Sign in to follow this  
Carafaat

Vote recount in Somaliland?

Recommended Posts

Carafaat   

Illyria;897625 wrote:
It is unfortunate that what started as peaceful demonstrations against possible election irregularities turned into deadly violance causing bloodshed of the innocent. More disconcerting are the voter turnouts in 2012 vs. 2003, particularly Hargeya with Burco and Awdal having more voter turnouts than Hargeysa, which has twice, if not thrice more population than both, or the combination of both. What is the cause of Hargeysa voter turnout shrinking by 41% where Awdal's rose by more than 51%? Just an observation.

 

2012 - local election results:

Hargeysa - 85,356

Togdheer - 129,397

Awdal - 129,397

 

2003 - local election results:

Hargeysa - 208,864

Togdheer - 115,064

Awdal - 65,930

Maybe XX can explain where the Hargeysa votes went? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Illyria   

From what I read so far, XX is not a reliable source. He only regurgitates what is being posted elsewhere. But pokes aside, I am not quite able to see where the considerable disparity comes.

 

Carafaat;897733 wrote:
Maybe XX can explain where the Hargeysa votes went?
:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Komishanka Oo Ku Guuldaraystay Inay Ku Dhawaaqaan Natiijada Codadka Hargeysa Ee Maxkamada Ay U Tahriibiyeen, Lana Sheegay Inay Waji-Gabaxa Kala Kulmeen Hay’adaha Garsoorka

 

Hargeysa, December 13, 2012 (Haatuf) – Komishanka doorashooyinka qaranka oo todobaadkan horaantiisii hakiyey natiijadii ka soo baxaday codbixinta doorashada golayaasha deegaanka gaar ahaana Hargeysa, ayaa ku fashilmay inay ku dhawaaqaan natiijada cusub ee ay ku buriyeen natiijadii hore ay u shaaciyeen oo ay isbadal ku sameeyeen codadkii ka soo baxay degmada Faraweyne ee gobolka Maroodijeex. Komishanka doorashooyinka oo Isniintii todobaadkan Maxkamada gobolka Hargeysa u gudbiyay natiijada cusub ee ay ku hakiyeen natiijadii codbixinta ee Komishanka gobolka Maroodijeex ay ku dhawaaqeen, kadib markii ay ku sababeeyeen dibu eegista natiijadii codadka degmada Faraweyne oo laba jeer ay sheegeen in codadka goobuhu ay laba jeer qormeen, balse la sheegay in Maxkamada gobolku ay shalay dib ugu soo celisay natiijada Caasimada Hargeysa ee ay u gudbiyeen, kuwaas oo sida ilo wareedyadu sheegeen masuuliyiinta Maxkamada gobolka Maroodijeex ay Komishanka u cadeeyeen in natiijadaasi aanay waafaqsanayn dariiqada iyo nidaamka sharcigu dhigayo, taas darteedna ay tibaaxuhu intaa ku dareen in Maxkamada gobolka Maroodijeex ay ku amartay in Komishanku ay iyagu ku dhawaaqaan natiijada codadka caasimada Hargeysa ee ay ku buriyeen natiijadii ay hore ugu dhawaaqeen Komishanka degmada Hargeysa. Komishanka doorashooyinka ayaan ilaa hada la ogayn asbaabta ay ugu dhawaaqi waayeen natiijada cusub ee codadka Hargeysa ee Maxkamada gobolka Maroodijeex ay dib ugu soo celisay, wallow ay galiyeen Website-kooda natiijada dambe ee ay tii hore ku bedeleen. Iyadoo shacbiguna ay ku jahawareereen go’aanada isburinaya ee komishanku ka soo kala saareen codbixintii doorashada ee ka soo baxday degmada Hargeysa, taas oo Komishanka ku noqotay fashilaad weyn inay cadayn kari waayaan codadka rasmiga ah ee ka soo baxay caasimada Hargeysa. Dhinaca kale Komishanka doorashooyinka qaranka ayaan ilaa hada ku dhawaaqin natiijadii rasmiga ahayd ee ka soo baxaday doorashada golayaasha deegaanka ee dalka ka dhacday 28 November 2012-ka, taas oo gudoomiyaha Komishanka Mr Ciise Yuusuf Xamari maalintii codbixinta doorashadu dhamaatay uu warbaahinta ka cadeeyay in muddo todobaad ah ay ku soo saari doonaan natiijada rasmiga ah ee ka soo baxda codbixinta doorashada golayaasha deegaanka, iyadoo ay ka soo wareegtayna muddo laba todobaad gaadhaysa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Komishanka oo Caawa Liiska 25 Xubnood G/Deegaanka Hargeysa u gudbiyay Maxkamadda

