Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

President of Somalia Hassan sheikh Mahamuud arrives in Djibouti+PICTURES

Recommended Posts

Wafdigii uu Hogaaminayay Madaxweeynaha Soomaaliya oo si Diiran loogu soo Dhaweeyay Dalka Jabuuti

 

 

Isniin, November 26, 2012 (HOL) —Wafdigii uu hogaaminayay madaxweeynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Max’uud ayaa maanta gaaray dalka Jabuuti, iyadoona halkaasi ay si diiran ugu soo dhaweeyeen madaxda dalkaasi.

 

Madaxweeynaha ayaa safarkiisa waxa ku wehlinayay wasiirka gaashaandhigga mudane C/xakiim Max’uud Xaaji Fiqi, Xildhibaan ahna la taliyaha madaxweeyanaha Faarax Sheekh C/qaadir iyo agaasimaha guud ee madaxtooyada Soomaaliya Kamaal Daahir Xasan.

 

Wafdigii uu hogaaminayay madaxweeynaha ayaa markii ay gaareen garoonka magaalada Jabuuti waxaa halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay Madaxweeynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, wasiirro iyo madax sare oo katirsan dowladda Jabuuti.

 

Madaxweeynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Max’uud ayaa salaam sharaf ka gudoomiay ciidamada baambeeyda dalka Jabuuti.

 

Intaas kadib ayaa madaxweeynaha iyo wafdigiisa waxa loo galbiyay xarunta madaxtooyada dalka Jabuuti, halkaasoo uu kulan kula qaatay dhigiisa dalka Jabuuti.

 

Labadani masuul ayaa kulan kooda uga wada hadlay xiriirka labada dal iyo arimo la xiriira ciidamada jabuuti ee qeybta ka ah kuwa nabad ilaalinta midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya.

 

Shir jaraa’id ay oo ay kulanka kadib si wadajir ah u qabteen labada masuul ayay sheegeen in kulankooda ay uga wadahadleen arimo ku saabsan xiriirka labada dal iyo sidii loo xoojin lahaa.

 

Safarka uu madaxweeynaha Soomaaliya ku tagay dalka Jabuuti ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee uu ku aado dalka dibadiisa tan iyo intii uu madaxweeyne ka noqday dalka Soomaaliya, waxaana la filayaa in madaxweeynaha iyo wafdigiisa ay usii gudbaan dhanka Itoobiya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Toloow Jabuuti sidee wax looga soo dhaweeyaa?.....Malaha wax kasta oo Soomaali lahayd way amaahdeene iyaguna hadda waxay dhahaan: Jaalleyaaloow soo dhawaada...jaalleyaaloow soo dhawaada.:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   
:D Hadda waan iska ciyaarayey laakiin afka inaan kobcinno ayaa nalaka rabaa, rag iyo dumar nala mid ah ayaa sameeyey ee kama liidanno. Hadde kaas waa midka keliya ee aannan weli ku kala goosan baan filayaa XX, xoogaaga lahjadaha kala duwan waa iska ok.:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Afsomaligu wa Muhim its part of our heritage and identity inu marnaba lumo maha Djbouti ismaciil cumar geele ayaa sanadihi ugu danbeye aad u dadaalay oo aad u taageerey in dhaliyarada so koraya in afsomaliga aad lo baro. Oo afka fransiiska isticmaalkisa la yareyo, hadaad tagtid magaalada jabuuti yaryarka so koraya hada afsomaliga is wanaagsan wa ugu hadlaan, ereyo fransiiska mar mar bay ku so tuuraan laakin way so hagaagaysa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Sage   

Couldn't help but notice a plane from Ethiopian Airlines behind the Prez in the 4th pic. Kind of fitting, doesn't matter what Hassan or Gelleh do, the spectre of the ethiopians will always loom over them

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this