Sign in to follow this  
Daqane

Al-Shabaab oo isku urursanaya deegaanada Maamulka Puntland

Recommended Posts

Daqane   

Alshabaab_Puntland.jpg

 

Wargeyska Daily Telegraph oo kasoo baxa wadanka Ingiriiska ayaa baahay in xog uu helay uu ku ogaaday in hogaamiyaasha Xarakadda Al-Shabab ay isku urursanayaan deegaano ka tirsan m/mul goboleedka Puntlad.

 

Warbixinta uu wargeyskaan qoray ayaa waxaa lagu sheegay in kumanaan dagaalyahan oo Shabab ka tirsan ay bilihii lasoo dhaafay gaarayeen deegaano ku yaala buuraha Galgala ee gobolka Barri halkaasoo ay ka wadaan dhaq dhaqaayo ay ku abaabulayaan ciidamadooda isla markaana ay isku hubeynayaan.

 

Cajalad uu wargeysku sheegay inuu helay ayaa waxaa uu sheegay in dhalinyaro tiradooda lagu qiyaasay kumanaan ay deegaanada ruux oo Shabab ka tirsan ay Puntland hadda ku sugan yihiin kuwaasoo ku jira hawlo ay dib iskugu ururinayaan.

 

Tan iyo markii ciidamada dawlada iyo kuwa midawga Africa ee AMISOM ay Al-Shabab ka qabsadeen magaalooyin ku yaala koofurta Soomaaliya ayaa waxa la aaminsan yahay in dagaalyahano fara badan iyo hogaamiyaal Al-Shabab ka tirsan ay gaareen buuralayda Gal gala halkaasoo ay ku xoogaysan yihiin.

 

Ciidamada badda ee Puntland ayaa mar gacanta ku dhigay doon siday shixnado hub ah oo ay sheegeen inay ku socotay Al-Shabab.

 

M/weynaha Puntland ayaa dhawaan laga soo xigtay inuu sheegay inay jiraan dagaalyahano Shabab ah oo deeganadiisa ku sugan.

 

Qubaro dhanka ciidamada iyo shaqsiyaad arrimaha siyaasadda iyo amaanka falanqeeya ayaa u sheegay wargeyskaan in haddii ay Al-Shabab ku xoogeystaan deegaanada Puntland iyo Somaliland ay dhici karayso inay si fudud u weeraraan dalka Ethiopia oo Soomaalia daris la ah.

 

Web Updating, Somaliweyn Website

contact@somaliweyn.com

www.somaliweyn.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Daqane   

Shabakada Al-qaacida ee geeska Afrika oo isku urursanaya Waqooyiga Puntland, Faroole iyo Siyaasiyiinta Puntland oo Wadnaha farta ku haaya {Warbixin xiiso leh}

 

War bixin lagu qoray wargeeyska Daily Telegraph, ayaa lagu sheegay in mintidiinta Al-shabaab ee qaybta ka ah Al-qaacidada geeska Afrika ay hada isku urursanayaan buuraleeyda ku taal waqooyiga Soomaaliya, waxayna qorsheenayaan ineey weeraro ku qaadaan wadamada Kenya iyo Itoobiya oo iyaga ciidamo usoo diray gudaha Soomaaliya.

 

Al-shabaab oo si rasmi ah ugu biiray sanadkii hore Al-qaacida, ayaa waxaa laga saaray caasimada Soomaaliya ee Muqdisho iyo qaybo badan oo kamid ah gobolada Soomaaliya, iyadoo ay sidaas jirto ayaa hadana waxaa soo baxaya warar sheegaya in madaxdii ugu sareeysay Al-shabaab ay hada u guureen buuraleeyda waqooyiga Puntland ee “Gal-gala” oo iyada ka madax banaana maamulka Puntland ee halkaas kataliya.

 

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/raxmaan Faroole ayaa kal hore sheegay in howlgalada ciidamada midowga Afrika iyo kuwa doowlada ee mira dhalay ay sababeen in 11 kamid ah madaxda ugu sareeysa Al-shabaab ay usoo qaxeen dhinaca Puntland gaar ahaan “Gal-gala” iyadoona qaar kamid ah ragas ay ciidamada amaanka Puntland gacanta ku dhigeen waxaana ku jiray madaxii ugu sareeyay Amniyaadka Al-shabaab ee uqaabilsana dilalka qorsheesan, sidokale waxaa la qabtay hub badanb iyo waxyaabaha qarxa.

Ragaas ay ciidamada amaanka Puntland gacanta ku dhigeen waxaa kujira nin lagu magacaabo Abuu Xafsa, waana ninka u qaabilsanaa dilalka qorsheesan iyo madax jabiska, sidokale waxaa kamid ahaa nin isagana lagu magacaabo Xasan Tahliil, ninkan isagana waxa uu Al-shabaab u qaabilsanaa dhinaca farsamada iyo Loojiistikada, waxaa kalo gacanta lagu dhigay waxyaabaha qarxa sida jaakadaha laysku qarxiyo, miinooyin, banbooyin iyo qoryaha fud fudud.

 

Qabqabashada ragaan waxay daliil muuqata utahay sida ay Al-shabaab isugu urursanayaan dibana isugu soo habeeynayaa buuraha waqooyiga Puntland kadib markii ay kusoo jabeen dagaalka Koofurta o ay ugu danbeeysay magaalada Kismaayo oo xili u ahayd xudunta ugu weyn.

 

Xeebaha Puntland waa meel ay Al-shabaab u arkaan goob istiraatiiji ah maxaa yeelay waxay daris latahay wadanka yeman oo la aaminsanyahay inuu yahay hoyga ugu weyn ee Al-qaacidada jaziiratul Arab, ciidamada amaanka Puntland ayaa laba mar waxay gacanta ku dhigeen labo doonyood oo hub iyo waxyaabaha qarxaba uwaday Al-shababka ku dhuumaaleeysanaya buuraleeyda “Gal-gala”.

 

Wargeyska Daily Telegraph, ayaa sidookale qoray in doowlada Britain ay hada Puntland ku gacan siineyso sidii ay magaalada Garowe ee xarunta Puntland loga dhisi lahaa xaruun garsoor iyo xabsi weyn oo lagu xiro dagaalyahanada Al-shabaab iyo koxaha Purcad badeeda oo iyagana aan kadhib yareen dagaalka lagula jiro Al-shabaab, Britain waxay puntland sanad walbo siin doontaa sida warbixinta lagu xusay lacag gaareeysa £1.5 million.

 

Lacagtaan ayaa qayb ka noqon doonta in lagu dhiso xabsi weyn oo lagu xiro burcad-badeeda ay soo qabtaan doowladaha caalamiga ee kusugan badda Soomaaliya, waxaana lacagtaan Puntland loo soo marsiin doonaa hay’adaha QM.

 

Warbixintaan uu qoray wargeyska kasoo baxa wadanka Britain ayaa lagu sheegay in xabsigaan laga dhisi doono magaalada Garowe ee xaruunta maamulka Puntland lagu xiri doono Burcad-badeeda, iyo kuwa lagu soo qabto ineey kamidka yihiin kooxda la midoowday ururka caalamiga ah Al-qaacida ee Al-shabaab.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this