Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Breaking News: Interior minister on his way to Kismayu

Recommended Posts

Muqdisho(RBC Radio)-Wafdi uu horkacayo Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka Xukuumada Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed oo ay xubno kayihiin wasiirka gaashaandhiga C/xakiin Xaaji Fiqi iyo Siyaasiga Caanka ah ee C/qaadir Luga-dheere ayaa ka ambabaxay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho iyagoo ku wajahan Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose.

 

Waftigan ayaa kulamo la qaadan doona maamulka kumeelgaarka ah ee ka arimiya magaalad Kismaayo oo ay kala hadli doonaan arimo ku saabsan maamul u sameynta gobolada Jubooyinka oo in dhawaalaba ay ka taagneed is qabqabsi ku aadanaa cida masuulka ka noqoneysa maamul u sameynata Jubooyinka.

 

Waa waftigii ugu horeeyey ee heer wasiir ah oo ka socda dowlada Soomaaliya oo u kicitima magaalada Kismaayo tan iyo markii laga Fara maroojiyey alshabaab Bishii September , ilaa hada lama oga waxa kasoo bixi doona Socdaal Wasiirada Dowlada Soomaaliya ay ugu ambabexeen magaalada Kismaayo iyo kulamada la filayo iney la yeeshaan Masuuliyiinta gacanta kuhaya maamulka magaalada Kismaayo.

 

Wixii war ah ee kusoo kordha booqashada Masuuliyiinta Dowlada waxaad kala Socotaa RBC Radio

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wafdi heer wasiiro ah oo ka socda Xukuumada Soomaaliya ayaa saaka ku sii jeeda magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubada Hoose, si ay ugu kuur galaan xaalada magaalada, tan iyo markii ay la wareegeen Ciidamada huwanta ah.

 

Sida ay sheegayaan wararka wafdigan ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Gaashaandhiga C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi, Wasiirka Arrimaha gudaha C/kariin Xuseen Guuleed, Wasiirka Garsoorka iyo arrimaha diinta C/llaahi Abyan Nuur, Wasiirka Warfaafinta C/llaahi Ciilmooge Xirsi, Wasiir kuxigeenka Gaashaandhiga, Wasiir kuxigeenka Warfaafinta, Taliyaha Ciidamada xooga dalka iyo Saraakiil kale.

 

Goor dhow ayaa la filayaa in wafdigan ay diyaarad gaar ah ka qaado garoonka diyaaradaha Kismaayo, iyadoo maamulayaasha magaalada gacanta ku haya ay kala hadli doonaan arrimaha ammaanka, maamul u sameynta iyo arrimo kale.

 

Wararka ayaa sheegaya in wafdigan ay dib Muqdisho ugu soo laaban doonaan gelinka dambe ee maanta, waxaana inta ay ku sugan yihiin magaalada ay kormeeri doonaan Dekeda iyo meelo kale.

 

Wariyaal la socda Wafdiga ayaa sheegaya in wafdigan heerka wasiir ay ka qeyb qaadan doonaan horumarinta adeega bulshada, iyagoo wada Isgaarsiin iyo FM laga hirgeliyo magaalada, kaasoo ah warbaahinta afka dowladda ku hadasha.

 

Dhowaan ayay aheyd markii magaalada Kismaayo laga soo celiyay wafdi uu u diray Madaxweynaha Soomaaliya, kuwaasoo u socday sidii ay u qiimeyn lahaayeen xaalada magaalada iyo u kuur gelidii arrimaha dhoofinta dhuxusha oo aheyd mida keentay khilaafka dowladda iyo maamulayaasha Kismaayo.

 

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this