Sign in to follow this  
Fiqikhayre

President Faroole visits Bosaso Prison complex inagurates new Prison wing

Recommended Posts

Dr.Farole oo tagey xabsiga Bossaso

 

4 Dec 4, 2012 - 2:37:04 AM

 

GAROWE ONLINE

 

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiraxman Shiikh Maxamed Farole ayaa maanta 04 December,2012 booqasho ku tagay Xabsiga weyn ee magaalada Bossaso islamarkasina xariga ka jarey qaybo cusub oo lagu kordhiyey.

 

Masuliyiinta wehelinayey madaxweynaha ayaa waxa ka mid ahaa Taliyaha Ciidanka Asluubta Puntland Gen.Cali Nuur Cumar iyo madax UNODC Puntland Cabdirisaaq Maxamed Jaamac iyo xubno ka soctey madaxtoyada.

 

Kormeer ayaa wafdigu ku marey xabsiga dhismihiisu socdey sidoo kalena Dr.Farole ayaa xariga ka jery laba qaybood oo lagu darey dhismaha xabsiga kuwaasi oo shaqadeedi la dhameeyey.

 

Ilaa 200 ayuu qaadayaa maxaabiista ,waxana lagu diyaarinaya dhamaan adeegayda iyadoona Laba qaybood ee xariga laga jarey mid ka mida loogu talo galay haweenka oo gooni ka ah xabsiga intiisa kale.

 

Madaxweynaha Puntland ayaa kalmado ka soo jeediyey furitaanki qaybtan ayaa ka waramay xasbigan ,burcada la keenayo iyo sida anshaxooda dib looga shaqeyn doono intay gudanayaan xabsiga.

 

‘’Wuxuu noqonayaa xabsi dadka ku xiran ay ku nafisaan ,waxan beesha caalamka ka balanqaadney in burcad badeeda Somalida ay keenaan si ay eheladooda u arkaan oo dhanka bini’aadanimo aan ka eegney’’ ayuu yiri madaxweynuhu.

 

Dhowaan ayaa xariga laga jarey Xabsiga weyn ee magaalada Qardho ,waxana qayb ka tahay arrintan dadaalka dowladu ugu jirto habeynta jeelasha iyo nidaamka lagu dhaqayo maxaabiista.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this