maalmaha soo socda mar kale Xafiiska Madaxweynaha loo dhaarinayo Madaxweyne Barack Obama oo dhamaadkii sanadkii hore ku guuleystay doorashadii labaad.

Share this post


Link to post
Share on other sites

know i can guess u freaking clan!! lol.....why do homies always become cheerleaders for their clan!! Gotta be a freaking disease thingy!!

 

Yo..never judge a book by the cover......... cus u never know whats inside!! my advise to yah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

nah man i sware to god it aint about that im just sick and tired of mofos being against the gov i mean the system is focked up but its a start a atleast man do you think its easy to govern a focked up country mate with war damaged fools it aint man. this is a start, a start for something better.

 

I aint judging you man i know you love somalia bro but give this a chance.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this