Sign in to follow this  
Fiqikhayre

Puntland prohibiting and stopping the use of plastic bags and bottles

Recommended Posts

Puntland oo joojineysa Bacaha & Caagadaha 2013

 

18 Nov 18, 2012 - 8:50:38 AM

 

GAROWE ONLINE

 

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiraxman Shiikh Maxamed Farole oo maanta 18 November,2012 kulan kaga qaybgalay xarunta PDRC Garowe si rasmi ah ugu dhawaaqey in Puntland joojineyso isticmaalka bacaha iyo Caagadaha.

 

Go'aankan ayaa ka danbeeyey ka dib daraasad ay aqoonyahano deegaanka ah iyo ardey jaamacadeed ka diyaarsheen dhibaatooyinka ay keento bacdu iyo istacmaalka caagaduhu.

 

Deegaanka xaalufkiisa ka sokow waxa lagu soo bandhigey goobta filim dokumenti ah oo ka shekeynayaa Bacaha istacmaalkooda cudurada iyo xanuunada laga dhaxlo iyadoona haweenka gada caanaha ugu horeeyaan dadka ka qaybgalaya ololahan lagu joojinayo bacaha iyo caagadaha.

 

Si loo dhiirigeliyo isticmaalka weelka Aqal Somaliga ayaa xarunta maanta waxa lagu soo bandhigey alaabta la dhigo ,kuwa caanaha lagu cabo iyadoona weliba haweenk jireen ku labisan dharkii hidaha iyo dhaqanka Somalida.

 

Wasaaradaha Deegaanka ,arrimaha gudaha ,Haweenka iyo Warfaafinta ayaa intuba ka qayb qaatey abaabulka barnaamijkan lagu joojinayo Isticmaalka Bacaha iyo Caagadaha deegaanada Puntland.

 

Madaxweyne Cabdiraxman Shiikh Maxamed waxa uu sheegey in go'aankan joojinta ahi uu dhaqan galay January 2013 ,islamarkaasina cidii keenta ama soo gelisa Puntland ganaax lagu ridi doono.

 

Ka sokow magaalooyinka waxay gaarsiisantahay dhibaatada Bacdu deegaamada ka baxsan magaalooyinka oo u keenta xaaluf iyo welib xoolaha oo cuna kadibna u bakhtiyaan bacda awgeed.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Apophis there's plenty of time for the ban to come in.

 

Madaxweyne Cabdiraxman Shiikh Maxamed waxa uu sheegey in go'aankan joojinta ahi uu dhaqan galay January 2013, islamarkaasina cidii keenta ama soo gelisa Puntland ganaax lagu ridi doono.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Aphophis Yes there are such projects and the plastic bags and bottles are recycled into durable, affordable, cost effective and environmental friendly plastic items such as doormats, mats, matrasses, house decorations etc.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this