Sign in to follow this  
Siciid1986

The Somaliland Police Force celebrates its 19th anniversary+Pics

Recommended Posts

Hargeysa (Somaliland.Org)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta ka qeyb galay xaflad balaadhan oo lagu xusayay sanad-guurada 19-aad ee ka soo wareegtay aasaaska ciidanka Booliska oo la aasaasay 03/11/2012.

 

Xafladii dabaal degga sanad-guuradda 19-aad ee ciidanka Booliska waxa kale oo ka soo qeyb galay Wasiirro, Xildhibaano, masuuliyiin ka socday ha’yadaha wada shaqaynta la leh ciidanka Booliska iyo marti-sharaf kale.

 

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Gen. Cabdilaahi Fadal Iimaan, oo ka hadlay sanad-guuradii 19-aad ee Booliska Somaliland, waxa uu yidhi “Mudane Madaxweyne, Iyadoo aynu maanta xusayno sanad guuradii 19-aad ee ka soo wareegtay aasaaska ciidanka Booliska tan iyo markii aynu la soo noqonay madax-banaanideena. Waxa ciidanka Boolisku soo maray marxalado kala duwan. Waxaan odhan karnaa maanta waxa uu marayaa meel aad u fiican.”

 

“Ciidanka Booliska Somaliland waxa uu hadh iyo habeen heegan ugu jiraa gudashadda waajibaadkiisa qaran ee uu bulshadiisa ugu adeegayo si ay ugu naalooto nabad, deganaansho iyo xasilooni ku salaysan shuruucda iyo cadaalladda. Waxa Boolisku hadda ka hawl-galaa 75 saldhig iyo 91 rugood oo ku kala yaala dalka Jamhuuriyadda Somaliland oo dhan,”ayuu yidhi Taliyaha ciidanka Boolisku.

 

Gen Cabdilaahi Fadal Iimaan waxa uu tilmaamay in sanadkan ay siminaaro kala duwan soo qaateen, waxaanu xusay in 57 sarkaal ay soo qaateen iyo 1206 askari, kuwaasi oo iskugu jiray RRU-da, SPU iyo STU.

8150463253_446ee404d3_z.jpg

20121103013646.jpg

8150377412_102224a7ba_z.jpg

8150458215_31a0943245_z.jpg

8150485120_a2b02bfb99_z.jpg

8150376198_44468597b9_z.jpg

 

8150458629_9dedd2d8fd_z.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this