Sign in to follow this  
Yunis

KISMAAYO: Dadka deegaanka Jubbooyinka Gedo oo cadowgooda Koowaad u arka DF (Warbxin)

Recommended Posts

Yunis   

http://www.puntlandpost.com/kismaayo-dadka-deegaanka-jubbooyinka-gedo-oo-df-u-arka-cadowgooda-koowaad-warbxin/

 

Kismaayo: (pp)- Waxaa soo baxaya ama la dhihi karaa waa fashilmeen qorsha-yaal ay wateen madaxda sare ee DF ee Soomaaliya qaarkood, kuwaas oo doonaya sidda Puntlandpost ay ka soo xiganayso magaalada Muqdisho inay fashiliyaan qorshayaasha maamulka loogu soo dhisayo deegaanada Jubbooyinka & Gedo.

 

Dhowr Casho kahor ayey ahayd markii guddigii farsamada ay isaga soo huleeleen magaalada Muqdisho, kaddib markii la isku dayey in khakhashaad la geliyo barmaamijkii lasoo waday 4-tii sano ee la soo dhaafay, isla markaasna uu madaxweyanaha Df iyo guddoomiyaha baarlamaanka Federaalka ah ay isku dhinac ka noqdeen in la maja xaabiyo barmaamijka maamul samaynta jubbooyinka iyo Gedo .

 

 

Puntlandpost oo soo xiganaysa Illo muhiim ah ayaa loo sheegay in masuuliyiinta dowlada Federaalka ah ay u suuriweysay in ay wax been ah ka dhaadhiciyaan guddiga farsamada ee Muqdisho tegay kaddib markii madaxda sar sare ee dowlada ay Jeebkooda kala soo baxeen 6 xubnood oo iyaga ay soo xusheen kana tarjumaaya fakirkooda , xubnahaas oo la doonayey in lagu qaso guddiga farsamada , si ay u carqaladeeyaan barnaamijka maamulka loogu samaynayo deegaanada Jubbooyinka & Gedo, nasiib wanaag waxaa arrinkaas si isku duubni ah uga horyimi guddigii farsamada ee ka koobnaa beelaha deegaanadaas wada dega, oo si isku duubni ah u qaadacay siyaasada guracan ee ay la yimaadeen madaxda sheeganaysa inay wadanaka hogaangiisa ay hayaan waqtigan.

 

Isku duubnida guddiga farsamada ayaa Weji gabax ku noqday madaxda dowlada, kuwaas oo doonayey inay hab qabiil u kala fur-furaan guddiga farsamada, nasiib wanaag guddiga farsamadu waxay noqdeen kuwo isku dan ah oo fiirinaya maslaxada iyo danaha beelaha dega Jubbooyinka & Gedo.

 

Read on

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this