Sign in to follow this  
Fiqikhayre

Undersecretary General of the UN and Several EU Ambassadors visit Puntland

Recommended Posts

Wafdi ka kooban QM iyo EU-da oo Puntland soo gaaray.

 

Posted by Pi1 on November 19th, 2012

 

Garowe(Puntlandi.com):- wafdi balaaran ka socday Qaramada Midoobay iyo Midawga Yurub ayaa manta soo gaaray magaalada Garowe ee caasimada Puntland, waxaana Garoonka diyaaradaha ee magaalada Garowe ku soo dhaweeyay wafdi sare oo uu hogaaminayo Madexweyne ku xigeenka Puntland Gen, C/samad Cali Shire.

 

Wafdigan waxaa hogaaminayay kuxigeenka Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa waxaana safarkan Puntland ay ku yimaadeen ku weheliyay safiirada Wadamada Britain, Finland, Holland, France, Norway iyo xubno kaloo wado kale ka socday waxayna magaalada Garowe kula kulmeen madexda sare ee dawlada puntland.

 

Kulamadan kadib wafdigani waxay kormeereen qaybo ka mid ah xarumaha dawlada Puntland ee magaalada Garowe oo uu ka mid yahay xabsiga weyn ee magaalada.

 

Wafdigani waxay sidoo kale ka qayb galeen oo ay manta goobjoog ka ahaayeen furitaanka tababar loo bilaabay ciidamada Asluubta ee dawlada puntladn, waxayna sidoo kale aad madexda dawlada ugala hadleen Xabsiga loogu talagalay in lagu xir xiro burcad badeeda Soomaalida ah ee puntladn laga dhisayo sidii horay heshiisyada loogu galay kaas oo dhismihiisa ay wadamo dhawr ah iska kaashanayaan.

 

Wafdigani waxaa la filayaa in daqiiqado kadib ay galabtadan ka ambabaxaan magaalada Garowe ee caasimada puntland kadib markii dawladu ay u gudbisay warbixino farabadan oo la xiriira sida Puntland ay ugu diyaargarawday maxaabiista burcad badeeda ah ee la doonayo Xabsigan cusub lagu hayo.

 

www.puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wafdi uu hogaaminay​o Ku xigenka Xoghayaha QM oo Garowe soo Garay maanta

 

November 19, 2012 - Written by Webmaster - Edited byWebmaster

 

Wafdigaan oo ay garoonka diyarahadaha ee Garowe ku soo dhaweeyen Madaxwayne ku xigeenka Puntland C/samad Cali shire iyo xubno ka tirsan golaha wasiraada ayaa waxaa ka mid ah wafdigaan oo hogaaminayey Ku xigeenka xog hayaha Guud ee qaramada midoway ahna Madaxa UNODC Mr yury Fedotov iyo xubno ka socday midowga yurub oo maanta si rasmi ah u dhagax dhigay Qaybaha ka harsanaa dhismaha xabsiga iyo kuliyada tababarka cidamada Asluubta waxaana uu hariga ka jaray dhismaha wasaarada Cadaalada.

 

Madaxwaynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Maxamud Faroole oo hadal kooban u jeediyay dufcadii ugu horasyay ee Xarunta loogu qabto tababar ayaa uga mahad celiyay dalalka gacanta ka gaystay iyo ha’yadaha qaramada midoway isagoo kula dardaarmay dhalinyaradii loo furayey Tabaabarka in ay ka faai’daystaan.

 

Ku xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midwoy ahana Madaxa Ha’yada Xabsiyadda iyo Muqadarradka ee QM UNODC ayaa uga mahad celiyay Maamulka Puntland dhanka hormarka ay ka gareen iyo soo dhawaynta ay u sameeyen.

 

“Arintaan waxa ay tusaale u tahay hawsha ay qabatay UNODS waxbadana ay qabanayso xaflada dhamasytirkana waxaa la qabanaya dhamaadka sanadka soo socda oo marka uu dhamado xabsigu , Wada shaqaynta UNka iyo Maamulku waxaa ay naga caawinaysaa la dagalanka Burcad badeedka oo dhib ku haysa caalamka, waxanayna dhaaqale xumo ku soo kor dhisay Somaliya iyo Calamka kalenaba” ayuu yiri Mr Yuri oo saxaafada lahadlayay.

