Sign in to follow this  
A_Khadar

Taariikhdu waa Tolleey oo loo ma kala Tago Jawaab Buugii Sooyaal: Ina Cabdalla Xasan Ma Sheekh Buu A

Recommended Posts

A_Khadar   

Taariikhdu waa Tolleey oo loo ma kala Tago Jawaab Sooyaal: Ina Cabdalla Xasan Ma Sheekh Buu Ahaa Mise …?

Part 1.

Aniga oo waayadan qalabka u sitay barasho qoto dheer oo afkeenna iyo taariikhdeenna ku saabsan ayaa waxaa isa soo tarayay akhriskayga iyo baarbaariddayda cilmiyaysan ee labadaa la xiriirta. Meelaha aan sida gaarka ah isha ugu hayo waxaa safka hore kaga jira taariikhda baahsan ee ay ka tageen Sayid Maxammad Cabdille Xasan iyo dhaqdhaqaaqii Daraawiishta (1899-1921). Wax badan oo ay shisheeye iyo sokeeyaba ka qoreen akhriyay, waxna ii laaban oo fari kama qodna. Sidaa oo kale, wax badani ii kordhe waxna ii laaban. Intaa haddii aan sii dhaafo,waxa aan maalin dhoweyd nasiib u yeeshay in aan gacanta ku dhigo mid ka mid ah (ama kii ugu dambeeyay) buugaagta ilaa hadda laga qoray taariikhdii Sayid Maxammad Cabdille Xasan iyo Daraawiish; waa buugga la magac baxay Sooyaal: Ina Cabdalla Xasan Ma Sheekh Buu Ahaa Mise …?

READ

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Part2 - continue

 

Dhoofkii Jarmal

 

Waxa ay noo joogtay Maxammad Nuur iyo Sheekh Ismaaciil oo socdaalkii Banaadir ee ay hawshii warqaddii Cadan laga qaaday u tageen ka soo laabtay. Waa iyagii muddo ka dib Cadan ku soo noqday, dabadeedna Bebera u soo dhoofay. Waa tii dabadeed uu Maxammad Nuur mar kale Cadan ku soo laabtay. Halkaa ayuu ka sii wadayaa, oo waxa uu yiri:

 

"Markii aan laba bilood Cadan joogay ayaa nin aannu saaxiib ahayni i yiri ”Carwada(1) baxaysa qaaddinnimo u raac!” Markaas ayaan ku iri ”anigu ma jecli in aan Carwada raaco”. Markaas ayuu yiri; ”iska raac ceeb ma ahee, sannad kaliya ayaad maqnaanaysaaye!” Markaa ayaan iri; "waa tahay" oo carwadii soo raacay oo carruurtii u dhigay [Qur’aanka]. Markii aannu siddeed bilood joognay ayaa ninkii madaxda ahaa yiri;”iminka dhaxan ayaa imanaysa [xilliga qaboobaha] ee iska noqda sannadka dambe ayaad soo noqon doontaane.” Markaana waxa aannu joognay meesa Iswiikow [Zwickau] la yiraahdo. Dabadeed aniga iyo ninkii noo madaxda ahaa ayaa is qoonsannay, kolkaana waa aan isaga haray. Markaana ma aanan doonayn in aan dhulkaan fariisto [ku negaado]. Waxaa aan doonayay in aan carwo kale oo Walandiis [Holland] fadhiday u tago. Warqad ayaan u qoray, kolkaas ayaa kii madaxda noo ahaa isaguna malaha warqad u qoray oo yiri; ”ninkaasi si xun buu igu falay.” Markaa ayay jawaab ii soo celin waayeen, dee waxa ay ahaayeen niman ay isaga isku qolo yihiin.

 

Markaa ayaan anigu wax aan qabto garan waayay. Waxa aan ahaa nin aan afkana aqoonin, dadkana aan wax ka aqoonin. Markaas ayaan shuqul doontay, aniga oo aan afna aqoonin warqadna haysanin. Kolkaa ayaa askartii i tiri; “haddii aadan warqad haysanin shuqul heli maysid.” Markaa ayaan Baarliin aaday oo inta qunsulkii Turkiga u tegay ku iri; “ anigu waxa aan ahay nin Muslim ah oo Soomaali ah”. Adigu markaas ayaan xaalkaygii oo dhanba u sheegay. Markaa ayuu i yiri; “iska tag, anigu kuma aqaanne!” Dabadeed ayaan haddana kii Ingiriiska u tegay oo ku iri; “anigu waxa aan ahay nin Soomaaliyeed oo Ingiriis raaciyadiis ah.” Kolkaas ayuu igu yiri; “kuma aqaan in aad Ingiriis raaciyadiis tahay iyo in kale, balse orod oo waxa aad u tagtaa qunsulka Hamburg jooga.”

 

READ

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this