Sign in to follow this  
Saalax

Galmudug iyo Ahlu Sunna Waljamaaca oo doonaya inay midoobaan

Recommended Posts

Saalax   

Waxaa maanta kulan xasaasi ah ku yeeshay koonfurta magaalada Gaalkacyo Wafdi ka socda Ahlu Sunna Waljamaaca ee gobalada dhexe iyo Maamulka Galmudug.

 

Kulankan oo ka dhacay xarunta Madaxtooyada ee maamulka Galmudug ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Galmudug Col.Cabdi Qeybdiid iyo xubno kamid ah maamulkiisa iyo wafdiga ka socda dhinaca Ahlu Sunna Waljamaaca.

 

Kulankan ayaa maanta diirada lagu saaray sidii labada dhinac ay meel isula dhigi lahaayeen qorshe la doonayo in maamul ay ku mideysan yihiin Galmudug iyo Ahlu Sunna looga sameyn lahaa gobalada Mudug iyo Galgaduud.

 

Kulankan oo ahaa mid ay albaabada u xiran yihiin ayaa waxaa markii uu dhamaaday Saxaafadda u waramay afhayeenka Ahlu Sunna Waljamaaca oo faah faahin ka bixiyo qodobadii laga hadlay iyo waliba go’aamo shirka kasoo baxay.

 

Abdullahi Axmed Samatar oo kamid ah wafdiga Ahlu Sunna ayaa saxaafadda u sheegay in shirkan uu ahaa mid wadahadal ah oo diirada lagu saarayey sidii loo qaban lahaa shirweyne oo lagu mideenayo Galmudug, Ahlu Sunna iyo dhinacyada kale ee awooda ku leh gobalada dhexe ee dalka Soomaaliya.

 

“..Shirkan wuxuu ahaa mid isbarasho ah, waxaana xog isku dhaafsaday labada dhinac, Ajendayaasha laga hadlay waxaa kamid ahaa sidii labada dhinac u midoobi lahaayeen, waxaa kaloo laga hadlay wakhtiga ama goorta la midoobayo, habka ugu haboon ee midowga, qeybaha wax la wadaaga ee shirka ka maqan sidii loo wajihi lahaa, shirweynaha goobta lagu qabanayo iyo wakhtiga uu dhacayo, in la magacaabo guddi farsamo iyo meesha uu ku shaqeenayo…” ayuu yiri afhayeenka Ahlu Sunna.

 

Kulankii maanta ayaa lagu dhisay Guddi farsamo ayaa oo ka socda labada dhinac kaasi oo loo doortay inuu soo nidaamiyo Ajendaha shirkaweynaha, guddigan ayaa ka kooban lix xubnood.

 

Horseed Media

News Desk

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this