Sign in to follow this  
Maaddeey

Isbaaradii oo dib u bilaabatay

Recommended Posts

Maaddeey   

Kn: Duqa magaalada Xamar, ahna gudoomiyaha gobolka Banaadir Maxamuud Nuur Tarsan ayaa sheegey in socdaal kormeer ah oo u ku tagay magaalada Balcad uu soo arkay illaa 14 isbaaro oo tiiley inta u dhaxayso Balcad iyo Xamar.

 

Dhamaan ciidamada joogey jidgooyooyinka ayuu sheegey in ay ka tirsanaayeen guutada labaad.

 

Balcad iyo Xamar waxa ay isu jiraan 30KM, masaafo intaasi la’eg waxaa isu jira Afgooye iyo Xamar, waxaana magaalada soo martay xili 30 isbaaro ay tiiley halkaasi xiligii hogaamiye kooxeedyada.

 

KismaayoNews.com

 

_________________

 

Sidoo kale ilo madaxbanaan ayaa inoo sheegay in Xamar & Afgooye-na sidoo kale isbaarooyin aan kuwa Balcad & Xamar ka yarayn yaallaan!.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Wadayaasha gaadiidka ee ka howlgala waddada isku xirta Afgooye iyo Muqdisho ayaa ka cabanaya isbaarooyin sharci darro ah oo ku soo batay waddadaasi, kuwaasoo lacag baad ah looga qaado gaadiidleyda laguna furto shacabka.

 

Mid ka mid ah wadayaasha gaadiidka ayaa sheegay in rag ku lebisan dareeska ciidanka dowladda ay siddeed isbaaro dhigteen inta u dhaxeysa deegaannada Calamada iyo Carbiska.

 

Wuxuu sheegay in gaari walba oo waddadaasi soo mara ay ka qaataan lacag gaareysa 30 kun ilaa 50 kun oo shillin Soomaali ah.

 

Wadaha wuxuu walaac ka muujiyay jidgooyooyinka lacagaha baadda ah looga qaado gaadiidleyda ka dhex shaqeysa gudaha gobolka Shabeellaha hoose.

 

Dowladda Soomaaliya ayaa baro koontarool oo sharci ah waxay ku leedahay deegaannada Siinka-dheer iyo Baar Ismaaciil, waxaana goobahaas lacag canshuur looga qaadaa gaadiidka.

 

Daafeet.Com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Waqooyiga Magaalada Muqdisho oo dib ugu laabatay qaabkii ay aheed sanadkii 2005 ta Iyo wixii ka horreeyay ayna la waregeen moooryaan dhac ku haysa dadka kuwasoo daadsaday Isbaroyin kor u dhafay labaatan isbaaro sida uu Xaqajiyey Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho wuxuuna xaqiijiyey in ay go’idooonto wadada isku xirta Muqdisho iyo Balcad, kadib markii ay ku soo bateen isbaarooyin ay dhigteen Ciidamada dowladda, kawasoo gaadiidka iyo dadka dhac u gaysanayaan.

 

“Muddo kabadan 20sano ayaa laga sugayey Casimada somaaliya in uu ka dhaco is bedel , waxaana muuqata in durbaba Moooyaanrtii ku nool waqooyiga muqdisho ee ka tirsaneed ciidanka Dowladda ay gashteen shaar moooryaanimo iyadoo aysan jirin cid dowlada ka tirsan oo isku xilqaantay in ay arintaan wax ka qabato.

 

Waxaa murugo inteeda la'eg leh shacabka ku nool waqooyiga Muqdisho in ay ka go'aan Magaalada inteeda kale ayna maamulkeeda la waregeen Moryaan ku dhacaysa jidka habeenkiina guryaha dadka ugu dhacayso ciddii ay dontana dilaysa iyadoo shacabka Somaliyeed ee ku nool caasimadda dalka qaybo ka mid ah magaaladu ay haystaan amaan buuxa iyo nabadgalyo halka dadka ku nool waqooyiga loogu simay Moryaan ka tirsan ciidanka dowlada in ay iyaga sidii ay rabaan u maamushaan.

 

Tarsan oo donayey in uu kormeer ku tago qeybaha canshuuraadka lagu qaado ee degmooyinka ayaa ayaa waxaa uu la kulmay isbaroyin luuq walba yaala kuwasoo la dhigtay bartamaha Muqdisho ilaa wadada aada Balcad.

 

Tarsan ayaa ku qaylo dhamiyey “Indhaheyga ayaan ku arkay isbaarooyinka la dhigtay Waqooyiga muqdisho , waxaa dhaceysa in jidka uu go’o, sidoo kale isku socodaka dadka, markaan ciidankii u tagay oo aan weydiinay waxay ii sheegeen inay dhamaan yihiin Guutada labaad”ayuu yiri Gudoomiye Tarsan.

 

Tarsan ayaa ku qaylo dhaamiyey saraakiisha Ciidamada dowlada ka tirsan oo ay shaqadoodu tahay moryaanimada in ay ku shaqaystaan inay ciidamada wadada ka qaadaan, kuwasoo uu ku daray kuwa isbaroyinka iyagana u yaalo in ay iyagana sitaan dharka ciidanka tarafikada isagoo ka digay in hadii ay sidan wax ku sii socdaan dadka ganacsatada ay dhibaato soo wajaheysa sidoo kalena dadka shacabka ah , haddii ciidankii dowlada ay shacabkii ay isbaaro u dhiganayaan waa arin aad looga naxo.

 

“Ninka Taliyaha ka ah Guutada labaad iyo kuwa taliyaha ka ah ciidanka tarafikada ee isbaarada jidka dadka u dhigtay dhowr arrimood ayaa u furan, waa mida koowaad waa kuwo qeyrul Mas’uulnimo ciidan ay ka muuqato kadib markii ay ku fakireen in ay wadada dadka u dhigtaan isbaaro ugana qaataan lacago leejo ah , waa mida labaad hadduu uu yiraa waxba kama ogi waa qayrul mas'uul , hadii uu dhaho iima tira koobna waa la mid, tan kale hadii uu dhaho aniga howshaas u dirsaday iyadana waaba kasii foolxuntahay, haddii uu arimahaas sheegto , wax kale oo u furan ma jiraan”ayuu yiri Gudoomiye Tarsan.

 

Hadalka Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ku soo beegmaya, iyadoo darwalada gaadiidka kala duwan ee ku safra duleedka Muqdisho ay qaati ka taagan yihiin isbaarooyin lasoo dhigay waqooyiga muqdisho xafad walba dadka waxaa usii dheer dhaca dilka kufsiga habeen iyo maalin , isla markaana ay gudaha magaalada Muqdisho lacago isbaaro ah ay uga qaadanyaan kuwo lebisan dharka ciidanka lana yaqaano guutada iyo taliyaha ay hoostagaan sidoo kale kuwo ku lebisan dharka Taraafikada.

 

calayaale.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

xasan qoslaye is busy partying with is damjadiid friends while the country and the peace people worked hard for slips away.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this