 

Hargeysa (Somaliland.Org)-Gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka ee Degmada Hargaysa Siciid Jaamac ayaa caawa mar kale waxa uu shaaca ka qaaday dib u sixidii ay ku sameeyeen natiijadii doorashada ee Caasimada Hargaysa isla markaana ay u gudbiyeen Maxkamada Gobolka Maroodi jeex,oo ansixin karta natiijadan marka ay ku qanacdo.

 

Gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka ee Degmada Hargaysa waxa uu sheegay in natiijadan ay dib u sixida ku sameeyeen aanay waxba ka badalin saamiga ay Xisbiyada iyo Ururada Siyaasadu kala heleen.

 

Guddoomiyuhu waxa uu cadeeyay in waxa keliya ee is bedelay ay tahay laba Murashax oo ay markii hore shaaciyeen inay ku soo baxeen doorashada oo ay dib u tirintii danbe ku saxeen isla markaana ay soo saareen cidii ku soo baxday. Kuwaasi oo ka soo kala jeeda ururadda RAYS iyo Dalsan.

 

“Waxaanu 6-dii Bishan ku dhawaaqnay natiijadda doorashada deegaanka Hargeysa, haddana 8-dii bishan ayaanu ogaanay in tiradii macluumaadkii Faro-weyne laba qorantay. markaa waxaanu komishan ahaan ka saarnay tiradii laba jeer qorantay. waxaanan maanta u gudbinay Natiijadii maxkamadda Gobolka Hargeysa waxaanay marka ay ku qanacdo qaraar lagu camal falo ka soo saari doonta,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Komishanka degmadda Hargeysa.

 

Waxa kale oo uu beeniyay hadalo ka soo yeedhay qaar ka mid ah murashaxiintii hadhay oo warbaahinta ka sheegay in xisbiyadda iyo ururadu ay soo xuleen saamiga xildhibaanadda ay ka heleen degmadda Hargeysa.

 

“Ma Jirto Xildhibaano ay soo xusheen axsaabtu iyo xildhibaano la is weydaariyay midna,”ayuu yidhi Siciid Jaamac.

 

Magacyada Xildhibaanada Cusub ee Golaha Deegaanka ee Komiishanku ku dhawaaqeen,waxay magacyadoodu kala yihiin.

 

1.Axmed Cali Haybe.

2. Khaalid Cabdi Cawad Abyan.

3. Mustafe Cismaan Daahir.

4 Maxamed Warsame Caalin Timacade.

5.Cabdiqani Yuusuf Cabdillaahi Ina Macalin.

6. Cabdillaahi Aadan Cali Cabaas.

7. Cabdirisaaq Faarax Xasan Qawdhan.

8. Hanad Xaashi Axmed Caydiid .

9. Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco.

10. Cismaan Xasan Faarax Waxar.

11. Eng. Yuusuf Warsame Siciid.

12. Axmed Siyaad Muxumed.

13. Cabdi Cali Yuusuf.

14. Axmed Daahir Axmed Magan.

15. Saleban Daahir Cabdillaahi Dogox.

16. Cabdillaahi Aw Aadan Maxamed.

17. Cabdillaahi Siciid Faarax.

18. Deeq Ducaale Cismaan.

19. Ismaaciil Jaamac Xirsi Cabdi.

20. Cabdicasiis Aadan Habane.

21. Ilyaas Aw Xuseen Jaamac.

22. Maxamed Aw Aadan Weyrax.

23. Khadar Ibrahim Axmed Maax.

24. Cabdicasiis Maxamed Xaashi.

25. Maxamed Cabdi Aadan.

 

Dhawaqan Komishanka degmada Hargaysa ayaa ka danbeeyay kadib markii ay Maxkamada Gobolka Maroodijeex, dib ugu celisay Komiishanka Doorashooyinka Natiijadii ay soo saareen 6dii bishan aynu ku guda jirno ee 2012.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this