 

Ugu danbayntii ayuu dhalinyarada u rajeeyay in ay ka faa’idaysaan waxbarashadan oo ah mid mustaqbal leh Waxaa sidoo kale wafdigaan iyo Madaxwaynaha Puntlland ay xariga ka jareen dhismaha Cusub ee Wasarada Caddalada diinta iyo awqaafta Puntland oo dhimsaheedei la dhameeyay.

 

Sawiro

 

C/naasir Yaasiin Salaad

SBC International Garoowe

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Puntland oo la kulmey Yuri Fedetov ''Sawiro''

 

19 Nov 19, 2012 - 6:57:47 AM

 

GAROWE ONLINE

 

Magaala madaxda Puntland ee Garowe ayaa maanta 19 November,2012 waxa soo gaarey wafdi caalami ah oo ka socdey Qaramada Midoobey iyo Midowga Yurub waxana horkacayey Agaasimaha guud ee Hayada UNODC Yuri Fedetov.

 

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Farole ,ku xigeenka Gen Cabdisamad Cali Shire ,wasiirada xukuumadda ,taliska booliska , asluubta iyo weliba safiiro iyo saraakiil ka socdey shan dalka oo Yurub ka tirsan ayaa ka qaybgalay xaflada xariga looga jarayey dhismaha taliska ciidanka asluubta Puntland.

 

Sidoo kale waxay madaxda iyo masuuliyiintu dhagax dhigeen dhismaha Xabsiga Garowe oo shaqadu bilow ka tahay iyadoona la soo diyaariyey calamada dalalka dhaqaalaha ku bixinaya dhismaha xabsiga oo kala ah Britain ,Holland ,Denmark ,Norway iyo weliba Finland.

 

Qado sharaf wafidga loogu talo galay ayaa Hotelka Rugsan Square ee magaalada Garowe kula qaateen madaxda iyo masuuliyiinta Puntland ,waxana intaasi ka dib loo dareerey dhanka wasaarada cadaalada Puntland oo dhismeheeda cusub xariga mar kale ay ka jereen Dr.Farole iyo Yuri Fedotov.

 

Kulan ayaa u xigey Qaramada Midoobey iyo Puntland isla yeesheen iyagoona intaasi ka dib shir saxaafada ugu qabtey halkaasi.

 

Madaxweyne Dr.Cabdiraxman Maxamed Farole waxa uu soo dhoweeyey dadaalada ay Qaramada Midoobey ay ku dooneyso in la soo afjaro kooxaha burcad badeeda Somalida isagoona dhankiisa sii adkeeyey in tan iyo markii la doortey 2009 dagaal maamulkiisu kula jire argagixisada iyo burcad badeeda.

 

Dhankiisa ayaa Yuri waxa uu ka waramay hawlaha ay qabato Hayada UNODC laga soo bilaabo diyaarinta xabsiyada ,wacyigelinta dhalinyarada iyo weliba maxaabiis ay dhowaan ka keeni doonaan dalalka Seychelles iyo Mauritius.

 

Labada dhinac ayaa ku heshiiyey xoojinta iskaashiga la-dagaalanka burcad badeeda iyo weliba dardargelinta hawsha dhismaha xabsiyada iyo kor u qaadida tayada laamaha amaanka iyo hawlwadeenada waaxyaha dowladda ee xiriirka la leh.

 

Wafdiga ayaa galabta dib Nairobi uga laabtay magaalada Garowe,Waxana hayada UNODC u qaabilsan tahay Qaramada Midoobey barnaamijka la-dagaalanka burcad badeeda (Counter-Piracy Programm).

Share this post


Link to post
Share on other sites

yury-fedotov.jpg

 

Secretary-General Ban Ki-moon appointed Mr. Yury Fedotov of the Russian Federation Executive Director of the United Nations Office on Drugs and Crime (UNODC) and Director-General of the United Nations Office in Vienna (UNOV) on 9 July 2010. He holds the rank of Under-Secretary-General of the United Nations. Before that, Mr. Fedotov served as Ambassador Extraordinary and Plenipotentiary of the Russian Federation to the Court of St. James's in London for five years.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this